Holland: Xuska Debaaldega 14-Guurada Curashadii Puntland [sawiro]
August 30, 2012 // Announcement, Faallooyin, Warar Somaali
Dalka Holland ayaa kamid ah wadamada sida weyn todobaadkan looga xusay munaasabada sanadguurada 14aad ee aasaaskii Puntland, magaalada Rotterdam ee dalka Holland ayey ka dhacday 25kii bishan Agoosto Munaasabad balaaran oo lagu maamuusayey xuska 14aad ee dhismaha ismaamul Dowladeedka Puntland.
Xafladan oo ah mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal dad ah ayadoo halkaasi laga soo jeediyey khudbado kala gedisan oo taabanayey mudnaanshaha xuska aasaaskii Puntland iyo waliba horumarka loo baahan yahay deegaanada Puntland in laga gaaro.
Xafladan ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay barnaamij isugu jira Ruwaayado iyo heeso, ayadoo dadkii kasoo qeyb galay ay si weyn ulla dhaceen barnaamijka isu dheeli tiran oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada Jaaliyadda Puntland ee dalka Holland.
Xafladu intay socotay waxaa heeso wadani ah iyo kuwa Puntland loogu talagalayba ka qaaday fanaaniin caan ah oo ay kamid ahaayeen Xassan Wado, Aamina dhool, Laki Xaaji Wacays iyo fanaanka da’da yar ee reer Holland Sadiiq Iidle, Waxaana sidoo kale xaflada laga jeediyey Warbixino quseeya xaalka uu imika dalku marayo iyo taariikhdii kaladuwanayd ee ay Puntland soo martay.
Xafladan waxaa soo qabanqaabiyey iskuna soo dubariday ururka dhalinyarada reer Puntland ee dalka Holland oo uu hogaaminayey gudoomiyaha Ururkaas Mudane, Cabdiraxiim Yaasir iyadoona ay xaflada goobjoog ka ahaayeen madaxda Jaaliyada ee dalkaas iyo xubno kale oo muhiim ah.
Xaflada waxaa khudbado kasoo jeediyey xubno ay kamidyahaayeen
Mohamod weyrah
Marwo. Khadiijo Sheekh Siciid Cali : nabada iyo macankeeda isku dubnida pland
Maryan saciid Mohamud : warbixin dhalinrada pland e holland
Bashiir xassan
Maxamed Qaasim : warbixin
maryan farax



Ma ogtahay ayaantii ilmadu kaa da’aysay inan yahay xasustoo an ka shahaatee (galkacayo).
Puntland waa in ay gaartaa meesha umadaha horay u maray ay gaareen. (do not use the above email address)
Thank you all.
San.
reer holland guul ayaan idin leeyahay