Faah faahinta heshiiskii labada beelood ee Cismaan Maxamuud(Sawiro)
April 26, 2012 // Faallooyin, Warar SomaaliXaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland,guddiga xallinta khilaafka labada beelood ee walaalaha ah,odayaal ka tirsan labada beelood,culumaa’udiin aqoon yahano iyo masuuliyiin kale oo lagu qabtay masaajidka Cumar bin Khidaab ee bartamaha magaalada Qardho ayaa waxaa guddigu xallinta Khilaafaadku ayku soo gudbiyeen go’aamadii iyo heshiisyadii ay labada beeleed ku heshiiyeen in ayku soo afjaraan colaadii u dhexeeysay.
-Guddigii xallinta khilaafaadka labada beelood ee walaalaha ah ayaa waxa ay soo gudbiyeen qodobadii lagu heshiiyay taas oo ay labada dhinacba ay si weyn ugu qanceen
Guddigani waxa ay hawl galeen 28 Jan 2012 ,waxana hawsha guda galelen 30 jan 2012 ,guddigu kalsoonida labada beelood
waxa ay heleen 4 Feb 2012,Kalsoonidaas oo ku salaysnayd ka garnaqii 5 tii nin ee lagu dilay magaalada Qardhood gudaheeda
14 October 2011, Guddigu hawlo badan ayay mareen, miyiga iyo magaalaba war doon bay u tageen,fadhiyo badan ayay yeesheen
hawshaas oo dhan markii ay soo mareen dhibaatooyin badan .
Go’aamadii ay soo saareen waxaa ka mid ahaa
1-in saddexdii gacan ku dhiigle ee geystay dilka 14 october 2012 lagu xakumay 10 sano oo xabsi ah oo aan cafis lahayn
iyada oo ay jidhay dhacdadan dhacdadii ka horaysay laga soo saaray xeer dhigayay in hadii gacan ku dhiiglaha uu fakado aabihiis ayaa u qoolan, taas waxa ay keentay in lix nin oo markaas guddigu
u arkeen in ay saddexdii nin ee wax dilay saddex ay aabayaal u tahay ,saddexna ay kaal kaaliyaan u ahaayeen in lixdaas nin lagu xukumay mid shan sano,
2-Guddigu 5 nin ee la dilay waxa ayka xakumeen ninkiiba boqol halaad oo dhogor ah ,ka mag ahaan (
3-Waxa kale oo laga xukumay 5 nin ee la dilay ninkiiba kun doolar oo duug ah,
4- waxa kale laga xukumay 5 nin ee la dilay shan gabdhood oo godob tir ah,gabdhahaasna oo aan beel loo dhiibayn balse la geynayo gurigii laga dhintay,
5- Waxaa kale oo laga xukumay 5 nin ee la dilay midkiiba 50 halaad oo hashiiba lagu qiimayay $200
Guddigu wax ay go aamiyeen in fadhiga kowaad ee la yeesho lagu bixiyo lacagtii duugta ahayd ee ay xukumeen oo ahayd shalay
6-5 nin ee la dilay jifadooda ka bilaabmanaysa maanta 45 cisho kadib waxaa beesha dhibta geysatay looga fadhiyaa shantii nin jifidoodii iyada oo la raacinayaayo 50 halaad oo hashiiba lagu qiimayay $200 taas oo isku noqonaysa 50 kun oo dollar oo calool rog ah.
7- shanta nin ee la dilay mag dheertooda waxaa lagu bixinayaa 4 bilood kadib iyada oo ka bilaabmanaysa maalinta jifida la qaatay,
Guddiga waxa uu sheegay in markii ay halkaas maraysay uu soo baxay qodob ah xeer jebin iyo xurmayn la’aan labada beelood ay ku sameeyeen go’aamada beesha Cismaan Maxamud halkaas guddigu waxa ayka xukumeen in labada beelood beelkasta waxaa lagu ganaaxay 5 kun oo dollar,ganaaxaas oo ah ku salaysan inaan labada beelood midkoodna xurmayn ,xeerin ,sharaf u hayn go’aamada ,heshiisyadii beesha Cismaan Maxamuud horay iyo gadaal u qaateen,sidaad darteed marka duugta lakala qaadanaya oo maanta ah ayaa laga rabaa in ay bixiyaan,xeerkaas waa xeerkii 5 nin ee la dilay 14 Oct 2011
Guddiga xallinta khilaafaadka labada beelood ee walaalaha ah waxa ay halkan ku soo gudbinayaan go’aankii ay ka gaareen dhacdadii guracnayd ee ka dhacday tuulada YAKA 30 kii March 2012 ,falkaas oo ku soo beegmay xilli ay gabagaba ku jirtay wada xaajoodka nabada ee labada beelood,guddiguna ay go’aamo ka soo saareen dhacdadii 14 october 2011. sidaas daraadeed waxay guddigu ka soo saareen dilkii Bulxan Maxamed Siciid xukunka hoos ku xusan.









1) Waxaa guddigu ku xukumay xabsi dhan 10 sanadood oo xarig ah
gacanku dhiiglihii ka dameeyay dilkii ka dha cay tuulada Yaka 30 Marso 2012
2) Waxaa guddigu xabsi dhan 5 sano saddex qof oo lagu ee deeyay in ay kaal kaaliyaal ahaayeen
3) Waxaa laga xukumay dilkii ka dhacay tuulada Yaka 30 March 2012 100 halaad oo dhogor ah
4) Waxaa kale oo laga xukumay 50 halaad oo calool rog ah qiimaysan hashiiba waa $200
5 Waxaa laga bixinayaa dilkii marxuumka $1000 USD oo duug ah
6) Waxaa kale oo laga xukumay dilki ka dhacay tuulada Yaka 25 halaad oo ganaax ah oo ku salaysan burburintii gogosha nabadeed ee labada beelood dhextiil ,go’aankana laga gaaray, hashiina tahay $200
7) Waxaa laga bixinayaa dilkii Marxuuka Gabar godob tir ah taas oo la geynaayo gurigii laga dhintay ,waxayna raacaysaa waqtiga jifida la bixinayo
8) Ninka dhaawaca ah waxaa la simayaa dhaawaciisa marka la cadeeyo in la simi karo
9) Go’aankani waxa uu kala mid yahay dhamaan waxii xaq bixin ah go’aankii hore
10) Waxa ay guddigu go’aamiyeen in cidl allaale cidii loo arko in ay caqabad ku tahay nabad gelyada iyo xasiloonida degaanka iyo gogosha nabadeed ee labada beelood ay u madax banaan yihiin qabashadooda laamaha amniga ee dawlada Puntland.
11) Nuqulkii baxay taariikhdu markay ahayd 14-4-2012 waxaa buriyay go’aankan.
Fiiro gaar ah Kadib markii ay guddiga arkeen soo noq noqoshada dhacdooyinkan foosha xun iyo waxka qabad yarida dhacdooyinkaas ee labada beelood wuxuu guddigu go’aanshay in laga bilaabo taariikhda marka ay tahay 24-4-2012 cidii ku xad gudubta xeerarka iyo go’aamada la isla qaatay in dawlada iyo beesha Cismaan Maxamuud ay marin doonaan ciqaab iyo tacsiir aan turiinsho ku jirin.
Xubnaha Guddiga ee saxiixay
1 Cabdi Diiriye Jaamac
2- Maxamed AADAN cali
3 Cismaan Ciise Faarax
4 Cabdirashiid Maxamuud Shire
5 Kamaal Daahir Carshe
6 Axmed Xirsi Faarax
7 Cabdi Xuseen Cali
8 Cabdixakiin Cismaan Cumar
9 Cabdisamad Timir Diiriye
10 Axmed Maxamed Cali
11 Cabdiqani Salaad Guray
12 Axmed Maxamuud Ducaale
13 Cabdiqaadir Siciid Carshe
14 Axmed Jaamac Diiriye
15 Cabdi Siciid Cismaan
Jawiga ayku soo dhamaatay xafladan ayaa ahaa mid labada beelood ay ka muuqatay in ay si weyn ugu qanceen go’aamadii ay guddigi ka soo saareen colaadii u dhexaysay labada beelood ee walaalaha ah.
Sidoo kale dadweynaha ku dhaqan degmada Qardho ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiskan labada beelood ee walaalaha ah waxayna Eebe ka baryayeen inuu ka dhigo heshiiskan mid taaba gala oo soo afjara colaadii u dhexeysay labadan beelood.
Puntlandnews24.com



War heedhahaya waxaan la yaabey oo amakaag igu ridey gabdhuhu maxaa meesha keeney? maxey ka qabanayaan aqalka la geenayo? “what about their choice?” Gabhaha ma aha xoolo nool oo la isi siiyo ee waxaas waa wax qalad ah hana laga noqdo. waxaan u arkaa xaqdaro laga gelayo gabdhaha soomaaliyeed. subxaana Allah!!!!
waxa ilaah kabaryeeynaa in quluubtoda isku soo jediyo, waa dad tol ah
xalku ha noqdo baan ugartay xalay dhalay halagadhigo ayuu ula jeedaa walaalkeena maxamed..
waangartay ..mida muhiimka ah ayaa waxay tahay walaalayaal war meeshaan heshiis la heshiiyo waxba kuma toorna ee waxaa muhiimku uu yahay arinkaan oo kale hadii uu soo noqdo barito maxaa looga hortagi karaa weeye xalku iyo guul lagaaraba ..ee maahan heshiis aan sal lahayn maxuuku tooran yahay oo hadana baritoole wixii iska soo daba noqonayaayi.
ninkii dadka laayayna uu dadkii uu wax kadilay uu ku hor jees jeesteynayo waa xanuun aan waligii laga bogsaneynin aanaduna sidii un bey u sii socondoontaa hadaanan xal loohilin oo arinkaa looga hortago.
waa mashaa alah waa wax lagu farxo in beel ay danteeda ka tashato isla markaana ay is xukumaan iyadoo aysan u dhexayn qabaailo kale Beesha Cusmaan Maxamuud waxaan farayaa in aanan halkaas looga harin way heshiiyeen dhinaca nadwooyinka diinta islaamka ah loo badiyaa dhalinta hubka sidata haddii xitaa la heshiiyo waxaa iska jira mid aan waxaas garanayn oo maskaxdiisa wax ka damca waxaan codsanayaa beeshu inay isbuucii labo jeer loo yeero dhalinta labada beelood oo nadwooyin loo qabto qaarna waxbarasho loo diro meelahaas ah si ayan dhiig danbe u daadan. Hambalyo Hambalyo walaalayaal ka dhabeeye heshiiskaas oo habeen ka dhalay halaga noqdo
waa arin wanaagsan .. xishmad walaltinimo xishood ku dheehan yahay maashllh .
Heshiiskan waa in laga sameeyaa filim documentery ah, waayo waxaa laga baran karaa cashar, waxaa laga baran karaa is tixgelin iyo isxaqdhowr ku dhisan aaminaad walaalnimo, xadaarad iyo BOOQRTOOYO. Hayadda PDRC ama wasaarada arrimaha gudaha waxaan ka codsan laha inay filim documentry ah oo la baahin karo ay ku soo bandhigaan arrintan taariikhiga ah.
Masuuliyiinta iyo xildhibaanada, iyo siyaasiyiinta iyo waxgaradka sawirada ka muuqda, khayr allaha idin siiyo waxaad soo afjarteen arrin xanuun iyo welwel nagu heysay muddo dheer. ilaahay miisaanka xasanaaka allaha idiin saaro. Teeda kale waa in maleeshooyinkii is ugaarsanayey ee labada beeloodna hal maalin qado loo sameeyaa iyagoo qoriga loogu badalayo qalin iyo is dhaafsiga hadyaddo qaaliya oo lagu furayo bogg cusub oo walaanimo iyo is xaqdhowr ah. MAHADSANIDIN
anigu waxaan qabaa hadii arinka ninkii nin dilaaba looqisaasi lahaa oo markiiba la dililahaa walee laba is fiirisaa in aysan jirilahayn..
mida kale ninkii nin dilaa oo qabiil kiisa isku dayo in ay qariyaan waxaan qabaa in qabiilka wax qariyay oo diidan in looqisaaso wiilkooda ninkii uu dilay waa in qabiilkaasi ama jifadaasi meel loogu soo wada jeestaa oo duulaan dagaal lagu qaadaa oo la laayaa wixii kasoo horjeeday xukunkaasi islaamka ah
ilaa ay saaxiga keenayaan oo ay ka ogolaanayaa in ay u hogaansamaan sharuucda udagsan dadka wada daga …
hadii kale oo arinakaa lagu dhaqmi waayo ogaada dilka iyo fowdadu waa ay sii soconeysaa oo waligeedna dhamaan meyso ..
xalku waa in sida shareecadu qabataa lagu adkeysataa oo si wada jira loogu shaqeeya nabada nabaduna cidkastaa bey dan utahay waa in ladhowraa ..
Ajar iyo xasanaad allaha ka siyo ..inta wanaagaan ka shaqeeyey oo dhan ..ballantuna waa mas,uuliyad hadaba waa in la oofiyaa ballanta lakala galey ee magta ah,
midda kale waa in meel loogasoo wada jeestaa wixii carqalad ah qoladii keenta.
Reer qardhood , diin la,aan baa hareereysey sida muuqata ….kuwooda diinta u leexdeyna takfir iyo wahaabiyaa la tagtey waa in diinta si dhab ah loo bartaa taasoo ku dhisan majhajka ahlsunna waljamaaca…ee aan aheyn tan kuwa sheegta salafka si ku been abuur ah.
waxaan aaminsanahay hadii lahelo mujtamac diinta iyo caqiidada si dhab ah u heysta in aan sharwade iyo dhagar wade iyo sheydaan oo dhan aanu kusoo dhax gaban kareyn…marka xigtana ammaan baa hareereyn haya.
asc maansha alah waa wax lagu farxo xaqiiqdiina ilahay baa og saan ufarxay waayo waxaa ceeb ila ahayd malainkasta dad walala ah oo aan meel kala jirtin waayo waxaan aaminsanahay nin ay guul wayn ay usoo hoyatay maantay reer qardhood ama beel waynta usmaan mahamuud waayo waxaa meesha ka baxay colaad ah kugu dhimay kaa dhimay waxana mahadaas iska leh ilahayga qadaray in caqligu shaqayyo iyo waxgaradka isku taxalujiyey sidii loo dhamayn lahaa hawshaas soo noqnoqotay
Gabdhaha maxey ka qabanayaan guriga la geynayo?
Waa wax aad loogu farxo arintaani, Reer bari hadaynu nahay waa in aynu iska dhaafna daagaal beeledka. Sheekadan gabarsiinta uma bogin maxaa yelay gabdheheena xoola maaha layska bixiyo. Co
Mansha allah ilaahooooow samaanta na wafaji aamiin
mansha allaah aloow noo aqbal waan kuu farxnay e mansha allaah maar labaad iyo maar sadexaad ba mansha alllaah mansha alllah