Guryo iyo Leerar Cadceedda Ku shaqeeya oo loo dhisay barakacayaasha Bosaso [Sawiro]
March 14, 2013 // Warar Somaali150-qoys oo qayb ka ah dadka Barakacayaasha ah ayaa Guryo cusub looga dhisay Bariga Magaaladda Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.
Guryahan Cusub oo ka samaysan Jiingado ayaa la filayaa in ay horseed u noqdaan in dadka Barakacayaasha ah ay ka raystaan Goobihii ay horay u dagnaayeen oo ka samaysnaa Cooshado iyo qoryo,kuwaasi oo inta badan uu Dab ka kici jiray.
Dhaqaalaha ku baxay Kaamkan cusub ayaa waxaa bixiyay hay’ado hoos taga Jimciyada Qurumaha ka dhaxaysa,xilli Guryo kuwan dhigooda ah ay hay’adaha caalamiga ah horay uga fuliyeen magaalada Bosaso.
Qaar ka mid ah Barakacayaasha ayaa sheegay in aad ugu farax-san yihiin talaabada hay’adaha Caalamig ah ugu dhiseen Guryahan cusub.
In kasta oo qaar ka mid ah Qosaska Barakacayaasha ah ay ka faa’iidaysteen Guryahan cusub,hadana waxa ay codsanayaan in hay’adaha Caalamiga ah aysan hakad galin taageerada ay u fidinayaan Barakacayaasha waxna looga qabto dhanka wax barashda’
Shirkadaha Faws iyo Tawakal ayaa fulinaya dhismaha Guryahan Cusub,kuwaasi oo tartan ay la galeen shirkado dhisme kaga guulaystay.
Khaliif Ismaaciil waa Guddoomiyaha shirkadda Tawakal ee fulinaysa dhimahan waxana uu sheegay in ay rajaynayaan in ay dhowaan soo afmeeri doonaan dhimayaashan
Barakacayaal aad u fara badan ayaa ku nool magaaladani Bosaso,kuwaasi oo kasoo barakacay Koonfurta iyo Bartamaha dalka,inkasta oo ay aysan helin Barakacayaashu Adeeg nololeed oo habaysan,hadana waxa muuqanaya in ay hay’adaha Caalamiga ah ay muddooyinkii ugu dambeeyay ay bilaabeen talaabooyin ay ku caawinaan dadka Barakacayaasha ah
SI kastaba ha aahatee barakacayaasha ayaa horay gacan heli jiray Dawlada Puntland iyo shacabka hannaanka loogu dhisay Guryahan cusubna waxa ay qayb ka noqon doontaa daboolida baahiyaha ay tabayaan.
Xafiiska
Puntland-News24
Bosaso
Hoos kadaawo sawirada.













wax arin wanaagsan laakiin hadana ma dhamaystira waxaa wanaagsaneyd in shirkadii qandaraaska qaadatey ey hawsha u qabato si daacad ah waayo waan garan karnaa qarash lagu bixiyey iyo wax qabadka meesha ka muuqda marka qofku waa inuu ogaada inuu wax isdabamariyo inaaney wanaagsaneyn ee waxey aheyd waxaa dadkaa masaakiinta loogu deeqey inuu wax ka dhex saaro mey ahayn guryaha fiiri ma chicken farm baa
Alle mahadii ugu dambeeyn wixii cooshadihii ay daganaayeen in badan ay soo noq noqotay oo gubashadii badnayd hada kadib laga neebsan doono in kastoo ahayd guryaha in la kala fogeeyo geedana loobeero basle waxkastaba waxbaa ka horeeyee hadiiba ay heleen meel ay ku hoydaan .
War walaalayalow qodh iyo xero guri kasta oo aad u dhisteen dadka barakacayaasha ah ugu hor beera hal geed oo qudha howsha israacsada waamaxay meesha u e kaatay kalhari (kalhari desert). Hope good job and well done. My allah bless punttland and hole somalia.
waa wax wanaagsan in lakaalmeyo dadka danyarta ah weliba soo barakacay hase ahaatee hadiiba hay’ado kharashka wax ka bixinayaan lgana dhigayo in kharash ku baxay oo hay,ado caalami ah bixiyeen maxaa guryaha loo weynayn waayey ma digaag ayaa ku xeroon misana boosaaso waa meel kulul maxaa loogu sameyey meshan aad moodo in lagu xanaanaynayo digaaga miyaan bini,aadan gelayn nimanka qandaraaska qaatay may u fekeraan in ayagoo kale guryaha kunoolanayaan