In ka badan 60 qof ayaa lagu dilay ilaa 200.000 oo qof waa ay ku dhibaataysan tahay Dalka Burma

October 28, 2012   //   Warar Somaali

Human Rights Watch ayaa waxay muujinayaan caddeymo aad u xun oo Sawirro ay dayax-gacmeedka lagu   qaadday ay mujtamac dhan oo la burburiyay galbeedka dalka Burma toddobaadkan. Deegaan dhan oo ka tirsan magaalada Kyaukpyu ayaa u muuqda in gebi ahaanba la gubay oo dhulka lala simay.

Human Rights Watch waxay sheegaysaa in dadka halkaas deggan badankoodu ay ahaayeen Muslimiinta Rohingya, kuwaas oo weerar ay la beegsadeen dadka reer Burma ee aan muslim-ka ahayn oo sheegaya in muslimiintu aanay dalka waxba ku lahayn. Kooxuhu waxay sheegeen in dhismayaal ka badan 800 iyo guryo doonyo ka samaysan la baabi’iyay. Dadkii halkaas ku noolaa  badankooda waxaa loo maleynayaa inay doonyo ku carareen oo xagga badda ay mareen.

Dadka aan muslimiinta ahayn waxay ku warramayaan in iyaga xataa markan ay ciidammada dowladdu xabbado ku fureen intii ay rabshaduhu socdeen, khasaarooyin badanna ay ka soo gaareen. Dowladdu waxay ku dhawaaqday bandow deegaannada dhibaatadu ka dhacday, hase ahaatee jawaabta ay ka bixisay tan iyo markii ugu horreysay ee dagaalku qarxay bishii June ee la soo dhaafay waxaa si weyn loogu dhaleeceeyay inaysan wax ku filan ka qaban.

Waxaa la xaqiijiyey in 64 qof la dilay waxaana suura gal ah in ay tiradu intaa  kasii  badan tahay waxaana guryahoodii ka qaxay in ka badan 200.000 oo qof dadkaas oo dhamaantood ah dadka muslinka ah ee looga tirada  badan yahay dalka Burma.

Hoos ka akhri Warbixinta HRW

http://www.hrw.org/news/2012/10/26/burma-new-violence-arakan-state

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply