Hay’adda TIKA ee Turkiga oo masuul sare looga dhaawacay duleedka Gaalkacyo.

October 2, 2012   //   Warar Somaali

Kooxo hubaysan ayaa duhurnimadii maanta rasaas ku furay gaadiid ay la socdeen saraakiil katirsan hay’adda Turkiga ee horumarinta iyo wada shaqaynta caalamiga TIKA.

Gaariga ayaa xilliga la weerarayay kusii jeeday magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu weeraray tuulada Daarsalaam ee u dhaxaysa Bacaadwayn iyo Gaalkacyo.

 Weerarka ayaa sababay inuu ku dhaawacmo agaasimaha hay’adda TIKA ee Afrika Mustafa Hashmi, Kemalu Din Binghezi iyo Cabdul Axad Rabtar.

 Gudoomiyaha gobolka Mudug iyo saraakiil katirsan booliska Puntland ayaa shir jara’id ay ku qabteen magaalada Gaalkacyo ku tilmaamay inay siweyn ugu xunyihiin weerarkan loo gaystay shaqaalaha samafalka , islamarkaana ciidamada dowladda Puntland ay iska caabin ka sameeyay weerarka lagu soo qaaday shaqaalaha samafalka , gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa ku tilmaamay kooxaha weerarka gaystay inay yihiin dad isku bahaystay la dagaalanka horumarka shacabka gobolka.

 Mar uu ka hadlay xaaladda shaqaalaha la dhaawacay ayuu sheegay xaaladda caafimaad ee saraakiisha inay tahay mid wanaagsan, islamarkaana lagu dabeeyay isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

 Taliye kuxigeenka ciidamada booliska Puntland Muxidiin Axmed Muuse ayaa isaguna ka hadlay shirka jara’id , waxaa uu sheegay weerarka inuu ku dhacay si kedis ah.

 Gaashaanle Muxidiin Axmed Muuse ayaa sheegay ciidamada amaanka inay dileen mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday islamarkaana ay soo xirxireen sideed qof oo qayb ka ahayd maleeshiyadii weerarka kusoo qaaday.

Puntlandnews24

Garoowe

COMMENTS

RSSComments (2)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. faarax says:

    reer mudug waa dhib badan yihiin waxey noqdeen sidii kuwa koonfurta dagan waxey ceebeeyeen sharafta puntland nin turki oo puntland wax uqaban lahaa bey dhaawaceen oo mudug hospital ka dhisi lahaa reer mudug waxaan idin leeyahay hana ceebeynina mar dambe wafdigaan boosaaso ayey soo mareen qardho ayey tageen garoowe ayey tageen sifiican baa loo soo dhaweeyey maxaa idinku idin ku dhacay mar dambe ha ceebaynina sharafta puntland hanoqonina mooryaanta koonfurta joogta

  2. caqil says:

    asc waa fal xun oo waxusnimo ah reer mudug waxan kula talinaya inay iska qabtaan dadka noocan oo kale ah

Leave a Reply