Golaha Wakiiladda Puntland Oo Madaxweyne Farole Ka Codsaday In Uu Xayiraadda Ka Qaado Ganacsiga Shidaalka

February 15, 2013   //   Warar Somaali

Guddiga joogtadda ah ee Baarlamaanka Puntland ayaa madaxweyne Farole ka dalbaday in uu ka noqdo xannibaada la saaray Ganacsiga xorta ah,xilli 1/2/2013 wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland lagu mamnuucay Ganacsiga Shidaalka ka iman jiray wadanka Yaman.

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland oo ah guddi shaqeeya inta u dhaxaysa labadda Kalfadhi ee Golaha Wakiilada go’aankan soo saaray ka dib marii ay si qoto dheer u fiiriyeen qodobadda 42-aad,48-aad,49-aad iyo 50-aad.

Go’aanka Guddiga joogtada ah ee Golaha wakiiladda ayaa si rasmi ah usoo baxay 11/2/2013,waxaana aan la ogayn sida Madaxweyaha Puntland uu ugu hogaansami doono Go’aanka Golaha sharci dajinta Puntland.

Halkan ka aqri Qoraalka baarlamaanka uu qoray PDF.

PDF-baarlamaan

Halkaan ka eeg qoraalkii joojinta shidaalka ee madaxwaynaha Puntland.

Go’aanka Joojinta Shidaalka Yemen,Dr Faroolle

Golaha Wakiiladda ayaa ka mid ah Xisbiga Madaxweyne Farole ee HORSEED,hasa yeeshee Go’aanka ay qateen Hay’adaasi ayaa si wayn ay usoo dhoweyeen Ganacsada Shidaalka ka keeni jirtay wadanka Yaman.

‘’….Ganacsigeena sababta loo joojiyay markii hore waxay ahayd Dano gaar ah,laakiin waxaan ka filaynaa Madaxweynaha in uu u hogaansamo Go’aanka golaha sharci dajinta…’’Sida waxa yiri mid ka mid ah Ganacsatada Shidaalka oo ka gaabsaday magaciisa in laga sheego Saxaafadda.

Waxaa jira Doonyo fara badan oo ku xiran Dekeda Bosaso oo wada Shidaal aad u badan,halka kuwo kalena ay kusoo jiraa Badda.

Si kastaba ha ahaatee Go’aanka Baarlamaanka ayaa imanaya xilli Ganacsiga Dekeda Bosaso uu hoos u dhacay muddooyinkii ugu dambeeyay.

 Puntland-News24

 

COMMENTS

RSSComments (8)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Mimi says:

    Waxaan la yaabay Marka uu ku jawaabtay xukuumadda Faroole , Shiidaalka laga keeno Yemen waa tayo xunyahay weli yaa arkay isaga oo ka hadlaya cunnada iyo Daawada Tayadooda adeer taas cidina kaa asmici mayso niman gaar ah oo aad ku jirto ayaad u danaynaysaa ee ganacsiga Puntland ee xorta ah faraha kala baxa, ninkii wax isku haya hala tartarmo suuqa xorta ah, Waxaan reer Puntland kula talinayaa shacab iyo ganacsatoba hadii hal falis shiidaalku kor ukaco in uu ku xirnaanayo dhaqdhaqaaqa oo dhan ,isgaarsiinta, gawaarida korontada, iyo waxyaalo badan in lagu Mudaaharaado Burcadda is bahaysatay oo Barlamaankii iyo Maxkamaddii Puntland irridaha isigu dhufatay.

  2. Mimi says:

    Yaa hurdadii ka kacay oo isku dayaya inay Booskoodii qaadataan waxaan dhihi lahaa barlamaanka Puntland reer Puntland waa idinka quustay wuxuuna idiin arka Staffka FAROOLE kuwa ugu liita oo ugu hooseeya idinka ayaana is geeyay heerkaas maxaa yeelay waad ka saraysaan oo waxaa tiihan dadkii shacabka metelay oo dastuurka in la ilaaliyo waardiyaha ka ahaa oo hadii FAROOLE gees maro xasuusin lahaa, laakiin maxaa samayseen waad istaahishaan in la idin yaso xukuumad iyo shacab bba Allah ya’khkudkum.

  3. Puntland says:

    Okaalay faroole hanti ururso moyee miyuusan wax kaleeto aqoon,jiro iyo da’ina waa haysaye yaa xaraanta,wiilashuna waxaay dhicikaraan way dhaceene,war shaydaan yohow dadka dan yarta ah ka daa dhibaatada aad ku hayso,rabbi kuuma naxartiste iblis yohow waa ibliise.

  4. Kulmis1 Vic Australia says:

    Somaliudu waxaay dhahaan”Hal booliya niriga xalaala madhasho”Waxaan og-nahay faroole waa ninkii isagoo wasiira weeraay barlamaanka,kuna haligay nafooda dhalintu soo abaabulay”waa ninkii siduu qado maal meed uga helo ini boy yiri puntland maahee waa beenland,faroole danihiisa khaaska ah ayaa uga muhiimsan danaha shacabka puntland? waxaase Faroole ka sii liita biiniqatayaasha wakhtigodii dhamaaday oo welitona rajo ka qabo faroole iyo aaran jaan,waa wax lala yaabo,awal ayay ahaayeen najaaso soo ururtay waayo ninka afwaliije afarta sono musuq maasuqa kula shaqaysanayey waa la mid!!!!!!

  5. Najma Naji says:

    Waa arrimaha dhibka ugu culus ku haya dadka reer Puntland in ganacsatada yer yer iyo dadka dan yerta dhib joogta ah lagu hayo taasoo caado maamulka faroole u ah, in haddii qof noloshiisa maanij garaynaayo ay u arkaan in ganacsatada joogtada u caawinta maamulka wakhtigiisii dhammday ay wax uga lumaayaa.
    Waxay rabaan in qayb ka mid ah ganacsatada oo iimaankii ka tagay oo u uu lacagtooda isticmaalo uu u cuna qabateeyo hadduu heli karo reer Puntland oo dhan.
    Ma oga intay fiirinaayaan in ay qanciyaan nin raba in uu patrolka keeno, in uu dhaqaalhii iyo kala socodkii howsha oo dhan ay lugaha goynayaan.
    Ma garanaayo qoladaan leh wakiillaan nahay in ay garteen khaladkoodii ay ugu sacabtumi jireen iyo in kale laakiin waa talo fiican haddii uu qaadanaayo,kollay isga OK ka soo qaateen baan filayaaye.`

  6. caasho says:

    Ganacsiga in la cuna qabateeyo waa xaaraan,farole amnigii buu wax ka qaban la yahay markaasu ganacsigii cuna qabataynayaa.

  7. Runlow says:

    waa wareey farole waa in uu qaataa go’aanka baarlamaanka waa muhiim.

  8. FAARAX says:

    war ganacsiga in la cuna qabateeyo xaggee ka laga soo minguuriyay waa la yaabe,farole allow dalka ka qabo.

Leave a Reply