Howlo Burburin ah oo ka socda Afaafka hore dekadda Bosaaso

June 27, 2012   //   Warar Somaali

Maalmihi u dambeeyay waxaa ka soconayay afaafka hore ee dekadda magaalada Bosaaso howlgalo lagu burburinaayo dhismooyinka sharci darrada ah.

Howlgalka waxaa horkacaaya Wasaaradda Dekaddaha,gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcad badeeda,waxaana la burburinayay guryaha iyo goobaha kale ee ganacsi ku yaalla afaafka hore ee dekadda.

Goobaha la burburiyay waxaa kamid ah guryo ku yaalla xarunta Caanka ah ee Neg-fish,sidoo kale waxaa dhulka lala simay goobo ganacsi oo isla aagaas ku yaalla.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda faahfaahin ka bixisay howlahaan burburinta ah laakin waxaa la sheegaaya in ay qayb ka tahay howlo lagu balaarinaayo dekadda.

Howlgaladaan ayaa noqonaynin kuwii u horeeyay oo lagu burburiyo dhismooyin ku yaalla afaafka hore dekadda Bosaaso,hase ahaate sanadkii hore ayaa la burburiyey dhismooyin ay dad rayid ah ah deganayeen oo ku yaalay afaafka hore dekadda.

COMMENTS

RSSComments (5)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. ahmedpunt--------------- says:

    umuli xanuunkeeda illoobi okaa..sheeko 1991…
    waxaan kunoolaa caasimadda soomaaliya waxaan degenaa xaafadda korantada ee madiina, halkaas waxaan kullahayn guri villaa oo aabahay nooga dhintay allaha ha’unaxariistee ,waxaa halkaas ii daganaa xaas yar oo markaas iigu curatay wiil bilo jira ,habeen habeenada kamida oo ku beegan bishii dicseembar 12 keedii goor habeenimaa baa gurigayii aanu daganeen baa goor habeennimaa oo aan hurudno waxaa nagu soogaraacay ururkii kadagaalamaayay xamar ee usc ,nasiib darro waan hurdo weynaa oo waxaan ahaa dadka hadday seexdaan aan kicin balse xaaskaygii oo ahyd qof hurdo fudud baa itoosisay oo tiri war gurigii waa lagaraacayaa aboowe ee dhuumo runtii aad iyo aad baan u naxay waayo waan gartay ururkii usc inay yihiin oo aysan cid aay daarood u gartaan oo aay qabtaan aaysan dhaafeenin ,si dhakhsaa baan u istaagay oo haddiiba dharkaygii gashaday naftu wax kamacaane waxaan isu diyaarshey inaan baxsado haddii aan jaanis u helo ,nimankii oo guriga daaqadihii iyo albaabkii ganjeelka taagan waxay kuhanjabeen haddaanan furin guriga inay baasuuko kudhufanayaan kaddib dadka midmid ullaynaynaa, waxayna isku dareen garaac aay kugaraacayaan qoriga afkiisa iyo qaylo aay leeyihiin waryaa guriga fura waa idin dan ah ,muddo 20 daqiiqaa markii meeshe aay taagnaayeen bay waxay billaabeen inay soojabiyaan albaab yar oo ahaa qolka dukaanka oo kamid ahaa villada oo irid baanaana markaan arkay caawa inaanan baxsaneen baan nafta xanuunkeedii waxaan galy guriga korkiisa safeetada iyo jiingadda dhexdooda daaqaddii safeetadana waan sooxirtay halkaas oo ah runtii meel aad iyo aad u gudcur badan oo shimbir libaaxna ama fiidmeertada kabuuxdo oo waliba kaadi iga buuxisay oo aan sugaayo bal inaan nafta kula baxsado baa nimankii oo aan maqlaayo shanqartooda iyo xabado aay ridaayaan oo qiyaasta aan kujiro muddo laba saacadood oo aan isleeyahay naagtii bay dileen iyo ilmihii yaraa ,baa nimankiina albaabkii qeeb jebsheen oo qeeyb yaru u harsantahay ,naagtaydiina iyo ilmihii yaraana ooyayaan oo aay leedahay war islaan ma’ahadin miyaa war guriga ha’iga jabina meeshatan rag majoogaa oo qarracan aay naxdin aay kujirto baa nasiib wanaag waxaa soomaray ciidamo roondaa millatarigii soomaaliyaa ,waxayna usc billaabeen inay rasaas xoogan gurigii kufuraan iyo carar aay kacarareen meeshii maadaama aay arkeen ciidamo soosocda iyo waabarigii oo soodhawaaday ,saddex saacadood kadib oo xaaskaygii ogaatay nimankii inay baxeen waagiina baryay baan meeshii kasoobaxay alle dilaa dhintee ,haddaba waxyaabihii habeenkaas aan kushalaayaa waxaa kamid ahay illeen muqdisho magaalo qabiilo bay ahayd ma ahayn magaalo dadka u dhexdhexaada ,maxaad uuga qixi weeyaday inta goorugooru tahay kollay caawa noolaanmayside ,haddaba isla maalintaas waxaan go’aan kugaaray kol haddii alle ibadbaadsgay inaan kaguuro xamar dhibkii xanuunka badnaana aan kabaxsado ,waxaa kaloo iiga siidaran waxaan ahaa ganacsade dhallinyaraa oo dukaan ku leh siinaay dukaankaygoo oo aay dhexyaaliin macaash farabadan iyo kaartoomo sigaara oo sigaarka qaaligaa ee rooyal oo markaas soomaalidu xiiseen jirtay sidii baan uuga baxsaday si nabada ,dhibkii habeenkaas igaaray ,haddaba waxaa iga talaa qofku inuu dalkiisa ama gurigiisa ama magaaladiisa uu dhisto oo uu kasameeysto wax allaale waxii baahiyaa ahaa oo uu uraadsanlahaa meel kale ,haddaba waxaaaniga ila haboon oo kale inaan waddanku uu ahaado fadaraal uu qof walba uu dhisto gurigiisa iyo caasimaddiisa dawladgoboleed oo hormarsho ayraboo iyo dekkad iyo waddooyin intaba ……scww

  2. ahmedpunt--------------- says:

    maashaa allaah waa waxqabad guula oo ah billow,midda kale waxaa layiri weel wanaagsan baa ilaahay lagu baryaa ,meesha dakkaddaa hadday noqoto meel indhaha caalamka iyo shicibkaba soojiidata oo leh dhammaan adeegyadii dekkad caalamiyaa oo qofka ganacsadahaa iyo doontanba si fudud aay uuga faaruqi karaan dekkadda waxaan shakki kujirin inay dakkaddu yeelanayso dhaqdhaqaaq aad iyo aad u culus waayo waxay soojiidanaysaa dhammaan ganacsatada iyo hay’adaha kalaba ,waliba taas oo qofka ganacsadahaa iyo doontuba kuxisaabtamaayaan waqtiga ,marka hawshu in habeen iyo maalin si dagdaga looqabto weeyaan,waxaan leeyahay boosaaso way ooyaysaaye illinta halaga tiro oo nadaafadda magaalada iyo ayraboor caalamiya iyo dekkad caalamiya iyo waddooyin soolar ama qorrax kushaqeeyaoo kaqarash yar korantada intaba waa loosameen karaaye boosaaso illinta halaga tiro.marka waxaan leenahay ilaahay ha’idinku guulaysiiyo aamiin…waad salaamantihii dhammaan

  3. Abdalla/Badhan says:

    Ninka dalkiisa dhista ayaa muwaadin dhab ah noqonaaya…. Ninka dhulkiisa dhista ayaa somalidhexdeeda qiimo ku leh.. Dhista dhulkiina oo Xamar ha u cararina…

  4. Hassan says:

    Masha’alah wa loo baahanyahay in laga wada shaqeyo bilicda deeganka .

  5. wiil qardhood ah says:

    waa masha allaah waan ku faraxsanahay qurxinta magaalooyinka sida boosaaso iyo garoowe iyo qardho waa guul ku wada oo qurux u yeela waayo magaalo aan lahay wado waa kudaafad

Leave a Reply