Golis iyo kaalinta bulshada ay kaga jirto(Warbixin)

February 1, 2013   //   Faallooyin

golis_logo

Shirkadda isgaarsiinta ee Golis Telcom waxaa ay ka mid tahay shirkadihii isgaarsiinta ee dalka Soomaaliya ka hanaqaaday wixii ka dambeeyey markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Sanadkii 2002-dii ayay ahayd markii ugu horeysay ee shirkaddu ka howl bilawday deegaanada Puntland ee waqooyi Bari Soomaaliya oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah Somaliland iyo Galmudug.

Xarunta Cusub ee Golis kadhisanayso Bosaso

Xarunta Cusub ee Golis kadhisanayso Bosaso

Waxaa ay noqotay hooyada isgaarsiinta ee Puntland, kadib markii ay shirkaddu dalka keentay adeegyo casri ah oo la jaqaanqaadi kara tiknaloojiyadda casriga ee caalamka, iyadoo qaar ka mid ah adeegyadii ay keentay aan horay looga aqoon qaaradda Afrika.

Puntland waxaa ka hor intii aysan soo gaarin adeegga taleefanka bulshada  haysatay dhibaatooyin aad u balaaran oo dhinaca xiriirka dadwaynaha dalka ku iyo kuwa dibadda jooga.

Inkastoo ay jireen shirkado isgaarsiineed ayaa hadana Golis waxaa ay noqotay shirkadii ugu horaysay ee dalka keentay adeega taleefanada mobile-ka & Internet services waxaa taasi ay keentay dad badan inay aad ugu riyaaqaan adeegyadan.

Adeegyada Golis ee Mobile-ka.

1- isticmaalka Adeega Mobile-ka oo qiimo jaban

2- is wicitaanka oo aad u qiima jaban daqiiqadiina ay noqoneyso wax ka yar labo kun oo Shilin

3- adeega SMS-ka (fariimaha Qoraalka ah) oo bilaash ah

4- adeegyada Mobile-ka oo casri ah

5- Adeega E-Voucher oo sahlaya in macmiilku uu ka maarmo Kaarar hadalka ee qorashada ahaa si sahlana ay Accoun-kiisa ugu galayso lacagtii uu rabay

6- Lacag ku shubashada Mobile-ada oo ay hoos u dhigeen una sahleen hadba qof walbaa inta uu awoodo in uu ku shubto sida hal Dollar , Nus Doolar iyo wixii ka yar sida 25 Cent.

7- Adeega Prepaid-ka

8- Adeega Postpaid –ka

9-Sahal Service  oo ah adeeg aamin ah  mobile-kaaga aad kaga adeegan karto.

Shirkadda Golis iyo 2012-kii mashaariicdii ay fulisay.

Shirkadda Golis oo ah shirkadda ugu ballaaran isgaarsiinta Puntland, waxay sanadkii la soo dhaafay ee 2012-ka si weyn uga qeyb qaadatay dhinacyada horumarinta waddooyinka, aqoonta iyo caafimaadka.

Saldhiga booliska Qardho ee shirkaddu dayactirtay

Saldhiga booliska Qardho ee shirkaddu dayactirtay

1-      Hawsha bani’aadamnimo ee nolosha dadka taabtay ee shirkadda Golis ay ka qeyb qaadatay waxaa ka mid ah, mashruuc dhanka caafimaadka ah oo dadka indhaha loogu fiiqayay. Dad badan ayaa aragoodu uu dib u soo laabtay. Mashruucaasi waxaa iska kaashaday shirkadda Golis iyo Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso. Halkan ka aqriso

2-      Golis oo si weyn uga qeyb qaadata tayeynta iyo dhiirigelinta aqoonta waxay sanadkii la soo dhaafay sameysay (B) Hirgelinta tartan Qur’aan aqris ah oo Garowe lagu qabtay, abaalmarinna ku bixisay. Halkan ka aqriso (T) Maalgelinta Tartan Aqooneedka bisha Ramadaan ee ka baxay TV-ga iyo Idaacadda SBC International ee magaalada Boosaaso, Halkan ka aqriso (J) Si sare loogu qaado aqoonta wariyeyaasha Puntland, Shirkadda Golis waxay qabatay tababar ay kala kaashatay ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, kaasoo lagu qabtay magaalada Garowe. Tababarkaasi waxa uu baaiyay khaldaad badan oo wariyeyaashu ay ku dhici lahaayeen xilli dhibaatooyin badan wariyeyaasha Muqdisho ay la kulmayeen. Halkan ka aqriso

Intan aan soo sheegnay keliya kuma koobna waxqabadka ay sanadkii la soo dhaafay shirkadda Golis u sameysay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Puntland. Waxaa jira waxqabadyo badan oo ay iyadooku taageertay shirkadaha ganacsiga qalabka dabdamiyeyaasha, mashaariic waddo laami ah lagu saaray magaalada Boosaaso, hirgelinta mashruuc calaamadaha waddooyinka oo shilal badan baajiyay iyo waxyaabo badan oo aan halkan kusookoobi Karin. Shabakaddan Shirkadaha.com inyar oo ka mid ah waxqabadyadii shirkadda Golis ee sanadkii hore ayay daabacday, halkan ka aqriso.

Sanadkan cusub ee bilowga ah iyo waxqabadkiii Golis.

Waxqabadka shirkadda intaasi kuma ekaan waxaa shirkaddu ay sanadkan soo gabagabeysay dayactirka saldhiga dhexe ee magaalada Qardho oo shirkadda inata aysan dayactirin ahaa mid aad u burbursanaa, xuska sanadguudii 40-aad ee saxaafadda Soomaaliya ay shirkaddu hadiyado badan ay ku bixisay.golis2

C/raxmaan Dayax Midig madaxa Golis ee suuqgaynta

C/raxmaan Dayax Midig madaxa Golis ee suuqgaynta xuska maalinta saxaafadda

Isbitaalka wayn ee magaalada Bosaso oo ka mid ah goobaha danta guud ee bulshada ayay sanadkan shirkaddu ugu deeqday qaboojiyeyaasha maydka, taasi oo isbitaalku baahiwayn uu uqabay, horayna waxaa ay ka qaybqaadatay dhismihii isbitaalka Bosaso iyo qalabayntiisa.

Si kasta oo ay ahaabata adeegga shirkadda Golis Telcom ma’ ahan mid lasoo koobi karo mudadii ay jirtay hase ahaatee shirkadda ayaa aad macaamiisheda ugu muujinaysa inay diyaar u tahay daboolidda baahiyaha dhinacyada isgaarsiinta iyo horumarinta adeegyada dadwaynaha.

Puntland-News24

 

COMMENTS

RSSComments (2)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Qadheyare says:

    Warka ka imaanaya faroole ma ahan kuwa laga filay waxaayna udhawdahay in dadkale warkaasku hadleen waayo ninkaanu waa nin masuul ah

  2. jaamac says:

    Maansha alaah wax kalena waa ka sugaynsa

Leave a Reply