Gudiga doorashada oo shaaciyay in lasoo xiray wajiga koobaad ee furashada ururrada

December 31, 2012   //   Warar Somaali

Guddiga KMG ee doorashada Puntland ayaa maanta shaaciyay in lasoo gabagabeeyey wajigii kowaad ee furashada ururrada siyaasadda Puntland oo markii ugu horaysay gudigu fasaxay 11-kii September ee lasoo dhaafay,  balse loo kordhiyay waqtiga kadib markii .

Gudiga ayaa qorshahoodu ahayd inay furashada ururrada siyaasadda soo gabagabeeyaan howshooda sideedii bishan maanta dhamaatay ee December waqti kordhin uu sameeyey gudiga la go’aamiyay maanta in lasoo gabagabeeyo.

Gudoomiyaha gudiga doorashada Maxamed Xasan Bare iyo xubno ka mid ah guddiga oo shir jara’id maanta ku qabtay magaalada Garowe ayaa shaaciyay in lasoo xiray wajiga koobaad ee furashada ururrada.

Warsaxaafeed uu aqriyay Axmed Maxamed oo gudiga ka mid ah ayuu ku sheegay tan iyo intii furashada ururrada la bilaabay ay isa soo diiwaan galiyeen lix urur oo kala ah.

Horseed,  Hor-cad, Midnimo, Wadajid iyo urur siyaasdeedkii ugu dambeeyey ee magaalada Garowe looga dhawaaqay oo loogu magacaday xisbiga dad Puntland (Puntland Peaples Party) UDAD .

Ururrada siyaasdaeed ee Puntland looga dhawaaqayo ayaa loo arkaa mid xukuumadda ku doonayso in waqti dheeraad ah ku kororsato jiritaankeeda oo ku eg 8,Jan.2013 oo todobo casho ka harsan yihiin.

Siyaasiyiinta Puntland ayaa ku doodaya xukuumadda madaxwayne C/raxmaan Faroole ay kasoo bixi wayday balan qaadkeedi hore oo ahaa in muddo afar sanadood ku hirgalinayso nidaamka xibiyada, balse waqtigeeda ay ku qaban waysay maalina laga yeeli doonin inay ku darsato.

Arimaha sida wayn loo hadal hayo ayaa waxaa ka mid ah hanaanka dimuqraadiyadda in loo hayaami karo  xilli xukuumadda ay ku dhawaaqday xisbiga Horseed oo ay sheegtay inay ka mid yihiin ciidamada iyo dhamaan shaqaalaha dowladda oo ay ku jiraan maamulada gobolada iyo degmooyinka Puntland.

Puntland-News24

 

 

 

COMMENTS

RSSComments (12)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. wiil mudug says:

    asw walaalayaal waan idinsalaamay waxaa aad ulayaabanahay ninkan labaxay heelo laasqoray muna gabar garowe markaad leedahay ma adeerkaabaa oo haduu adeerkeed yahay maxaa kujaban sow madifaacikarto adiguse hadii aad wayday cid aad difaacdid madadkaa maagaysaa gabar garoowaaba kudhaanta aduga ninkaan garoola ah aad ayuu umaskax adagyahay cidna waxkamalayo tiisaana ucad awoodna wuuleeyahay uuwaxkumaamulo marka waxaa cad inuufashiliyay siyaasiyiintii mucaaradka ku ahaa sanadkaasina mar isimadii u ansixiyayna waa kuwaa aamusan oo uu isaguleeyahay iyagaa ansixiyay marka inawadanar sanadkaasuye iska adkaysta walaalayaal

  2. heeladu waa heelo laasqoray says:

    horta muna gabar garoowe maxaad faroole u dufaacdaa ma adeerkaabaa macnaa ? mise sababkalaa jirta xataa hadaad isku reer tihiin dee madaxweynuhu maaha madaxweyne reer nugaal ama reer garoowe waa madaxweynaha puntland markaa waaad xiiqsantahay walaal waxba haays xiijin faroole xataa haddii halka sano u suurta galo wax halkaas sano ka badan laga yeeli maayo taas ogoow hadii reer garoowe meesha boqortooyo ka dhigteena noo sheegaa dee?!!! faroole ma waxaanu moodnay mise waxuu noqday mise waxaan loo noqandoonin

  3. wiil mudug says:

    kaalay ninkan cali isku sheegayow caqligu mafutaduu kaagalay war heedhe c/laahi (ahn) tee boosaaso dad kuma uusanlahayn khibrad aqooneedna maaamul uma uusan lahayn sida dr faroole ee wuxuu yaqaanay midciidan oo ah wax dumin laakiin maxaa kaasharad ah hadii boosaaso qardho garoowe looga sacabtumo gaalkacayan ileen waa gobol dagaaladu soodaashadeeene uunabada qaato inta mucaarad mudug joogtana lamarabiyeeyo oo la arko iygoo isdhiibay qaarna wadanka kakala carareen isheeg caqlilaawow maxaa kaasharad ah ileen 1 da january ayaa maanta lamarayaa oo talaado ah 8 eeduna waa talaadada kale e maxaa kaasharada hadayse dhacdo maxaan kuu aqoonsadaa adigoon kaftankayga kacaroon reermagaal hadaatahay iisoojawaab

  4. Puntland says:

    Ninkaan Cawil labaxay wuxuu hilmaamay in dadka reer pl yihiin dad walaalo ah nabadu ay muqadis u tahay dowlada iyo mucaaradka puntland Waa isku mid cabdulahi siciid samatar waa ruugcadaa puntlandis ah oo nabada jecel faroole Waa madaxweynaha puntland saas haloo ogaado Waa labo nin oo ilma adeer ah.

  5. wiilka caqil watow
    hadii 8.1.2013
    waxa ina ka xiga oo manta ka dambeeya waa
    7 beri ee hadii hadalkaga aad ka dhaban waysid oo adiga iyo inta kula caqliga ah ee mucaradka hadalkina hada ruman waysan oo faroole iska celin waysan kursigana ku farisin waysan 3 da dagaal oge midkood oo aad dawlada ka turtaan kursiga inta aad ku sheegtay faroole waa qiraynaa inuu yahay
    waxana ku qiraya nin caqli badan in aad tahay ?
    laakin hadii uu faroole iyo dawladu idinka gulaysato oo aay kursiga sidaa ugu sii fadhiyaan oo in yar oo shaki ka geli wayo ineey ka kacan oo weliba buqa yar ee hada jira intuu sii dhamado mucaaradka naqasku ku dhego oo aay hadli wayaan
    inta aad faroole ku sheegtay ogoow adinka ayaa ah oo aan idin oqoonsan marka waxan isla hadli doona labadeu malinta 8 janaweri la garo hadi alle idmo
    ee malintas waxan ka codsan in adan magaca so badalan oo mesha magac kale haku so gelin ilaa wa lagu hayaaye intas an ka cudsan caqil fariid ayan kugu daray magaca

  6. wiilka caqil watow
    hadii 1.8.2013
    waxa ina ka xiga oo manta ka dambeeya waa
    7 beri ee hadii hadalkaga aad ka dhaban waysid oo adiga iyo inta kula caqliga ah ee mucaradka hadalkina hada ruman waysan oo faroole iska celin waysan kursigana ku farisin waysan 3 da dagaal oge midkood oo aad dawlada ka turtaan kursiga inta aad ku sheegtay faroole waa qiraynaa inuu yahay
    waxana ku qiraya nin caqli badan in aad tahay ?
    laakin hadii uu faroole iyo dawladu idinka gulaysato oo aay kursiga sidaa ugu sii fadhiyaan oo in yar oo shaki ka geli wayo ineey ka kacan oo weliba buqa yar ee hada jira intuu sii dhamado mucaaradka naqasku ku dhego oo aay hadli wayaan
    inta aad faroole ku sheegtay ogoow adinka ayaa ah oo aan idin oqoonsan marka waxan isla hadli doona labadeu malinta 8 janaweri la garo hadi alle idmo
    ee malintas waxan ka codsan in adan magaca so badalan oo mesha magac kale haku so gelin ilaa wa lagu hayaaye intas an ka cudsan caqil fariid ayan kugu daray magaca

  7. suhuur gabar muduc says:

    fattar inget fan vad dum språk a bbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbääääääääääääääääääääääääääääääääääääää

  8. aan ku saxee markuu madaxweynuhu lahaa dadka buurburan dhiiga ha bixiyeen wuxuu ula jeedey kana hadlaayey Bangiga dhiiga ee dhawaan laga furay Puntland, marka wuxuu yiri dadku bangiga dhiiga haku keydiyaan

  9. Abwaan: Cabdi Axmed Nuur says:

    Gabay: Talo iyo Tusaalayn: Tix Faroole ku socota!29/12/2012.

    Marna cabburin iyo caga-juglayn baan Cabdow, caana kuu badine
    Ninkii cirbataagsadoo yiri cirkaan gaarayaa, weeye camalkaaye
    Caqliga oon cisaynaa ka roon, cudud la feydaaye
    Cakuye carqalad hayna gelin, cudur xun looma caal helo e
    —————————————————————————–
    Mar haddii car iyo wir iyo hanjabaado culus, laysu celinaayo
    Oo aan caloolfiyoobaani jirin, waa col dabadeede
    Cilmi nimuu Ilaah siiyiyo cabqari, caaqibuu dayine
    Cimrigaad haatan joogtaa Cabdow, waa cibaadada e
    Yaan laguu cimaamadin arintaas cakiran, cirib danbeedkeeda
    ———————————————————————————–
    Carra Tuunus ka carar Caabidiin wuxuu, cood lahaan jiraye
    Xusnigii carab u weynaa waa kaa, jeel ka caacyiriye
    Qadaafina waatay caruuruhu heleen, oo kaga catawsheene
    Calaawina waakan ciirsanoo ragaas, buu cirbinayaaye
    Intaasuba cashar bey inoo tahay haddaan, la iscamaynayne
    ———————————————————————————–
    Intaan curaddo dhiigood la qubin, oo warmaha loo cillaan marinin
    Oo aan curdinkii habluhu carmal, naga caloolyoobin
    Oo ay cashiiradu wada cayshayso, oo la isku ceeboobin
    Oo aan Caasumaddu ceel nagaga dhicin, loo cid diriwaayo
    Caymaynu leenahay Cabdow, talada waa cabirayaaye

  10. Qooraansay says:

    oday meeshuu u socdo aan aqoon dheh shimbiralaaye, shimbiro party adiguna furo ilaa cid ku dhegeysata weydaye, shimbiralaayow dhan noo dhaafa adiga iyo odagan kugu shqaysanaya, dowladaan asbuuc ayaa u haray ee England iska ka laabo intay goori goor tahay.

  11. sanaag says:

    war maxaa kugu dhacay waxaba la baxday caqil mise micnaha caqil ma taqanid waa maxay baroorto walaal waxaas waa laga gudbay walaal puntlandna waa isku duba dhacday qabiil iyo dagaalka aad sheegeysid dadkan waa ka gudben hadii aad run rabtid waxaana loo jeestey dhanka horumarka iyo dimuquradiyada waxaan aad ka hadlaysid wax ma aha dadku maanta u jeedan ee allaha caqliga kugu sugo walaal waxaad u egtahay nin meel laga tadey wali taagan waana lala shaqayn madaxda iyo dawlada dadkuna diyaar bay u yihiin in ay ka qayb qaatan horumarka puntland markii la badalo dawlada hada jirta waxaa lagu badalin si dimuquradi ah hadii alle idmo wadankuna waa caadi wax walbana waxay u socdan sidii la rabey

  12. caqil says:

    asc waa wax aad loola yaabo faroole waxu dhoob dhoobay in lagu sheego xisbiyo faroole xoogaga ciidanka ah buu naf biday lkn waa las arkaya 8.1.20.13 reer puntland way wada og yihin faroole waxu qaylo ka dhigay marki cade muuse yiri sanad ban raba lkn shalay wax laga soo siyay radio garoowe faroole waxu sheegay in dhan sano la doortay taasu waxay idin tusaysa inusan xata iiman iyo caqli midnaba laheed waana nin iska han taataca faroole oo qilatu edeb ah shacabka reer puntland way qiyaasi karaan in faroole uu yahay nin jilicsan oo karti yar waa tan maanta ka muuqata wadna la socotaan inu yiri dadka buur buuran dhiiga ha bixiyeen taas oo macnaheedu yahay wan dagaalamaya umada reer puntland nin walba kamero ha qaato oo cadeen ha keeno si isaga iyo ilmihiisaba maxkamad loo soo saaro runtina faroole waa la tuujiyay waana tuuqaya waxa cabaad ka dhacaaya wad la socotaan ha leesraaciyo hada waxu uu boosaso u joogo ama waqtiga kala guurka loo kenay aan idin macneeyo taas waxa loola jeeda bosaaso in uu dagaalki garoowe ka dhici laha uu uso wareejiyo bosaaso lkn cabdilaahi oo ka xoog weyn ba barqo laga saaray waxan sugno waa faroole oo boosaso laga soo cayriyo wan cunayna wan cabayna waana ku raadjogna faroole

Leave a Reply