Hay’adda MSF oo Joojisay shaqadii ay ka haysay isbitaalka Beledwayne
December 31, 2012 // Warar SomaaliHay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa joojisay adeegii caafimaad ay ka waday isbitaalka guud ee magaalada Beledwayne xarunta gobolka Hiiraan.
Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay agaasimaha isbitaalka guud ee magaalada Beledwayne Axmed maxamed khalif MSF waxaa ay joojisay adeegyada caafimaad oo ay ka taageeri jirtay isbitaalka magaalada Beledwayne.
Isbitaalka guud ee magaalada Beledwayne oo ay ku tiirsanyihiin kumanaan qof oo ku dhaqan gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe ayay hay’addu ka caawin jirtay dawooyinka iyo adeegyada caafimaad ee shacabku u baahanyihiin.
Axmed maxamed khalif agaasimaha isbitaalka ayaa sheegay arintan inay saamayn xoogan ku yeelan karto dadwaynaha, arintan ayuu sheegay hay’adda inay ku wargalisay shaqaalaha isbitaalka ka howlgala.
Hay’adda MSF ayaa wali cadayn sababaha keenay shaqo joojinta ay ka sameysay magaalada Beledwayne , hase ahaatee koonfurta Soomaaliya ayaa la rumaysanyahay wali afduub in loogu haysto laba ka mid ah shaqaalaha hay’adda oo xerada Dadaab ee dalka Kenya laga so afduubtay 13 Oct 2011, mana jirto cid sheegatay afduubka iyo dalab kasoo yeeray kooxaha afduubayaasha.
Puntlandnews24
Topics: MSF


