Gen.Cade Muuse Waa Wadani Ku Dayasho Mudan

December 22, 2012   //   Announcement, Warar Somaali

Nasiib uma yeelan in aan la kulmo intii uu hogaanka u hayay Puntland Maxamuud Muuse Gen.Cade ,hasa yeeshee maanta oo Sabti ah taariikhduna ay ku beegan tahay 22/12/2012 ayaan  markii ugu horaysay aan la kulmay Maxamuud Muuse Xiri anniga oo ka mid ahaa Koox Saxafiyiin ah oo ugu tagay gurriga uu ka dagan yahay Bosaso,ka dib markii maanta uu soo gaaray magaalada Bosaso.

Cade Muuse oo aan da’diisa ku qiyaasayo 70-sanno waxaa ka go’an in uu ka shaqeeyo nabadda iyo xasiloonidda deegaanadda Puntland,si mar kale Puntland uusan dagaal uga dhicin.

Markaan qiimeeyay qiiradda wadaniyadeed ee ku jirta,waxaa ii soo baxay in uu yahay  wadani dareenkiisa wannaagsan uu ka tarjumayo in reer Puntland ay gaaraan hormar wannaagsan.

Xilliga aan la kulmayay Maxamuud Muuse ma jirin Siyaasi dhinaciisa ka muuqanayay,waana mid kuu muujinaysa in uu yahay Nabadoon ka madax bannaan Siyaasiyiinta reer Puntland.

Oraahyadda uu ku dhawaaqayay waxaa ka mid ahaa‘’…Puntland cadow badan ayay leedahay,waxaa loo baahan yahay in lasoo celiyo Midnimadeeda,waxaan reer Puntlad ka codsanayaa in ay amaanka ka shaqeeyaan,waxaa Puntland ku jira dad badan oo burburka raba….’’.

Ma aha nin isla wayn oo dabeecad qalafsan,waa masuul u ixtiraama qof kasta si xilkasnimo ku dheehan tahay.

Horay uma maqal Isim,Culumaa’udiin iyo Siyaasi u istaagay in uu qaato door la mid ah kan Maxamuud Muuse Xirsi,inkasta oo aan garanayn in dib laga arki doono.

Waxaan ku tilmaami karaa Maxamuud Muuse Xirsi,halyay nabad doon ah,caaqil aragti dheer iyo wadani xilkas ah oo tusaale wannaagsan u noqon kara dadweynaha reer Puntland.

Talabada nabadeed ee uu qaadayo Maxamuud Muuse Xirsi waa mid lagu xusi doono Diiwaanka taariikheed ee umadda reer Puntland.

ALLA Ha Xafido Maxamuud Muuse Xisi Cadde.

Qormadan waxa qoray Qoraa Cabdi Qani Cabdullaahi Cabdi (Qalabad).

COMMENTS

RSSComments (12)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Cali Caaydiid. kenya mombasa says:

    Janeral,Cadde muuse waxaan dhaawraynaa goog dhoow,wixii akhbaara ee uu dalka ka soo urur-shaay,sidaan laguma jirikaro?

  2. Kulmis 1 says:

    Mandela of Puntlamd Jeneral Cadde muuse,Allaa magac iyo saldano baxsho labadiina waa ka muuqataa janeral Cadde muuse,waxaana ku rajo waaynahay wax badan oo afka lagala baqaayo,inuu maamulka iyo mucaaradkaba ku tiiq tiiqsandoon.jeneral cadde muuse waa geesi aan runta ka leex-leexan.

  3. Kulmis 1 says:

    Afuufaaye:ookaalay ma haddaa dhalatay mise Maxamed Faroole ayaa tahay isagaa sidaan u caaytamee,mise aaran jaan ayaa tahay.war xagee jirtay faroole markuulahaa beenlaan,war xagee jirtaay markii booska laga qaadaay,oo baarlamaanka weeray,mise dhilintuu baarlamaanka u diraay ayaad ku jirtay “magaciyo musiibo maalin baay baxaan”maantana sida xamar looga guuray ayuu garowe ku wadaa dad-baana Caasimada ka dhigtay midoobaay ee reer uma aha walle afkaad riyaha ku nuugin adiga iyo Afwaliijaba.

  4. Kulmis 1 says:

    TO: AFUUFAAYE Adigu ma Aaran jaan ayaa tahay mise Burcad Badeed,Mise Saraceen waa yaab?Mise Faroole ayaa kugu yiri Caayda wax ku aan ku daayno si kaleeto wax kumaan Helaaynee waa yaab?

  5. Kulmis 1 says:

    Jeneraal Cadde Muse Waa Aabihii Puntland,waxaana wanaagsan in Qof walba uu ku Daaydo Jeneraal Cadde Muuse Alle haciseeyo?

  6. Ardayda Puntland Ee Qaahira says:

    Gen Cadde Musse Boqor waa Halyeey Ku dayasho Mudan , loooool walee waa laguu aayin
    salaan sare beey hawada ku soo marinaya dhamaan ardayda Reer Puntland ee Qaahira

  7. afuufaaye says:

    Marka hore waxaan idinku salamin salanta islanka Asalamu Calaykum. marka xigta waxaan rabaa inaan si guud idiin ku sheego in marka wax la qorayo xaqiiqada qofka aanan laga tagin. cadde wuu nabad jecel yhy lkn muwaadin ma ahan oo midnimada Puntland waxa ay baab’a day isaga oo madaxweyne ah. marka dadka runta ha laga sheego. Mahadsanidiin

  8. gujir says:

    waxaan marka hore salmayaa dhamaam akhyaarta rag iyo dumarba leh
    Salaan kadib waxaan lee yahay cayda iyo afla gadada midna meel laguma gaaro ee halaiska dhaafo mid shaqsi iyo mid toleedba waxaan rabaa waliba inaaan u caqli celiyo walaal samawade oo qoraalkiisa ku aflagadeeyay mid shaqsi ah iyo mid waliba tolguud oo wax walba laga heli karo mid wanaagsan iyo mid xunba tusaale ahaan waxaa kuugu filan tanbe haolkaad caynaysid cabdikaafi oo camoole ah oo isagu kasoo horjeeda maamulka hada jira qabiil ahaana nin kua btirsada qabiilka caynasid marka walaal waxaan qormadaaan uqoray waad gefday ee mardanbe haqorin tan aad qortay hada waad mahadsan tahay

  9. Maanka says:

    Cadde muse waa la so arkay wakhtigisi isaga iyo gaagab iyo ini said samatar, dad aqoon iyo nidaam dowladeed la yimaada aya la raba sida madaweyne faroole waxa uu istahila in 4 sano o kale loogu daro, insha allah waxan dhowrna waa horumarka iyo asxaabta oo lafurto lanana janqado xisbiyada

  10. caraseedo says:

    Cade Muusana markuu talinaayay macaan idinkama helin iyo ammaantoona,Faroolana warkiiba daa.

  11. sila says:

    ilaaheey ha waafijiyo sida danteennu ku jirto,shaki kuma jiro inuu yahay nin talin jiray oo aabihiina talin jiray oo owoowgiina talin jiray ilaa sayid darood ismacil jabarti oo looga sii tago nabiga adeerkii abu dalib oohaa sheikhu bani hashim..

  12. FAARAX says:

    soo dhowow mudane Madaxweyne waan ku jecalnahay walaahay waan ilmeeyay markaan warbixintaan arkay.

Leave a Reply