Gudoomiyaha ardayda puntland ee dalka uganda oo kawarbixiyey qabanqabada xaflada sanadguradii 14-aad ee puntland

July 27, 2012   //   Warar Somaali

Gudoomiyaaha ardayda reer puntland ee dalka uganda H.E. Axmed Maxamud Siciid(qasiir) shir jaraa id oo uu maanta qabtay ayaa ka war bixiyey sida ay u socoto qabanqaabada xuska xaflada sanadguuradii 14 oo ku beegan 1da August oo ah xiligii la aas aasay dawlada puntalnd sanadkastana laga xuso dalka iyo daafaha caalamka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xafladu u socoto si habsimileh ayna bilaaben qabanqaaabadeeda bishii lasoo dhafay hadana ay meel fiican marayso.

Wuxu gudoomiye Axmed Qasiir si aad ah u amaanay Ardayda iyo Ganacsatada oo uu sheegen inay la shaqeeyen ururka “Waxay mudanyihin ganacsatadu amaan weyn madama ay kaalintoodii kasoo baxeen loona baahanyahay inay taageeradooda sii wadan si aan wax badan u hirgalino”ayuu yiri MAdaxweyne Axmed Qasiir.

Mr.Qasiir ayaa tibaaxay in 1da august ay ku beegmatay bisha barakaysan ee ramadaan tahayna bil cibaado ,faddli badana leh mudana in la tixgaliyo “ waxan wada tashi badan la samaynay ardayda ganacsatada iyo jaaliyada reer puntland ee ku nool dalka uganda waxaana laysla qaatay in xaflada laga dhigo bacdal Eida maalinta 22ka august oo ku beegan 2maalin kadib maalinka Eida ayuu yiri gudoomiye Axmed qasiir”

Hadalka gudoomiyaha ardayda reeer puntland ee uganda ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay dadka reer puntland ee jooga dalka iyo daafaha caalamka ay si aad ah ugu diyaargaroobayan xuska sanadguurada 14-aad ee puntland.

Ahmed yaasiin farajeesto

Kambala Uganda

COMMENTS

RSSComments (4)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Well done. Ardayda puntlanderska uganda. 1ug waa malin muhiimad wayn iyo micno ino samaynaysa. To.@ qofka wata somali adeer. Niicda meesha kalatag. Dad kaa karama iyo sharaf badan lama xagxagte. Camal yelo mesha isbaaro lama dhiganaye

  2. somali yarka watow ninkan wuxu yahayba wa la dortay wana la rabaye maxa kaga kidhish ah war ilen saaro orod ma dayso wuxu rabo haka shekeyo qabiil ama mid qaran kolay hadu kuso baxay un tageer waxba la mucarada bad dheg ka maqashaye crauurtan yar yarka ah ee webka iska so gala inay wax xeeriyan ama ay madaxdoda adecan wa laga kari la yahay ila bol bol lokala furo cml kaarbash wlhi
    sooqado magaca saxda ah hanoga ciyarin somalinimada halagu ogade waxad sameyn karte

  3. waxaa ayan daro ah in cidii ka shaqaynaysa hormarka ardayda reer puntland ee uganda kooxo qaswadayaal ah oo ka xun hormarka ardayda reer puntland ee uganda ay caayan lkn tani maahan mid aad wax kaga qaadikartan ururka ardayda reer puntland ee uganda ahmed qasiirna waa gudomiye 05/02/2012 si cad loogu doortay hallka sojovalo hotel ee magalada kampla doorashaduna u dhacday free and fair cidii dhahda gudomiye mahan ahmed qasiir ogaada waa cid dano gaar ah kaleh ahmed qasiir iyo ururka ardayda reer puntalnd laguna sifaynkaro inay yihin cadowga ururka ardayda rer puntalnd any way ahmed qasir nooooooooolow madaxwayne

  4. somali says:

    waa nasiib daro in cid walba oo bulshada magaceeda xumaynaysa lagu soo qoro pagagka hore oo websidka ,, war ninkan aad meesha ku soo qodheen waa ilma yar oo qabyaalad iyo qurun nimo meheradaha la fadhiya … xataa in uu reer puntland mas uul uqaado iska daaye hoyadii waligeed adeeg uma dirsan ,, any way
    waxaad samaaysaan cida webka iska lahoow ka fiirsada meesha wxa aad soo galinayso

Leave a Reply