Guddoomiyaha baarlamanka Jabuuti oo booqasho rasmi ah ku joogo Muqdisho kana qeyb galay kulankii baarlamanka

December 12, 2012   //   Warar Somaali

Barqanimadi maanta ayuu garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dagay guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Idiris Arnaa,uud Cali oo ay lasocdeen qaar ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti waxaana kusoo dhaweeyay garoonka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusman “Jawaari”, mudaneyal ka tirsan baarlamaanka dalka iyo saraakiisha ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee kasocda dowladda jabuuti.

Wafdigii ka socday dowladda Jabuuti ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galay kulankii maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho waxaana kulanka baarlamanka soo xaadiray 182 mudane, iyadoona ajandaha kulanka uu ahaa sidii loo soo dhaweyn lahaa mas’uuliyiinta ka socotay dowladda Jabuuti.

Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay afhayeenka baarlamanka Soomaaliya ayaa hadal uu jeediyay uga mahad celiyay shacabka iyo dowladda Jabuuti garab istaaga ay dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin.

Sidoo kale Gudoomiyaha baarlamaanka jabuuti Idiris Arnaa’uud Cali ayaa isaguna u jeediyay mudanayasha hadallo u badan guubaabo iyo mahadcelin waxa uunu ku baraarujiyay xubnaha golaha shcabka in ay ka shaqeeyaan wax walba oo lagu hormarinayo dalka Soomaaliya.

Khudbadi afhayeen barlamanka kadib waxaa ay xildhibanadii kasocday dowladda Jabuuti hadiyado ay ugu talageen gudoonsiiyeen xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamanka jabuuti iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa maalmaha soo socda joogi doono magaalada Muqdisho si ay ugu kuur galaan xaalada wadanka Soomaaliya waana wafdiga ugu horeeyay ee baarlaman Afrikaan ah ka socda oo yimaado Muqdisho islamarkana lakulmo baarlamanka dhigooda ah ee Soomaaliya.

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply