Gudoomiyaha doorashooyinka: Ergada waxay ogolaadeen 1-sano oo lagu dhameystiraayo geedi socodka dimoqraadiyada

April 18, 2012   //   Warar Somaali

Gudoomiyaha guddiga doorashada Puntland ayaa ka hadlay dastuurka cusub ay Puntland yeelatay kaas oo saaka si rasmi ah u ansixiyeen ergo ka kooban 478-qof.

Dr.Maxamed Xassan Barre (Shimbir-laaye) oo duhurnimadii wareysi siinayay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in ay tahay guul usoo hoyotay Puntland isla markaana laga gudbaayo nidaamka qabaa’ilka ee loo gudbaayo nidaamka dimoqraadiyada qof kastana codkiisa xor u yahay.

Mar wax laga waydiiyey in dastuurka uu ku jiro lifaaq hal sano loogu daraayo Xukuumadda hadda jirta ayuu sheegay in uu qayb ka ahaa dastuurka ay diyaarintiisu bilaabeen Xukuumaddii hore sanadkii 2007.

Wuxuu tibaaxay in ergada ay saaka si buuxda u ogolaadeen in loogu daro hal sano lagu dhameystiraayo geedi socodka dimoqraadiyada.

‘’Lifaaqa dastuurka ku yaalla qayb kamid ah dastuurka buu ahaa wuxuu ku yimid dastuurka ilaa 2007-dii,waxaana ku taalla xaaladda kala guurka waxayna kamid tahay dastuurka.Ergada saaka si buuxda bay u ogolaatay hal sano la dhameystiraayo geedi socodka dimoqraadiyada, maamul kale ma imaan karo waa maamul kalsooni leh,maamulka kuma darsanaayo ee wax dastuurka ku oolnaa’’,ayuu yiri.

Gudoomiyaha guddiga doorashada oo la waydiiyey waxa uu ku qancinaayo mucaaradka kasoo horjeeda in xukuumadda hadda jirta hal sano ku kororsato ayuu sheegay in go’aanka ay gaareen bulshada isla markaana waqtigooda sugaan.

‘’Waxaan ku qancinayna Puntland waxay leedahay Baarlamaan sharci,marka labaad ergooyin baa lasoo xulay oo qabaa’il iska soo xuleen iyaguna go’aan bay gaareen.bulshada haddii go’aanka gaareen waxay ila tahay ninka mucaaradka ah in waqtigiisa sugo’’,ayuu sheegay.

Siyaasiyin badan ayaa si cad ah uga soo horjeestay Xukuumadda Madaxweyne C/raxmaan Faroole in ay samayso mudo kororsi iyagoo sheegay in waqtigeedu ku eg yahay 4-sano.

COMMENTS

RSSComments (30)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. lii gaas soomalilandar says:

    majeerteen oo iskuraacay inay bada kaqawlays taan sheekh iyo shariif ba ubad koodana siiyaan xaaraan aqaladana kadhistaan waawax laga xishoodo markaad dhimato halkee lagugu maydhi ileen gurigu waa xaaraane kkkkkkk guuuuuuul somaliland

  2. Puntlander says:

    Issaqii oo kala Jabaey iyo Habar Yoonis oo ka tashaneysa Aayaheeda, Isaaq waxa ey sheegan jireen Dimuqraadiyad, balse waxa ey fashilmeen koley xasuuq ka sameeyeen Sool iyo Ceyn, maantana ninkii Habar Yoonis ugu magaca dheera Cabdirxmaan Cabdiqaadir, ayay jirdil iyo sharaf dhac ku sameeyeen, Ninkan la bahdiley oo kasoo jeeda Muuse Care Habar Yoonis ayaa ku waashey Somaliland waa taa Siilaanyo ayaan dhabarka uuga jabay.

  3. Gacaliye says:

    The SNM traitors should be reminded that they can’t eat up the cake and have it left!

    Waan goosan karaa, la igamana goosan karo, where does that logic exist, KKKK!

    Suura galka garta noocaas ahi waxay ku soo dhacdaa kuwa u marqaama sida xad’dhaafka ah oo keliya, KKKKKKKK!

  4. Gacaliye says:

    KKKK war qofkaaga labaxay “Lii Gaas Somalilandar” dhegeyso:

    Cawaanka fulayga ah ee la baxay Axmed Cabdi Godane aka “Abu Subayr” hadaan nolol ku qabano waxaa soo masaafurin doona xaafada Dumbuluq ee arabku Hargeysa ka dego, kkkk!

  5. somali boy says:

    kudayo putland kudayo siday budhcad badeed utahay ku dayo somaliland siday u tuugsato oo xornimo u radiso ku dayo somalia siday qaran u tahay

  6. lii gaas soomalilandar says:

    puntiland cadaw uma baahna iyadaa cadaw iku ah markaa iskasuga abuu subayr inagodane oowata adeerkiin fuaad shangole oo shaqadiisu tahay gacmagoyn iyo qoor goyn kkkkkk inagodane wuxuu imanayaa bisha 8 ee nadkan waan lasoconaa arimaha kkkkk somaliland guuuuuuuuuul

  7. lii gaas soomalilandar says:

    boosaaso iyo garoowe ayaad maa muli karilaadahay oo maraakiib tii aduun aad ku ururisay ood lacag xaaraana ka guranay saa waxishooda majeerteenow al shabaab baa idiin soosocota oo ( abu subayr ina godane) ayaa gacmaha iyo lugaha idinka goyn doona ala hadaayo ina godane puntiland ayuu usoo wareegayaa wana caawinaynaa hadaanu nahay somaliland bal waa hakaa qabataan majertenaw

  8. lii gaas soomalilandar says:

    waxaan lahad layaa nin ka cashuur labaxay somaliland waa dawlad madax banaan oo dimuq raadiyad ah oo horumar badan gaadhay halkii ay maraysay 1994 ayaad maan ta maraysaa oo aad dastuur iyo wax kahad laysaa markaa saaxiib gaadhi mayside iskasoo xiiq waaragiina isku raacay in aad bucad badeed noqotaan garaad caaqilba iyo suldaanba waar xishooda aduun kii oodhan baa idinla yaaban waxaa la idiin yaqaanaa maamul gobaleed ka budh cad badeeda markaasaad soomaaliland waxkasheegaysaa kkkkkkkkkk somaliland guuuuuuuul

  9. Abdulahi says:

    Dad badan oo reer puntland ah iyo dad aan ahaynba ayaa u arka in Faroole uu muujiyey dadaal aan laga arkin kuwii ka horeeyey oo 10 sano waxba qabanwaayey, hadaba waxaan kula talinayaa walaalaha in ay fiiriyaan waxa uu qabtay Faroole iyo Dawladiisu ( Xaga Waxbarashada, Caafimadka, Haweynka , Beeraha, wax la qebsiga TFG da, Arimaha Debeda,Sumcada , Dastuurka iyo Arimo kale , Dadka reer Puntland Badidood marka laga reebo dad yar oo ka mid ah Reer Karkaar ayaa ka bedelan dadka intooda badan— Waxaan idinkula talinayaa Dhibaato looma bahna Qeylo looma bahna waa laydinka Aqlabiyad badanyahay oo ogolaada Aqlabiyada– EEd yaaney idin raacin.

  10. asc dhaman insha alaah waxan ka rajaynayna inuu noqdo kaan ku ciil bixi lahayn oo ku midoobi lahayn faroolo iyo xukuumada waxan idin ka codsanayna sida ka muuqata dastuurka in gobalada maqan sida ugu dhakhsaha badan loo sooceliyo ilaa caynabo sidoo kale waa in rer khaatumo iyo maamulkodaba wada hadal miradhal ah lala alaa oo shacabka waxay tabanayaan lagarowsada lagana qanciya haday maamulkoda rabaana ay xukumada pl hiil iyo hooba lagarab istaagto ayagoo ah maamulka khaatumo inkasto ay ka fiicantahay dadka waa walalo waa dad hal weel ah wax kuwada cuna oo an sinaba u kala maarmin marka sidaa darteed waa in umada lamideeya waxa kala fogeynayana laga dherada waxan kaloo xukumada pl iyo shacabkaba u sheegaya in rer caabud waaq xariir dhow ay yeeshan pl iyo shacabka ay walalaha ay yihin oo hadii lamidayn karo lamideeyo dadku waa walalo mana kala tagayan waad aragta waxa ka socda ilaa hargeisa muqdisho from jabuuti dad an wax ba iska galin oo hadana walalo hoose inay yihiin sheganaya hadana isku xiran oo dhamantod leh hal cadow say ayagu amin sanyihin marka is bahaysi haduu bilaamo hada ninkay ku yadhey ku yaraysa ilaa rasgamboni ilaa ras caseyr baan dagaa iyo hadana 3 dowladod oo an ka dago intaas oo gobal member weyna ka ahy marka hurdada ka kaca oo saxaafada iyo wararka la socda idinka isku mash quulsan ee kor u baxa faroole waa inu deeya ilaa jigjiga ilaa gaarisa iyo ilaa balad xaawo ilaa raasgambooni oo siyaasad fur furan la yimd

  11. mansha allah waa guul aan mudo sugaynayey waan ku qanacsanahay inuu alle ha dhawree madaxwayne Dr. cabdiraxmaan hal sano iyo ka badan joogo. adeer askari dambe iyo dhaqaale burburiye dambe ma rabno,……….. no c/laahi siciid samatar walaa gagaab….viva puntland

  12. canshur says:

    somliland khaat iyo qaaylo iyo ineey diinta wax ka sheegaan u sheega wax kale mayaqaanaan wa ducfiyiin aan caqli lahayn afkooda cagaaran naga leexiya wasaqda!

  13. Mohamed_Amiin says:

    asc wr wb aniga waxay ila tahay waxaa uu Faroole rabey uu waxaan usameynaya inuu hal sano ku darsada tiina waa marsadey waxaa halkaa dhigey Puntland waa Boqorka, Islaanka, garaadada, suldaamada iyo shacabka Puntland oo noqdey kuwa iska qaban waaye faroole. Faroole wax uu uqabtey maleh Puntland aan ka eheyn inuu garoowe dhisto, wax kale iskadaaya Somaliland oo cadoowga Puntland ah buu ku hayaa walaalaheena war ninkaan halaga qabto puntland. Hadduu faroole daaynwaayo fawdada uu ku wado puntland walee dagaal baa bilaabmaya, Allaha haunaxariista Cabdulaahi Yusuf baa kula dardaarmey maalinkii la doranaayey faroole inuusan xukunka isku adkeeyin uu booska baneeya after 4 years. Shacabka hakacaan waxaan dastuur ma ahan faroolena Puntland waa burburburiyey.

  14. sahal says:

    Waa iska cadahay in wax dastuur la dhaho i aanay meeshan ooayn oo awalba waxa faroole uu xusul duubka ugu jiray waa sidii isaga iyo nacamlayaashiisu siday xilka u korarsan lahayeen, hadii faroole uu dimoqoraadiyad ka shaqaynayo umada ma caburiyeen oo ninkii hadlaba habeenkii gurigiisa kalama baxeen, waa tuugo is uruursatay lakiin waa meeshay mariyaan beentan ay dhoodhobayaan.

  15. asc dhamaan umada somaliyed khaastan dad weynaha reer pl aniga waxaan u soo jeedinayaa dhalinyarada diidan 1sano in iina noqo idho ku garaadle ee aad noqotaan caqli ku garaadale waayo halsano waxam ma ahan marke dhalin yaroy is dajiya

  16. Mahad hurre says:

    Faroole wuxuu soo urursaday gulwadayal oo yiri halo codayo dasturka tasi macqul maha ninki afar sano qaban wayey ma hal sano ma waxa ku qaban kara waa maya waayo wadanki amni maleha dhaqalo malaha kuwaso ku arursadan jebabkooda borsada ku gurtan taasi ay ka fakarayan caruurtooda ay ka fakaranin mustaqbal bulshada puntland

  17. ahmedpunt------------- says:

    maashaa allaahu waa wax lagu farxo ,tastuur cusub iyo dawlad carcarteeda qabta ,waxaan leeyahay ,nooloow maddaale nooloow maddaale

  18. REAL PUNTLANDER says:

    Faroole dastuurka hadii uu u samaystay in uu sanadkisa lagu meheriyo hade umadu sanad waa ka wayn yihiin kuwan uu mesha isugu kensadayna umadu waa ka badan tahay wana laga wada macquul san yahay hadii sanadkan sharci darada ah la ogolaado labatan sharci daro ah baa ku xigta sida ka muqata damacisa xun ee tusay in aanu isa soo sharaxin ee uu ku tunto qaanuunka iyo sharciga umada reer Puntland u yaalay ee shalay isaga lagu soo doortay anigu waxaan oran lahaa damaca nocaas ah ee umada wadada mugdiga ah ku wada wixii caqli leh ha gartaan hana laga hortago hadii umadu anay garasho jirina hade meshiisa ha loo daayo ninku isagaa meshaba lehe.

  19. sharaf says:

    laysma xanto faroole codkar aan agtiisa geed laga jabsan anigoon taageero badan aan u hayn kkk laakiin markaan arko soomaalida kale ee nacaybka buntuland ku fogaaday ayaan jeclaystaa faroole run ahaantiina lama oran karo waxaba ma soo kordhin kkkkk faroole aniga ahaan waxaan ku xasuusan doonaa dagaalkii uu la galay cadowgii galgala iyo garsoor waana uu ku guulaystay

  20. QASAAYE says:

    WAA SAX IN DAWLADDA 1 SANO LOOGU DARO Dabadeedna dawlad aqoon yahano iyo xsaab ah ku wareejiso

  21. QASAAYE says:

    Waa Maalin taariikhi ah waa lintii La asaasay PUNTLAND maalinteedii kale mar danbe 66 xubnood La iibsanmaayo

    dadkii xoogaaga shilimaadka soo urursaday oo is lahaa 66ka xubnood iibsada waa QALBI JABEEN OO HANJABEEN aqoon yahanadii Jaamacadaha ka soo baxaya ayaa miraha GUUSHAAN maanta dhacday Guranaaya FAROOLENA siduu sheegay isagaa ugu danbeyn doona ODAYAASHII QABQABLAYAASHA Ahaa ee PUNTLAND Xooga uga haystay Dhaliinyaradii iyo Aqoonyahayanadii
    Ha Noolaato Puntland iyo SHACABKA DAAROOD

    GUUL DAAROOD GUUL HARTI GUUUUL DHALINYARADA IYO AQOONYAHANADA

    ABDIKADIR

  22. Abdulahi says:

    Waxay ila tahay qofkii umada puntland la doonaya Dagaal iyo Fawdo in uu ogaado wixii la yimaada oo dhibaato ah in uu qeyb ku yeelan doono Akhiro iyo Aduun, Faroole Shaqo wanagsan ayuu qabtay, Shaqooyin Muhim ahna way kaliftay in loo kordhiyo madama isagu horay faraha kula jiray, Dadka Fawdada wada ha ogaadaan dheefta ay helayaan inta ay noqon donto, iyagoo si caadifad ay u shidaya Dab—- Madaxweyne Faroole waa la hubaa in loogu daray Sanad– Anigu kama soo jeedo Garoowe.

  23. lii gaas soomalilandar says:

    puntiland cadawba umabaah na waa ayo iyadaaba isugufilan budhcad badeed iyo al shabaab iyo waxwalba oo xumaana wadata imikana sanad baaba loogudaray budh cad badeedii kkkkkkksomaliland hanoolaato

  24. Buraale says:

    Waa sax in xukuumada loogu daro Sanad waayo xili adag Ayaa lagu jiraa sidaa darteed waa in la dhameeyaa howalaha Dowlada Horyaala shaqooyin culus.

  25. Hersi says:

    fowdo iyo meel ka dhac iyo ihaano beey ku tahay shacabka reer p.land in guulwadayaal lasoo aruurshey matalaan shacab wada aqoon iyo wax garad wada leh si faroole hal sano oo xaaraan ah loogu daro …taasi horee looga diidey kuwii isaga ka qiimo badnaa kana macquulsanaa kanasii daruufo atkaa ….miraha meeshaas kasoo baxana waxaa mas.uuliyadeeda leh faroole iyo guulwadayaashiisa….halkaan maahan durbaankii xamar degmooyinka lagu tumi jirey dad indho la.aa ….ee halkaan waa p.land…..dad indho iyo caqli usaaxiib ah joogaan oo aan ku tumasho qaanuun ogaalaan..

  26. xaqsoor says:

    dadku waa in ay ka hadlaan caddalada mise ummadii sidaase u dameysey waxay ila muuqataa in haddii hadda laga ogolaado sanad dheerad ah waa fulay ku dayid badan waxay noqon doontaa in wax walba garoowe la siiyo

  27. xaqsoor says:

    waxaan wax sharci ah ma aha ila tahay in ka soo socto cawaaqib xumo ragga faroole iyo guulwadayaasishu bal arki doonaa meeshay wax geeyaan rabiyoow tubta toosan aamiin

  28. lii gaas soomalilandar says:

    awalba budhcad badeed baa haysatay meesha iska walaaq da meesha inta hawiye idiin imanaayo kkkkkk iyo al shabaab majeer teenow

  29. KUDAYO PUNTLAND says:

    Waa sax in dowladda loogu daro hal sano.Madaxweunuhuna waaba u qalmaa oo waaba arrin muuqata.

    Qofkii wax tabanayaa waa in uu xisbi siyaasadeed furtaa oo waxii uu hayo soo bandhigaa si loogu qanco!!!

    Cadowga PUNTLAND maanta ciil iyo calool xumo ayuu darbigaa la jiifaa, madaxa ayaana gacmaha u saaran yihiin!!!

Leave a Reply