Isku xiraha Walalaha Puntland oo hawada soo galay

January 23, 2013   //   Warar Somaali

ONEPUNTLAND

Dhawaan waxaa hawadda si rasmi ah loo soo geliyey Website lagu magacaabo isku xiraha walaalaha Puntland www.1puntland.com kaasi oo ay hirgeliyeen dhalinyaro reer Puntland ah oo ku nool gudaha iyo dibadda Dalka.

Pageka isku xiraha Walalaha Puntland ayaa waxa uu yahay mid u sameysan sida FACEBOOK, Pagekaan ayaa loogu talo galay in uu ka qeyb qaato ka shaqeynta horumarka Puntland,sida Waxbarshada,caafimaadka,nabadgelyda iyo weliba in ay isku xirnaadaan guud ahaan shacabka Puntland, si ay u xoogeysto ONE PUNTLAND.

Eng. Axmed Khaalid Cali Xundhur oo ah asaasaha Pagekaan ayaa u sheegay Saxaafadda in ujeeda ugu weyn ay ka leeyihiin ay tahay sidii shacabka Puntland ay isugu xirnaan lahaayeen isla markaana leysaga kaashan lahaa horumarka degaanadda Puntland.

Eng. Khaalid oo ah nin dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Goboladda Puntland ayaa waxa uu waxbarshadda heerka Masterka ka diyaariyey Jaamacadda University Putra Malaysia (UPM) ee Dalka Malaysia ku taal, isaga oo ah Injineer ka shaqeeya hirgelinta horumarka Soomaaliyeed.

“ Haa Ujeedada ugu weyn ee aan u asaasay pagekani waxaa weeye, sidii aan isugu xiri lahaa walalaha Puntland oo  ah dad hal mid ah 1puntland oo  aan sina u kala maarmin, waxaana xoojin doonaa horumarka dalkeena” ayuu yiri Eng. Axmed Khaliid.

Sidoo kale webka ayaa waxaa ka qeyb qaatan doona isku xirkiisa dhalinyaro ku sugan Gudaha Puntand iyo weliba kuwa badan oo ah qurba joogta reer Puntland ee ku nool dalka dibadiisa, taasina ay xoojin doonto sidii Puntland ay u noqon laheyn mid ku dhisan hanaan wada shaqeyn.

Axmed ayaa sheegay pagekani uu yahay midkii ugu horeyay ee sidan oo kale ah oo ka qeyb gala isku xirka reer Puntland, waxa uuna buuxin doono kaalin weyn oo ah sidii dadka wada dhashay ay u noqon lahaayeen kuwa mar walba ka shaqeya horumarka degaanadooda, kaalin muuqtana uu ka geysan doono sidii degaanka wax loogu qaban lahaa.

Mohamed Aadan oo isagana ka mid ah dhalinyaradda www.1puntland.com ayaa u sheegya Saxaafadda in ay xoojin doonaan sidii ay isugu xiri lahayeen shacabka Puntland ee ku nool gudaha iyo dibadda, isla markaana Pagekan uu u noqon lahaa mid ka qeyb qaata horumarka degaanka.

www.1puntland.com ayaa la filayaa hadii uu ku guuleysto ujeedooyinka loo asaasay in sidoo kale uu ka qeyb qaato sidii wax loogu qaban lahaa shacabka Puntland, gaar ahaan sare u qaadida waxbarshadda caruurta,Caafimaadka, iyo weliba nabadgelyadda.

Waxaa durba soo baxeysa taageeryaasha sida weyn u taageeray hirgelinta Pageka www.1puntland.com ee ku sugan gudaha iyo dibadda, kuwaas oo u arkay hirgelintiisa in ay timi wakhti loo baahnaa, si ay uga qeyb gasho hore u socoshadda Puntland.

Xubinmadda Pagekan ayaa ah mid Lacag La’aan ah oo qof walba uu si free ah xubin uga noqon doono, sidoo kale waxaa pageka uu tixgelin weyn siinayaa Ilaalinta anshaxa wanaagsan ee Shareecadda Islaamka, waxa qof walba xor u yahay in uu fikradiisa ku soo bandhigo si xor ah.

Dhanka kalena waxaa uu sahlayaa in Shacabka Puntland ay ka kaaftoomaan isticmaalka Facebook si ay halkaani isku dhaafsadaan dhammaan xogaha muhiimka.

Wixii Faah faahin ah kala Xiriir

Xafiiska warfaafinta
info@1puntland.com
Bosaso,Somaliya

Faafin:Puntlandnews24.com

 

COMMENTS

RSSComments (7)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. cumar says:

    waxa fiicnaan lahayd inaad dhahdaan 1somalia,
    sida halku dhega 1malysia.

  2. salmo says:

    bismillaah allaah ba mahad leh waa arin lagu farxo reer puntland waa caqliga iyo indhaha soomali leedahay talaabo kasta oo horumar ahna inaga ayaa bilowna deganada P U N T L A N D WAA HALKA ILAYSKA ADUUNKU KA SOO BAXO
    dad ku dayasho mudan ayaynu nahay

    websitekii u horeyey somali furato reer puntland ayaa lahaa kommontiska lagu qoro websiteyada somalida waxa u bilaabay horseedmedia hadana horumarkan cusub iyagoo inagaga dayda waxay inoo tahay inaynu nahay caqliga miyirka qaba ee ku dayashada leh

    guul iyo horumar reer puntland meel katoon caalmka ka joogno

  3. STILL ME says:

    waxaan ahay pure puntlander udhashay gobolka bari aad baan ugu faraxsanahay ianaan arko webkan kaasoo isku hawlaya siduu isugu xiri lahaa muwaadinninta puntland . WELCOME

  4. Mashalah walahy hormar dhalin yardeeen gaareen khastan sxbkey axmed khalid aaad ayaan ugu hanbalyeen raga shaqenayah igu dar aad ayaan u shaqeen inshalah sxb

  5. yakub bashir says:

    Masha Allah, mahad sanidin.

  6. sorry telfoonka waa khalad sidaan ayaa sax ah
    telefoonka 07943790810 saciid cali nuur

  7. aad baan usoo dhoweynaaya webka cusub oo loo
    bixiyey [www.one puntland.com waxaan jeclaann
    lahaa in lagudaro oo aan xubin ka noqdo anoo
    ah reer puntland gaar ahaan qardho magacaygu
    waa saciid cali nuur
    telefoonka 07643790810 degan london uk

Leave a Reply