Gen. Cadde Muuse ”Aniga Gaalkacyo waa magaaladaydii anoo dhalinyar baan ka soo shaqeeyay, hadana waxaan u imid nabadayn’‘

January 2, 2013   //   Warar Somaali

Duhurnimadii maanta oo arbacaa waxaa magaalada Gaalkacyo soo gaaray m/weynihii hore ee Puntland Gen, Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) kaasoo ka soo anbabaxay magaalada Garoowe oo gabal dhicii shalay uu soo gaaray.

M/weynaha waxaa baliga Abaar ee duleedka waqooyi ee Gaalkacyo kaga hor tagay oo si weyn u soo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka PL,siyaasiyiin iyo qaar ka mida bulshada Gaalkacyo.

Jenenka ayaa markii uu soo galay gudaha magaalada waxaa mar kale sacab iyo caleemo qoyan ku soo dhaweeyay dadweyne ay ku jiraan nabadoono oo ku sugayay hoteelka Sugule oo laga dajiyay magaalada.

M/weynihii hore ayaa hadal kooban oo uu saxaafadda siiyay waxaa uu ku tilmaamay dareenkiisa soo dhawayneed iyo ujeedka uu salka ku hayo imaatinkiisa Gaalkacyo.

” Aniga magaaladan waa magaaladaydii anoo dhalinyaraa baan ka soo shaqeeyay madaxtinimadaydii ka hor, hadana waxaan u imid nabadayn iyo inaan la kulmo qaybaha kala duwan ee bulshada’‘ ayuu Yiri Mudane Cadde Muuse Boqor.

M/weyne Cadde ayaa sheegay inuu safarkiisa ka soo billaabay magaalada Boosaaso, wuxuuna xusay inuu u kuur galayo xaaladda hada ee Puntland uuna doonayo inuu la kulmo dhinacyada kala duwan.

Illaa hada lama oga inta uu qaadan doono safarka Jeneral Cadde ee Gaalkacyo, waxaa la filayaa inuu la kulmo siyaasiyiin ay ka mid yihiin Dr, Gaagaab iyo Gablax oo soo dhawayntiisa maantana ka qayb galay, ma jirin cid ka tirsan maamulka degmada iyo gobolka ee ka qayb gashay soo dhawaynta m/weynihii hore.

Diiwaanka Wararka

COMMENTS

RSSComments (4)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. mohamed hassan says:

    adeer intad is qabqabsiga iska dhaafatan iyo xiqdiga iyo qabiilka asaagiin la tartama
    bal somaliland waligiina m aragteen wax iskala faquuqaya

  2. hadrawi says:

    maashaa allaah madaxweyne cade waa nin sokeeye u ah puntland faroolana waa nin cadow ummada puntland uh ah siyaasad ahaa ku gal gashay dhaqaale ahaana intuu urursaday maahee intii kale burburiyay raba inuu sanad kale magac ahaan iyo sumcad ahaan baabi’iyo.

  3. Abwaan: Cabdi Axmed Nuur says:

    Talo iyo Tusaalayn: Tix Faroole ku socota! 29/12/2012.

    Marna cabburin iyo caga-juglayn baan Cabdow, caana kuu badine
    Ninkii cirbataagsadoo yiri cirkaan gaarayaa, weeye camalkaaye
    Caqliga oon cisaynaa ka roon, cudud la feydaaye
    Cakuye carqalad hayna gelin, cudur xun looma caal helo e
    —————————————————————————–
    Mar haddii car iyo wir iyo hanjabaado culus, laysu celinaayo
    Oo aan caloolfiyoobaani jirin, waa col dabadeede
    Cilmi nimuu Ilaah siiyiyo cabqari, caaqibuu dayine
    Cimrigaad haatan joogtaa Cabdow, waa cibaadada e
    Yaan laguu cimaamadin arintaas cakiran, cirib danbeedkeeda
    ———————————————————————————–
    Carra Tuunus ka carar Caabidiin wuxuu, cood lahaan jiraye
    Xusnigii carab u weynaa waa kaa, jeel ka caacyiriye
    Qadaafina waatay caruuruhu heleen, oo kaga catawsheene
    Calaawina waakan ciirsanoo ragaas, buu cirbinayaaye
    Intaasuba cashar bey inoo tahay haddaan, la iscamaynayne
    ———————————————————————————–
    Intaan curaddo dhiigood la qubin, oo warmaha loo cillaan marinin
    Oo aan curdinkii habluhu carmal, naga caloolyoobin
    Oo ay cashiiradu wada cayshayso, oo la isku ceeboobin
    Oo aan Caasumaddu ceel nagaga dhicin, loo cid diriwaayo
    Caymaynu leenahay Cabdow, talada waa cabirayaaye

  4. maan shaa allaah gen; cade ilaahay cimrigisa ha raajiyo waa halyey p/and waa nabadoon dhaba oo maantay dhibta p/and ka dhacda sigaara u saamaynayso waayo waa aabihi pl asagaa wax laga waydiinaya maantay haday pl dhib ka dhacdo in kasto ina cabdi xaashi uu arimihi pl uu faraha kala baxay macaa isku keenida shucuubta pl iyo khaatumo macaa waa gabay dr. ,. C. Xaashi. Cade. Noolow runtana u sheeg gaagab iyo gablax qandaraska ay kusoo qaaten bur burinta p/and. Una sheeg pl inaysan dagaal u baahneyn faroole na halkaas sano nagu dhaafo sharkisana ilaahay naga qabto khayr kiisana na waafajiyo

Leave a Reply