Gudoomiye KMG oo loo doortay Baarlamaanka cusub ee Somalia [Warbixin]
August 20, 2012 // Warar SomaaliMagaalada Muqdisho ayaa goor dhoweyd waxa ka bilaabmatey dhaarinta mudanayaasha cusub ee Barlamanka Somalia. Xafladan ayaa waxay ka dhaceysa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho,waxana ay gaarayaan tirada Xildhibaanada u diyaarsan dhaarinta 225 mudane.
Ninka ugu da’da iyo khibrada weyn ayaa loo doortay inuu noqdo gudoomiye kumeel gaar ah, ninkaas oo ah nin ku cusub baarlamaanka ayaa waxaa lagu magacaabaa Gen. Muuse Hasan.
Gen. .Muse Xasan Isagoona Halkaas Khudbad Kajediyeey Sidoo Kale Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa Isna Madasha Ka Hadlay Barxada weyn ee Garoonka ayaa kuraas lagu safey ,waxana jooga xubno ka socda Beesha Caalamka, Odayaasha dhaqanka iyo weliba xubnaha guddiga Farsamada ee xulista Barlamanka.
Kusimaha R/wasaaraha Dr. Gaas iyo Gudoomiyhiii hore Shariif Hassan oo uu weheliyo wakiilka Qaramada Midoobey Somalia u qaabilsan Dr.Augustine Mahiga ayaa xaflada furitaanka xildhaanada cusub goob joog ka ahaa.
Gudoomiyaha KMG ee baarlamaanka ayaa sheegay in doorashada afhayeenka Baarlamaanka la dooran doono 26-ka bishan, sidaa daraadeed musharaxiinta u tartamaya gudoonka Baarlamaanka laga rabo inay araajidooda soo gudbistaan ugu dambayn 25-ka bisha.
Doorashada Madaxweynaha ayaa iyana la filayaa inay qabsoonto ugu dambayn 3-da September.
Dhanka kale xoogaa buuq ah ayaa hareeyey goobta, kadib markii Gudoomiyaha cusub ee KMG oo khudbadeynaya ay fowdeeyeen qaar tira yar oo ka tirsan xildhaabanada cusub.
Raga qalalaasaha ku bilaabay kulankii u horeeyey Baarlmaanka cusub ayaa waxay ku doodayeen halka gudoomiyaha cusub uu ka keensaday liiska guddiga doorashada ee uu xildhibaanada ka codsanayey inay cod ku anxiyaan.
Puntland News-24



waa fidno ka mida fidnooyinkii afweyne dunida uga tagay .
waa run dalka waxaa dhibta ugu wacan intii siyaad bare la shaqeynaysay gar ahaan madaxdii siyad bare.
This is a clan bassed selection of unknown people to take responsibility that they do not know. This is a going back to where we do not know. Selection should be bassed on who knows the best what. Are you facing the facts and the need of this country ripped and rapped externally and internally, some one to look after the ruins. After all the country is occupied by foreign forces, and violent religious groups except Puntland. Are you telling us your clan bassed selected people are going to sit there (the ruins of Mogadishu) and our country is controlled and freely destroyed by foreign forces.
You need to get the foreign forces out of the country. You need to invite the religious groups and negociate with them or even allocate posts for them, and give them rights and resposibility.
You need to remove the circulating arms from hands those illegal people.
W.KH.
Ka midka aha Ayaan ujeedey. Sorry.. Wana wada danbiiley.
Xildibaano baadan aya ladiidey waxa lodiidi wayey raagi dawlada siyaad bare ka midland aa Ayaan well qaraan wayey. Wayi iyaag ugu wacan dibaatada Somalia ay kujirto manta Wanamaker wada danbilee.