Gudoomiyaha Rasmiga ah ee urur siyaasadeedka Mucaaradka Midnimo oo la doortay
February 3, 2013 // Warar SomaaliWaxaa soo xirmay shirwaynihii urur siyaasadeedka mucaaradka Midnimo ee labadii cisho ee u dambaysay kasocday magaalada Garoowe.
Shirka ayaa maanta la gudagalay ajandayaashiisii oo ahayd in la doorto gudoomiyaha rasmiga ee ururka iyo gudoomiyaha golaha dhexe, waxaana shirka ka qaybqaatay ergooyin matalaysay sideeda gobol ee Puntland.
Doorashada gudoonka ururka iyo golaha dhexe ayaa lagu saleeyey xeer hoosaad cusub oo ururku yeeshay, waxaana doorashadu ay u dhacday hab gacantaag ah.
Dr.Axmed Maxamed Axmed Shirwac oo ku magac dheer Dr Saadiq Eenow ayaa ku guulaystay gudoomiyaha rasmiag ee urur siyaasadeedka Midnimo, waxaana uu helay codadka xubnaha dhexe ee ururka oo ah 95-xubnood, mana jiric cid diiday.
Dr Axmed Shiikh Faarax Maxamed ayaa loo doortay gudoomiyaha golaha dhexe ee urur siyaasadeedka Midnimo,.
Labada masuul ee hogaanka ururka loo doortay ayaa mahadcelin u jeediyay xubnihii doortay.
Puntland-News24



Abdallow sheekadu dameer ma joogin ee ma dameer baad dhaqan jirteen.
dameerku waligiiba waxaa uu raacaa dameer
dameerna ima mathilo iimana hadlo ,dalkaygana waa uduga ee maaha kii dameeraha.kkkkkkkkkkk.
abdalla.
waa u hambalyeynayaa xisbiga midnimo dorashooda walow anan dr sadiq enow lala tartamin misana horey haloo socdan leeyahay walow jid qodxo badan idinka horeyan oo ay ugu daran yihin mudnayasha barlamanka oo ay ficnan lahayd in dastuurka lagu daro cidda aqlibiyada (codka) ugu badan barlamanka hesha baa madaxweyne noqoneysa sabatoo ah laaluushka si kale oo looga badbadi karo ma jirto sida wadamada qarbiga madaxweynaha wa la soo dortaa qarna pime minster ka waxa qata xisbiga ugu cod badan hadu wayana xisbi kale buu la midoobayaa .. sas un bad kaga fakan kartaan laaluush..
Midnimo waxaan leeyahay, guuleyso iskana ilaali Odayaasha waa isimada iyo baarlamaanka laaluushka la baray oo tuugada noqday oo hunguri raaca noqday oo shilimada uun fiirsanaya cid ay kala jecelyihiina aanay jirin keliya hungurigooda, ku dadaal in odayaasha aan cod la weydiin ee shacabku ay wax doortaan sida adduumaadka kale, odayaasha markaas iyo baarlamaankaba jiq sow kuma ha!!!!!!.
xisbiga iyo cida loo doortayba ma waxay ka tirsanyihiinoo ay rabaan taldiisa dhulka dameeraha ay ku noolyihiin mise dhulka uduga oo labada xeebood bar bar dhaca,dadyowga dhulka labada xeebood mayaqaan aanow lamna uu baxo,talana u dhiiban maayo oo waan hubaa.
dhulka ma halqgaleen buu ku danbeeyay bowe?
kkkkkkkkkkkkkkkkk.
abdalla,
Zalaaan ;; Web-ka , Hambalyo ,, Ururuka Midnimo , waa Urur Matalaya Dadweynaha Punt Land oo dhan, Waa urur ay hogaanka u hayaan Aqoonyahanno , aad u dá yar, oo lagu aamini karo Mustaqbalka Dalka. Waan soo dhoweynaynaa GUUL iyo In Ilaah garab galo ayaan ka baryeynaa.
Ururka midnimo waa urur midayn kara dhamaan gobolada PUNTLAND. GUUL IYO MIDNIMO GUUL.
midnimo waa ururka kaliya ee haysta dhamaan tageerada gobolda waxana kujira aqoonyahan badan guul baan urajaynaynaa
asc masha alaah aad ban uso dhawaynaya aqoonyahan saadiq eenow