Heerka dhaqaalaha Puntland oo laga deyrinayo

July 2, 2012   //   Warar Somaali

Guddiga Dhaqaalaha Baarlamaanka Puntland ayaa walaac xoogan ka muujiyey heerka uu iminka maraayo dhaqaalaha Puntland iyagoo sheegay in uu u baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Gudoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Xildhibaan Maxamed Cali Guuleed oo Golaha Wakiilada ka hor akhrinayay Warbixin ay soo diyaariyeen oo ku saabsan dhaqaalaha Puntland ayaa sheegay in uu jiro hoos dhac weyn laga dareemaayo dhaqaalaha oo uu u sababeeyay arrimo dhowr ah.

Wuxuu si cad u sheegay in ganacsigii inbadan ka jirey degaanada Puntland loo weeciyey meel kale isla markaana looga dheereeyay tartanka,wuxuuna kaloo ku baaqay in hoos loo dhigo canshuurta faraha badan la qaado.

Qodobada uu jeediyey oo ku saabsan waxaa sababay hoos u dhaca iyo xaalka loo baahan yahay in la qaado ayaa waxaa kamid ahaa;

-In Canshuurta la kordhiyey la qaado ama hoos loo dhigo

-Maxjarka Bosaaso oo ka qaalisan Maxjarada kale ee dalka

-Tartanka Suuqa Ganacsiga Puntland oo aad looga dheereeyay

-In Dekadda Bosaaso aysan kusoo xiran karin maraakiibta waaweyn

-In la qaado lacago badan oo aan kusoo dhicin ama kusoo xaroon khasnada Dowladda

-In Ganacsigii Puntland uu u weecday meelo kale oo ka wanaagsan

-In aysan jirin Shirkado waaweyn oo wax dhoofin iyo wax dejin fiican sameyn kara

Ganacsatada ayaa inta badan ku dhaliila Dowladda in ay kor u qaaday Canshuurtii taas oo sababtay in loo wareego dekadda Bosaaso oo dhanka Canshuurta ka raqiisan mida dekadda Bosaaso.

Dowladda ayaa waayadan kulamo la yeelanaysay ganacsatada oo ku saabsan sidii xal looga gaari karo arrimahaaan.

Baarlamaanka Puntland ayaa shalay yeeshay mid kamid ah Kalfadhiyadooda ugu xasaasiga badnaa afartii sano ee lasoo dhaafay iyagoo ka dooday arrimaha Dhaqaalaha,Siyaasadda iyo Amniga.waxayna dhaliil fara badan ujeediyey Dowladda .

Source: Bosaso Press

COMMENTS

RSSComments (10)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Nur yare says:

    Baarlamaanka xubnihisa waxaad moodaa in ay dadka puntland xoogaa rajo ah tuseen. Ku dara ficil idinkii ah madaxii ugu sareeyey Puntland. Uyeera cida aad isleedihiin denbiyo ayay galeen runtana usheega, haday diidaan shacabka Puntland iyo aduun weynaha ayaa arki doona ee idinka marka hore guta shaqadiina hadii kale dhibta jirta qayb ayaad ka noqon doontaan, taariikh madowna wey idiin danbeyn.

  2. adan says:

    Alla maxaa been laisu sheegaayaa dadkan mararka qaarkoo d waxaad leedahay caqli maleh.
    Adeer haddaydin caqli lahayn ama dano kale leedihiin anagaydin khayaani karin ummaddana runta u sheegayna. Dhaqaalaha Puntland waxaa hoos u riday waa ganacsatada reer Puntland qaarkood kuwaasoo ka mas’uul ka ahaa amni xumada ka jirtay iyo dagaaladii lagasoo abaabulaayey koonfurta oo alshabaab iyo taageerayaashoodu wadeen. Nina meel amni xumo ka jirto ganacsi usoo doonan maayo. hadda oo amnigii xoogaa soo roonaanayo muddo ayey qaadanaysaa inay dadku iskusoo haleeyaan oo koonfurta iyo kilinka shanaad ganacsi looga yimaado Puntland.
    Ama bararafleeya sidiinii ama qaaqleeya adinkay idin jirtaa runtuse waa taa.
    VIVO FAROOLE VIVO PUNTLAND.

  3. Wadani says:

    ALLAH ayaa mahad leh ka sokow Gudiga dhaqaalaha ee Baarlamaanka oo uu hogaamonayo Mohamed Ali Guuled
    Thanks our head of economic committee and also PM

  4. Hamdi jama Nor says:

    we have to take the following steps immidiatelly:

    1- reduce the tax 20%
    2- To train the business-men the sophisticated business transactions
    3- Raise awarness in the market

  5. karkaar boy says:

    anigu waxaan qabaa in hadii wax lasaxaayo waa in lootagaa dadkii maamulka oo waliba u owliyeysan lootagaa oo si hoose wax loogu sheegaa . laakiin si qaawan hadii dariiqyada lala istaago waxaan qabaa in howshu ay xumaan uarki doonaan qolooyinka ladhaliilayo ee maamulku koow kayahay waa in lafahmo is fahamka waxa uuku yimaado iyo ismaqalka wuxuu leeyahay dariiq loomaro waa in marka dariiqaa la dhowraa oo laga ilaaliyaa wax ka careysiin karaya maamulka.

    waana sax in baarlamaanka laga hor sheego wax kasta oo qaldan oo ubaahan in lasaxo. waadna ku mahad santihiin war galintiina.

  6. Inj. farah says:

    Waxa soo socda ayaa ka daran, Kuna dara in Bossaso ay noqotey magaalada ugu qayilaada badan, Soomaaliya.

  7. ahmedpunt------------ says:

    runtii waa arin laga naxo balse talo u’baahan ,,waxaa muhiima in dawladda puntlad inay tixgaliso arimahaan 1-in madaxda safaradeeda oo uu uugu horreeyo madaxwaynaha labeeqaamiyo oo safarada layareeyo xagga dibaddaa,iyo caafimaadkaba, 2-inaan canshuurta aan lasiyaadin ,hadday suura gal tahayna in hoos loodhigo 3-in xubnaha baarlamaanka iyo wasiirada iyo kuxigeenada uugu jira puntland in qofkasta beeshuu kasoojeedo uu wacyi galiyo qabiilka aay kasoojeedaan oo qabiiladu aay dhaqaalaha ama canshuurta waxa aay dhoofsadaan ama ladhoofiyo aay galiyaan dekkadda boosaaso waayo waxaa baal maray dekkadda boosaaso sanooyinkii u dambeeyay inay ka wareegeen dekkadda boosaaso taas oo dhaqaalaha puntland dhabar jab weeyn ku ah ,masuuliyaddeedana waxaa iska leh dadka baarlamaanka uugu jira qabiilada iyo wasiirada umatala qabiiladaas waxii aan ka ahayn killinka shanaad ,3-in shaqooyinka dawladda lakordhiyo oo dawladdu abuurto meelo dalxiiskaa si dawladdu aay u hesho canshuur 3-in dawladdu shidaal dhoofinta lawareegto aay ka keenayso dibadda oo aay samayso isteeshinno shidaalkaa ama baraha shidaalka degmooyinka oo dhan si aay u hesho dhaqaale fara badan 4-in dawladdu dadka beeralaydaa iyo kalluumaysiga badda usamayso wacyi galin xoog badan una sameeysaa dallad aay kumideeysan yihiin ama iskaashatooyinka beeraha iyo kalluumaysiga taas oo dawladdu dhaqaalo badan uuga sooxaroon kara, meelkastana degaanka beeraha kamidana waxay kuhaboontahay beerasha gaara oo uugu fudud beerashadana waa qaraha iyo degirta iyo qudaarta haddii aay waraab helaaan oo waxtar badan ,5-waa in dawladda puntland canshuurta qaadka lasiyaadshaa waayo qaadku mujtamicii iyo dhaqaalihii buu duminayaa marka waa in canshuurtiisa aad loosiyaadiyaa 7-waa in dawladdu saddexdii biloodba aay usamaysaa kullan ardayda jaamacadaha taas oo dood laga sameeynaayo xagga dhaqaalahaa iyo horumarka 6-waa in dhaqaalaha yarkaa waa in doorasho lagu galin oo xadtooyada xoolah dawladda loosameeyaa guddi daba gala oo ah guddi aqoonyahannaa oo nadiifa .waad salaamantihiin

  8. Mimi says:

    Aniga waxay ila tahay dhaqaala xumaha Puntland ka jira hada ma’aha mid iska ka yimi ee waa mid loogu talagalay inuu dhace, Mas’uuliyadaas oo dhan waxaa iskaleh Maamululka Faroole oo Mizaniyadii Puntlalnd ka dhigay mid wax ku dhacaan oo aan wax ka bixin, ganacsatadii oo wadnaha cashuur lagu jaray, dadka rayidka ahaa oo dakhligoodu uu hoos u sii gurmaayo,lagaha sarigka qalaad oo aan xasiloonayn,
    Ma’aqaan maamulka Puntland meesha ay u wadaan dhaqaalaha wadanka waxay ila tahay dad yar ayuu wadanka dhaqaalihiisu gacanta u galaa, shacabka intiisa badan way yaabanyihiin.Nidaamkaas hadii uu sii socdo khatar weyn ayaa ku soo wajahan wadanka.ALLAH HA SAHLO

  9. Hassan says:

    war reer puntlandow hadaydan tashan wa la idinka tashan . Marka adeerayal dhulkina iyo dhaqalihina ka war haya .

  10. REAL PUNTLANDER says:

    Parlamanka Puntland wuxuu noqday iska dhawaaqe aan waxba badalin waayo awoodba malaha uu wax ku xaliyo ama go aan ku qaato faroole ayaa Parlamaan ah isagaa madaxwayne ah isagana agaasime ah waxaan ku talin lahaa in dadku ka shaqaysiyaan caqliga oo aysan u adeegsan kaliye reer hebel ayaa ka badan reer hebel dalku waa Puntland qofka madaxda ka ahna dadka ayuu ka mid yahay macnuhu maha in danta iyo danaha dalka uu isagu leyahay aynu iska qabano faroole iyo inta maangaabka ah ee isaga la fikirka ah oo aan dad iyo dalba u naxayn.

Leave a Reply