Gudoomiyaha gobolka Bari oo sheegay inay maamulo u sameeyeen degmooyinka Bargaal iyo Balidhidin

June 18, 2012   //   Warar Somaali

Maamulka gobolka Bari ayaa sheegay inay u sameeyeen degmooyinka Baargaal iyo Ballidhidin ee gobolka Bari maamullo si KMG ah uga shaqayn doono adeegyada guud ee degmooyinkaasi, kadib markii in muddo ah aanay ka jirin deeganadaasi maamullo si fiican u shaqeeya.

Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdi Samad Maxamed Gallan ayaa sheegay qorshaha xiga ee dhismaha maamulada cusub inay tahay hirgalinta golayaasha deegaanka oo soo dooran doona maamulka rasmiga ah ee deegaanadaasi ka howlgalli doona.

“Golaha deegaanka howshiisa ayaan hadda wadnaa, waxa aaanu doonaynaa in dhamaan beelaha oo deegaanada oo dhami inay ka arinsadaaan samaynta golayaasha deegaanka”ayuu yiri Gudoomiye Gallan.

Dhinaca kalena waxaa uu sheegay in markii ugu horaysay la howlgaliyay saldhigyada ciidan ee degmooyinka Baargaal iyo Ballidhidin oo aan in muddo wax shaqo ah aysan kasoconin.

Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu kasoo laabtay safar qaatay muddo ka badan hal todobaad oo uu ku marayay deegaano xeebeedyada ku yaala gobolka Bari.

Puntland-News24

Xafiiska Bosaso.

 

COMMENTS

RSSComments (4)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. WIIL XIRIIRO says:

    TO GUMBAX SXB HADAA MA KUWA MAXAMUD SALEEBAAN BAA SAXSAN SIYAASAD MJ WAXAA KUXAARAY WAA LAYQAAN MANTA BOWE ADUUNKA SHARAF INOOMATAAL

  2. gallan wa wadani runti mudane

  3. Gumbax says:

    waa gartaa mayor baad noqotay,Gudoomiyuhu muxuu uga reebay Degmada Gumbax oo deegaanka u tegey ka mid ah hogaamiye adeer cali weligiis wax baa ka si ah.

  4. waciye@hotmail.com says:

    G goblka beri mdane galan waa nin macqula lehna aqoon iyo karti intii u mesha jogeyn a runti ka badley wax badhan gobalka beri waxaan oran kara waa gudomiyihi ugu fur furna oo so mara goblka bari dhinac walba lehna so jidasho shacab gdomiaya halka ka si wad halgankaga waxan k rajeyneyna in ad ku guleysato howshada magacna ka haro

Leave a Reply