Haweenay la il daran buro 16sano kaga taal cunaha oo dalbatay in la caawiyo [Sawirro]

January 29, 2013   //   Announcement, Warar Somaali

Haweenaydaan oo da,deeda lagu qiyaasay 40sano ayaa waxa ay aad ula il daran tahay buro kaga taal cunaha oo aad uwayn waxana ay caawinaad waydiisatay dhamaan muslimiinta kana dalbatay in loo cawiyo si dag dag ah .sawir 4

Dahabo Khaalid Cali waa gabar somaliyeed kuna nool gudaha magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari waxana aay aad ula daaladhacaysa buro kaga taal cunaha oo muddo 16sano kaga taal cunaha waxana ay sabab unoqotay buradaasi inay gabto dhaq dhaqaaqa oo idil .

Gabadhaan oo ah gabar kadhalatay reero sabool ah oo aan waxna haysan ayaanu markaanu lakulany iyada qudheeda waxa ay noo sheegatay inaysan awood ulahayn inay hesho kharashkii ay dalka uga bixi lahayd maadama ay sheegtay in xanuunka haya aan waxna looga qaban karin gudaha dalka somaliya.

sawir 2

Qaar kamid ah isbitaalada kuyaala deeganada puntland oo ay xanuunkeeda ulataktay ayaa usheegay in waxna loo qaban karin ilaa looqaado dibada taasina waxa ay murugo iyo waliba  wal wal hor leh ay ku abuurtay gabadhaasi maadama aysan haysan amaba awood ulahayn kharashki ay ku aadi lahayd dibada .

Khadro maxamed oo kamid ehalada gabadhaasi ayaa shabakada Calanka.com waxa ay usheegtay inay aad ula rafaadsan yihiin xanuunka haya gabadhaasi waxna ay codsi udirtay dhamaan umada muslimiinta ah gaar ahaan umada somaliyeed oo ay kacodsatay inay wax kala qabtaan .

Sida kamuuqata muuqalada aad aanu kasoo qaadnay gabadhaasi somaliyeed ayaa waxa laga dheehan karaa mid murugaysa wax qabadna ubaahan fadlan caawi cidii rabtana in ay caawiso waxay kala xiriiri karaan Tell: 0025290223388 waxana lambaarkasi wata eheliyada gabadhaasi .

COMMENTS

RSSComments (2)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. haaboon karkar says:

    laa ilaha ilaalahuu maxamada rasululah ilahayoow caafii iyaada iyo umaada kaale ee jiiraanba ilahayow adii baa caafiimaadka keena ee sii caafiimaad jiirkeeda dhaameeya amiin amiin amiin insha allah

  2. Suhuur gabar mudug says:

    Ilaahaw sii caafimaad sareeca eebe baa waxna keena waxna ka qaada insha allaah rabi caafimaad hakuugu bedelo insha allaah

Leave a Reply