Gudoomiyaha Tuulada Xiriiro: Ciidamada Badda Puntland waxay si bareer u laayeen dad shacab ah

July 3, 2012   //   Warar Somaali

Gudoomiyaha tuulada Xiriiro oo ka tirsan degmada Iskushuban ee gobolka Bari ayaa ka waramay dhacdo dhowaan ka dhacay tuulada oo u dhaxeysay dadka degaanka iyo Ciidanka Badda Puntland oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Jaylaani Maxamed Ismaacil oo la hadlayay warbaahinta ayaa ku eedeeyay Ciidanka Badda in ay soo weerareen degaanka isla markaana si bareer ah u laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan,siduu sheegay.

Wuxuu sheegay in Taliyaha watay ciidanka uu ku andacooday in degaanka ay joogaan kooxo Burcad badeed ah balse uu beeniyay isla markaana tibaaxay in aanay jirin wax fariisin ah ay Burcada ku leeyihiin tuulada.

‘’Waxaa la yaab ah Ciidanka Badda in ay si bareer usoo weeraraan dadka degaanka oo ay ku andacoodaan in ay Burcad badeed meesha joogaan,runtii waan ku dhaaranayna in Xiriiro aysan joogin wax burcad ah.Xiriiro waxay masaafo badan u jirta Badda waana la wada ogyahay’’,ayuu sheegay.

Wefdi ka socda Puntland oo isku jira Wasiiro iyo Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa gaaray tuulada si ay arrintaan qiimeyn ugu sameeyaan,wuxuuna sheegay in ay siiyeen warbixin ku aadan sidii ay wax u dhaceen isla markaana uu xusay in sida ay wax moodayeen uusan noqon.

Dhacdada waxaa ku dhintay labo ruux iyadoo ku dhaawacmeen 8-qof kale oo labo kamid ah dhaawacooda daran tahay lana keenay magaalada Bosaaso,siduu sheegay Gudoomiyaha.

Masuuliyinta sare ee Dowladda Puntland ayaan weli ka hadlin iska hor imaadka dhexmaray dadka degaanka Xiriiro iyo Ciidanka Badda Puntland.

COMMENTS

RSSComments (4)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Garoowe says:

    Ciidamada bada waa soo dhawaynaynaa burcada hasoo qabteen

  2. Abdi aziz says:

    ishii qaate hadalada xun xun jooji

  3. ishii qaate says:

    ciise maxamud iyo cali saleebaan baa ciidankaas isku darsaday waxay geysteen waa rag is guraaye iyo fagaaraha Puntland

  4. ahmedpunt------------ says:

    soomaali cidaan shabaab ahayn maxukumi kartee nimankaas hallo dhaafo waddanka waayo meelaha aay shabaab dadqal maamulaan cidu ma’hadli karto oo wax maxadi karto ,oo khamri makeeni karto ,shabaab dadqal awaamiirta aay soosaaraan cidu kama daba hadli karto ,waa yaab,waxaan soo xauustaa halhays horay looyiri oo ahaa ,caryaan soomaali dilin oo maamula ,runtii waa run ,marka anigu waxaaban kutalin lahaa shabaab waddanka hamaamuleene halloodhaafo ,gacmaha iyo lugaha hakagureene..sc

Leave a Reply