Golaha ansixinta dastuurka Soomaliya oo ansixiyay dastuurka cusub ee Soomaaliya

August 1, 2012   //   Warar Somaali

Golaha ansixinta dastuurka Soomaaliya ee ku shirsanaa magaalada Muqdisho ayaa maanta ansixiyay dastuurka cusub ee yeelanayso Soomaaliya.

Kadib kulan qaatay muddo sideed cisho oo ay argooyinka ansixinta ku gorfeynayaan qodobada ku jira dastuurka Soomaaliya ayaa maanta waxaa siwadajir ah ay intooda badani isku soo raaceen dastuurka inuu yahay mid ansax ah.

645-xubnood oo ka mid ah ergooyinka ansixinta dastuurka ayaa soo xaadiray xarunta gaadiidka booliska ee magaalada Muqdisho oo uu shirku kasocdo,621-xubnood ayaa hab gacantaag oo HAA ah ku meel mariyay dastuurka cusub ee Soomaaliya,waxaana diiday 13 xubnood, iyadoona ay aamuseen 2-qof.sidaasina dastuurka uu ku noqday mid si KMG ah loom eel mariyay inta afti dadwayne laga qaadayo.

Dhinaca kale ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa fashiliyay laba qof oo doonayay inay isku qarxiyaan madasha shirka, waxaana lagu toogtay afaafka hore goobta ay ciidamadu joogaan.

20-Agoosto ayaa la qorshaynayaa in la qabto doorashada madaxtinimada Soomaaliya maadaama la ansixiyay dastuurka, waxaana dowladdu ay ka baxday KMG oo ay Soomaaliya kusoo jirtay muddo ka badan afar iyo toban sanadood.

Puntland-News24

 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply