Gudoomiyaha gobolka Sanaag oo warqad is-casilaad ah u gudbiyay madaxwaynaha Puntland

October 9, 2012   //   Warar Somaali

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ee dowladda Puntland ayaa sheegay warqad iscasilaad ah inuu u gudbiyay madaxwaynaha dowladda Puntland, kadib markii sida uu sheegay uu waawayay wadashaqayn.

Maxamuud Saciid Nuur Dabayl ayaa xilka gudoomiyaha gobolka Sanaag soo hayay muddo 12-sanadood ah, waxaana xilkaan u magacaabay AUN Cabdilaahi Yuusuf Axmed madaxwaynihii hore Soomaaliya xiligii uu ahaa madaxwaynaha Puntland sanadkii 2001-dii.

Gudoomiyaha warqadda is-casilaadda gudbiyay Maxamuud Saciid Nuur Dabayl uguna xilka dheeraa gudoomiyeyaashii gobolada Puntland soo mara ayaa sheegay xiligaan inuu u taaganyahay shacabka iyo dowladda Puntland inuu la sii shaqeeyo iyo cid waliba oo gobolka loo soo magacaabo.

“Xilkaan anaa dalbaday inaan iscasilo dhowr mar, waxaana ka digayayaa dadka caqabad ku ahaa maamulka in xilkaan qabtaan ayuu yiri”
Maxamuud Saciid Dabayl.

Mar la waydiiyay is-casilaadda uu gudbiyay in la aqbalay ayaa waxaa uu ku jawaabay.

“Sida aan xogta ku helayo gobolka waxaa loo soo magacaabay gudoomiye cusub, laakiin ma jirto warqad wali la iisoo gaarsiiyay oo magacaabaysa maamulka cusub”
Maxamuud Saviid Dabayl waxaa uu noqonayaa gudoomiyihii labaad ee heer gobol oo madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed u gudbiya warqad is-casilaad ah, 26-June 2011-kii ayay ahayd markii Cabdixaafid Cali Yuusuf oo ahaa gudoomiyaha gobolka Bari uu qoray warqad is-casilaad ah, taa oo madaxwaynahana uu ka aqbalay.

Puntland-News24
Garowe.

COMMENTS

RSSComments (3)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. puntlander says:

    adeer soma;i;and aaad sheeegayso ceeerigaabo bes ba ka taliyaaan gobalka sanaag inta kale waaa puntland baa ka talisa lkn waxan la yaaabanahay warsan gali oo noqday dhulbahante ooo kale

  2. garoweboy says:

    nin ay ladhasheen maxamuud harti(warsangali) iyo siciid harti(dhulbanante) murugaa utala odaygii dhalayna hada ciyaalkiisii maanta waa kuwaas saas unool maalina garowe bay kashaahaynayaan maalina hargaysa kashaahaynayaan.warkuwaan aan go,aan kagaarno maxamed harti(MJ) nimaankaan ama hakarbaasho umada dhinaca ha ugasoodaro ama ha laiska fogeeyo ilaa saan bay udhaqmayaane habeen iyo maalin.

  3. Dhegayste says:

    Inaadeer kan aad gudoomiyaha ku sheegaysaa xaguu ka taliyaa ,illeen Sanaag Pundland ma xukunto ,warsangeligiina waxay isku shubeen Hargeisa.

Leave a Reply