Guddi u Xilsaaran Masiibooyinkii Ka Dhacay Baladweyn Oo Maanta Kulmay [sawiro]

October 5, 2012   //   Warar Somaali

Muqdisho, 05, Oct, 2012…Waxaa maanta shir isugu yimid Gudigii wasiiro ah oo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali u magaacabay kasoo talo bixinta iyo isku duba ridka gar-gaarka la gaarsiinayo dadka ku waxyeeloobay fatahaaddii ka dhacday magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna Gudigu maanta kulan la qaatay in ka badan 20 Hay’adood oo isugu jira kuwa caalami ah iyo kuwo ka shaqeeya dalka gudihiisa.

Waxaana kulanka shir gudoomiynayay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ahna Gudoomiyaha Gudiga loo xilsaaray arrimaha gargaarka bini’aadannimo ee Beledweyn, in kastoo uu goob joog ka ahaa Reysul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha. waxayna Gudiga iyo Hay’aduhu ka wada hadleen sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadkii ku wax yeeloobay fatahaadii Webiga Shabelle ee Magaalada Beledweyn.

Ugu horeyntii Wasiirka Qorsheynta ayaa ka warbixiyay xaaladaha ugu dambeeyay ee magaalada Beledweyn, Wuxuuna mas’uuliyiintii shirka ka soo qeyb-gashay u sheegay in 31-kun qof ay ka soo barakaceen Magaalada iyo hareeraheeda, iyagoona cooshado ka samaystay meel u jirta 3 km magaalada Beledweyn, Sidoo kale Arri gaaraya ilaa 5-kun ay ku dhinteen fatahaada islamarkaana waswiirku waxaa uu sheegay in jirto cabsi laga qabo in fatahaada wabiga ay soo gaarto Gobolada Shabellada dhexe iyo Shabeelada hoose.

Wuxuuna sidoo kale sheegay in dhibaatooyin ay ka dhalankaraan fatahaada ay ka mid yihiin inay ay isku darsamaan biyaha wabiga iyo Musqulihii magaalada ku yaalay taana ay keeni karto cuduro qatar ah sababtoo ah waxaa suura gal ah iney dadka cabaan biyahaasi.

Mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay kulanka ayaa sheegay in qaarkood ay ku leeyhiin xafiisyo magaalada Baladweyn ayna ku diyaariyeen Muqdisho mucaawanooyin kala gadisan, loona baahan yahay in la mideeyo dadaalada la doonayo in lagu samata bixiyo dadka ku wax yeeloobay masiibada ka dhacday Baladweyn, waxayna masuuliyiintii isugu timid shirka isku afgarteen in maalinta Isniinta ah ay Hay’ad waliba soo diyaariso waxa ay ku taakuleyn karto dadkaasi. Iyadoona loo marinayo Gar-gaarka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee dowladda Soomaaliya.

Kulanka kadib ayaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/laahi Goodax Barre. Wuxuuna warbaahinta u sheegay in dowladda iyo Hay’adahii kale ee ka soo qeybgalay shirkii maanta isku afgarteen iney sida ugu dhaqsiyaha badan u gaarsiiyaan gar-gaarkii ay ugu talagaleen dadka ku cayrtoobay fatahaada waxana ka mid ah waxyaalaha ilaa iyo iminka lagu yaboohay Raashin noocyo kala duwan ah , Dhar, Maro-Kaneecooyin, Daawooyin, Maacuuta wax alagu karsada, Cunooyinka lagu Nafaqeeyo Caruurta, iyo in loo dhiso Musqulo dadka barakacay.

 

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Gacaliye. says:

    Walaalaha Somaliyeedow meel kasta oo aad joogtaanba fadhiga ka kaca oo caawiya maatada somaliyeed oo maanta ah baraka yaacasha Beletweyne, weligey mategin B/weyne balse waxaan diyaar u ahay inaan ka qayb’qaato gurmad qaran oo aan la ila is weydiin “qoladee tahay adigu” iwm?!

    waa in lais weydiiyaa waryaa/nayaa maxaad qaban kartaa ?
    Anigu waxaa rabaa qorshe qaran soomaaliyeed oo ka madax baan warlord X (in somalia’s all regions),diinlord Y (imported by Godane’s gay Arab & Paki lovers)and moneylords Z(those calling themselves businessfolk) 95% of whom in reality are beneficiaries of looting all public & private properties southern in s-Somalia)

    Eng.Warsame is willing to tame our shabelle river for the good of all our somali’s benefit.
    Stop beging food, get a national plan instead!

Leave a Reply