Golaha Wasiirada oo ka dooday falal dilal ah oo ka dhacay Muqdisho todobaadkan

March 14, 2013   //   Warar Somaali

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen warbixin ku aadan safarka R.waaaraha iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ay ku tageen degaanada Puntland iyo Galmudug iyo dilal maalmihii ugu dambeeyey ka dhacay magaalada Muqdisho.

IMG_4298

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu horeyntii ka hadlay safarkii uu ku tegay degaanada maamulada Puntland iyo Galmudug, wuxuuna ku tilmaamay inay natiijo wanaagsan oo la taaban karo ay ka soo baxday, wuxuuna mar kale u mahadceliyay shacabka degaanadaasi oo uu sheegay inay si weyn u soo dhoweeyeen.

“Golaha Wasiirada markii aan hor dhigay natiijada safaradii Puntland iyo Galmudug iyo heshiisyadii iyo isgaradkii na dhex maray, aadbey u soo dhoweeyeen weyna ila qateeen” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo si gaar ah ugu mahadceliyay labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka jawaabay warar soo baxay oo sheegayay in aan natiijo ka soo bixin kulanka Galmudug, balse wuxuu nasiib darro ku tilmaamay warkaasi, “Warkaasi ma aheyn mid aanu fileynay, mana ahan mid haboon, sababtoo ah wadahadalada Galmudug na dhex maray waxay ahaayeen kuwo sii soconaya oo aan dhamaan, waxaana ku balanay in Bishan Maarso 25-keeda, lagu soo gabagabeeyo Muqdisho oo aan ku martiqaadno”ayuu yiri R.wasaare Saacid oo hoosta ka xariiqay in Galmudug ay ka mid aheyd maamuladii udub dhexaadka u ahaa in laga gudbo kumeel gaarka, loona gudbo dowlad rasmi ah, mar kastana ay xushmo iyo qadarin u hayaan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale, xusay in goluhu si adag uga doodeen, falal dilal ah, oo goobo kala duwan ka dhacay kuwaasoo lagu dilay dhalinyaro, wuxuuna xusay in arrintaasi ay aad uga xunyihiin, ayna u saareen guddi ka kooban saddex Wasaaradood, oo kala ah, Wasaaradda Garsoorka, Wasaaradda A. Gudaha iyo Wasaaradda Warfaafinta.

“Guddigan waxaan ka sugeynaa warbixin rasmi ah, oo mida haatan aanu heyno ka badan, waxaana si gaar ah u iclaaminay shir aan caadi aheyn oo arrintan looga hadli doono oo golaha Wasiiradu yeelan doonaan maalinta Talaadada ee soo socota” ayuu yiri Mudane Saacid oo xusay in muhiimada dowladdu tahay illaalinta xaquuqda aadanaha iyo xorriyatul qowlka.

IMG_4291 (51)

PN24

COMMENTS

RSSComments (2)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Dictator (Diktator) Dawo Mleh says:

    Dadka Shacabka yaa dilaaya ? Hadii ay yihiin ciidamada Dowlada. Taas waa in lagu dacweeyaa Maxkamada Demiyada Ee Aduunka Ee Haag. Markaas waxaas lama oran karo waa Dowlad. Waa in Aduunka loo sheegaa

  2. Jubba says:

    Dadka waxaa laynaya ciidankii XAAD iyo ACTION GROUP ee wali hubka kudhex wata magaalooyinka.. Tusaale _ Gaalkacayao waa magaalada kaliya ee oogu nabad galyada xun puntland iyaduna waxay eeday oo dhibaya ACTION GROUP oo ka agdhow. Meeshay ka agdhawaadaan oo dhan maalintaas ayaa nabad oogu dambayn.
    KISMAAYO waxooga ilkayar ah oo kasoo qaxday XERAALE ayaan nala joogta, maalintay nalasoo dageen ayaa nabad noogu dambaysay…… Action group uma baahna in gudi loosaaro waxay u baahan yihiin in hal meel lagu aruuriyo sida dadka waalana darbi wayn oo xayndaab ah lagu xareeyo…. Halkaana lagu hayo waligood, finish and clear.

Leave a Reply