Guddiga Doorshadda Puntland “ Dowladda hadda jirta waa 4 sanno “ Dhageyso”
October 16, 2012 // Faallooyin, Warar SomaaliXubin ka mid ah guddiga doorshooyinka ee Puntland ayaa mar uu ka qeyb galeyey Barnaamij dood ah oo ka baxayey Idaacadda VOA waxa uu sheegay in dowladda Puntland ee hadda jirta la doortay mudo 4 sanno ah balse markii dambe oo la ansixiyey dastuurka lagu daray sanad dheeraad ah.
C/risaaq Showle ayaa sheegay in khilaafka ka taagan Puntland uu yahay mid salka ku haya lifaaq labaad oo ay uu sheegay in ay ansixiyeen sida hadalka uu dhigay golaha Wasiiradda iyo Baarlamaanka Puntland, kaasi oo dhigaya in laba golle ee dowladda Puntland ay xafiiska sii joogaan mudo 5 sanno ah.
Halka C/risaaq Showle ayaa burinaya hadalo horey uu u jeediyey Gudoomiyaha gudigga doorshadda Puntland kaas oo sheegay in aysan jirin wax mudo kororsi ah, balse Dowladda hadda ee Puntland la doortay 5 sanno.
C/risaaq Showle oo ku sugan Garowe ayaa si cad u guddiga doorshooyinka aysan u oolin mudo kordhin iyo mudo dhimid, balse iyagga ay meel cidla ah wax ka bilaabeen.
“ Anigu ma hubo in golaha xukumadda mudo sanad ah loo kordhiyey, laakiin waxaa mudo kororsiga la sameeyay Junne 2010kii” ayuu yiri Mudane. Cabdirsaaq Showle.
Halkaan hoose kadhagayso
Waxa uu sheegay in Gudiga doorshooyinka loo keenay Dastuur iyo warqaddo lifaaq mudo kororsi ah oo is wata, kuwaas oo loogu keenay in ay guddiga hirgeliyaan, balse iyagga aysan waxba shaqo ku laheyn kororsi iyo arimo kale” ayuu yiri Showle
Hadalka ka soo baxay Xubinta ka tirsan guddiga doorshooyinka Puntland ayaa waxa uu muujinayaa sida xubnaha guddiga doorshooyinka ka tirsan aysan xitta ugu qanacsaneen in wakhtigaan in Puntland laga hirgeliyo nidaam mudo kororsi ah.
Mudane Showle waxa uu sheegay in ay jireen meelaha qaar oo laga diiday guddiga doorshooyinka, balse waxa uu ku tilaamay sida uu hadalka u dhigay in ay taasi tahay astaan mid qeyb ka ah nidaamka Dimoqraadiyadeen ee Puntland.
Guddiga doorshooyinka KMG ah ee Puntland ayaa ah guddi dhex dhexaad ah, isla markaana waxa ay ka madax banana yihiin siyaasadda iyo weliba xeer dejinta Puntland, halka Gudoomiyaha guddiga iyo qaar kale oo ka tirsan golaha ay adeegsadaan awood la mid ah tan xukumadda.
Socdaalo ay ku tageen qaar ka mid ah degmooyinka Puntland ayaa waxaa looga horyimi ka dib markii shacabka Puntland ay ka biyo diideen qaabka ay guddiga waxa u wadaan, Shacabka reer Puntland ayaa aminsan in Puntland laga hirgeliyo nidaam dimoqraadiyadeed balse waxa ay sheegen in xilligan dowladda ay la daahday, wakhtiga u harsan yahay mudo 3 bilood ah.
Khilfaafka ka tagan Puntland ayaa waxa dad badan aaminsan yihiin in xilligan tahay wakhtigii loo baahnaa in xal laga gaaro, taasi oo sahli karta in tixgelin la siiyo rabitaanka Shacabka reer Puntland oo ka soo horjeeda mudo kororsiga xukumadda ee sanadka ah.
Yuusuf Hajji
Puntlandnews24
Editorial



guuul Puntland waa maamul aad u wanagsan marka la eego shacabka lkn dawladan wax jirta ahayn
anagu tashanee idinkay idiin taalaa aaran jaan iyo caruur tiisa sida lagayeelayo markaan oran jirnay waar siday wax usocdaan watii afka lana goosanayay hadal iyo dhamaan tii anagu soomali land baanu nahay kanaxow nafta waa guuuuuuul dhuloos
Faaladan way fiiCnaan lahayd in laqaato lakiin waxaa badan qaar aan dalka Iyo dadka idanay Neen waana wada dareemikaraa xaalaka maanta meeshuu maraayo xoog xoog ayay xaaladu joogtaa bal aan eegno Jan waxa iska bedala pl inkastoo iminka gabal udhacay
shacabka p/land waa shacabka ugu fiican shacab laxukumo …waa dad wadaniyiin ah dulqaad badan…eey ku weyntahay nabadda iyo dimoqraadiyadda …laakiin nasiib darro masoo marin madax wacan oo ka danqada shacabka iyo dhulka toona …kuwo ku raadsada kursi..kuwo lacagaha ammanada jeebka ku qaatta iyo kuwo dadka laaya si qarsoodi ah oo wahaabiya dabada ka riixeeyso intaba waa soo arkeen….laakiin kuwa ugu xumaa waa kuwa hadda maamulka haya ee wahaabiyada dadka leeysa dabada kariixeeyso.
anigu waxaan qabaa iska dhaafe mudo kororsi waa in nidaamkana maxkamad la horkeenaa oo la weydiiyaa dadkii la laayey oo dhan iyo cidda leysey ..in lasoo qabto haddii kale maxkamad la horkeeno ..faroole aabaha burcad diimeedka dadka laaya ee wahaabiya ..saad ogtihiin waxaa la laayey ..cuqaal…ganacsato…saraakiil ..wasiiro…aqoonyahan …culumo…suurtagalna marna noqion meyso in dad weynaha lagu yiraahdo …waxba lama hayo ….waa in dowladda hadda jirtaaye madaxdooda gaar ahaan madaxweynaha …kan maxkamadda sare ..iyo gudoomiyaha baarlamaankaba ..la maxkamadeeyaa…iayagana waa in eey is casilaan …maadaama eey amniga ku fashilmeen…hadaaneey saa la yeelinna waa in lasameeyaa mudaharaad ka gees ka gees …oo lug iyo fardo …iyo gawaari lagu maraa magaalooyinka waa weyn oo dhan ….sida bosaaso …gaalgacyo…qardho …garoowe…ugudanbeynna la iskugu yimaadaa garoowe oo lagu qabtaa shir weyne qaran…madax cusubna dib loo doortaa oo waliba nadiif ah oo aan aheyn kluwii horey usoo cuney dadka iyo dalka ee qaarkood hadda umadda hor boodahaya …waa in la helaa madax nadiif ah …daacad ah diin usaaxib ah oo aan aheyn buercad diimeed …wadaniyin ah.
waana in laga fiirdsadaa marakani qofka hoganka loo dooranhayo….!!