Islaamka Miyaa Dumarka Sharafta Siiyay Mise 8 Marso!
March 13, 2012 // Opinion, Warar SomaaliWaxaan ku bilaabayaa Eebe wayne magicii naxariis iyo nabadgalyo Nabi Maxammad csw korkiisa ha ahaato. intaaa kagadaal waxaan rabaa qormadaan inaan kusoo qaato tusaalooyin badan oo aan kasoo guuriyay Qur’aanka Kariimka ah iyo Axaadiista rasuulka csw, waxaan kaloo kusoo qaadan doonaa taariikh kamid ah gabdhihii ku barbaaray hurumarka islaamka maggacana ku yeeshay. Waxaan kaloo kusoo qaadan doonaa Tix gabay ah oo la tiriyay markay gabdhihii ay qoonsadeen ku ekaanshaha hooyanimo iyo shaqooyinkii ay ku ammaa naayeen diintuna fartay.
Waxaan ka afeefanayaa inaanan taageereen oo aanan raali ka ahayn ragga iyagu kabayray Diinta islaamka waxay fartay iyo dhaqankii wanaagsanaa ee soomaaliyeed. Ragga qaadka cunaya ee ilaaway caruurtoodii, mustaqbalkoodii, diintoodii, ooridooda suubanayd iyo waliba dalkoodii. Waxaan xaalmarin u dirayaa dhammaan hooyooyinka marfishka laga doortay, hooyooyinka loo gaystay anshax xummada iyo waliba hooyooyinka labaday inay koriyaan caruur aan ciddi u maqnayn, ceelna u qodnayn iyo waliba caruur taas oo aabe yaashooddna ladilay.
Waxaynu ku bilaabi doonaa sida sharafta uu usiiyay hooyada Islaamku taas oo marka loo bandhigo 8da Marso ay kuu muuqanayso hoosaasinta ku maldahan. Ma doonayno in badan inaan ka hadalno 8da marso iyo waxay tahay. Waayo dunida oo idil ayaa daabka u haysa. Laakiin waxaan doonaynaa inaan xaasuusiyo da’ayarta ku baraarugay 8da marso oo sodon iyo shan jirsatey, laga yaabee in aynan u suurtoobin inay ogaadaan Islaamka iyo wuxuu siiyay. Laakiin uma cudurdaarayno hooyada aqoon gadaasheed masarka tuurtay oo doorbiday dhaqanka gaaleed. Aanku bilaabo’e sharafta Islaamku dumarka siiyay maxaytahy?. Tusaale ahaayn dumarkii qur’aanka Eebe wayne hadalkoodi ku soo qaatay.
” Xusuuso markay tidhi Haweenaydii Cimraan Eebow waxaan kuugu Nadray waxaa uurkayga ku jira inuu Xor kuu ahaado (Cibaadadaada) ee iga aqbal adiga umbaa wax Maqleoge ehe.) (1)
“ Waxaa kale oo Eebe Tusaale uga dhigay kuwa rumeeyey Haweenaydii Fircoon markay tidhi Eebbow Guri agtaada iiga dhis jannada dhexdeeda, igana nabad geli Fircoon iyo Camalkiisa, igana nabad geli dadkaas daaliminta ah. (2)
” (Xusuuso) markay tidhi Malaa’igtu Maryamoy Eebe waa ku doortay waana ku daahir yeelay wuxuuna kaa doortay Haweenka Caalamka. (3)
Intaas aan kaga gaabsano tusaalooyinkii qur’aanka kariimka ah bal sharafta ka wayni waa maxay in Allaaahii Aduun iyo aakhiraba lahaa uu kugu xuso kitaabkiisa. Waxaa sharaf ugu filan dumarka in lagu xusay qur’aan ilaa Qiyaamahu uu ka dhacayo la akhrisan doono. ayaadkaas qur’aanka ahi waxay ka dhammaantood gabdhahaas iyagu rumeeyay Eebe wayne, raacayna wuxuu faray. Su’aasha iswaydiinta mudani waxay tahay 8da marso ma looga hadlaa dumarkaan Allaaah subxaanah uu sharfay? Waligiin ma maqasheen hooyooyinka aduunka oo inta ay isu yimaadeen oranaya: “Aan u Mahadnaqno Allaah sw iyo sharafta uu nagusiiyay Islaamka?”
Tusaalooyinka Axaadista.
” Malakul Jibriil cs ayaa Nabi Maxammad csw u yimid maalin isagoo sida hadyad tii ugu qaalisanayd oo lasiiyo qof dumar ah waligeed. Ixtiraam ka islaamku dumarka siiyay waxaa kaloo tusaale u noqon kara in Ilaahay Malakul Jibriil ugu soo dhiibay hadyad isagoo Salaan uga wada Khadiijo Rabbigeed ( Allaaah Subxaanah watacaalaa)(4). Runtii dummarka ixiraam wayn ayuu siiyay islaamku.
Waxay kaloo taariikhdu xustay sida nabi Maxammad csw ixtiraam u siin jiray dumarka.Waxaan ka arki doonaa sida uu u la tashaday markay adkaatay taladu.(5) Heshiiskii Xudaybiya markii ay qoonsadeen asxaabtii nabiga csw ayna ku adkaatay inuu dhaqan galiyo heshiiska. Kolkaas ayuu dib ugu soo laabtay Khaymadiisa ( Teendhadiisa ) isagoo ka murugaysan asxaabtiisa inay qoonsadeen heshiiska,Hooyadeen Umusalama ayuu u bandhigay qoonsigii uu kala kulmay asxaabtiisa. Talada iyo xikmada waa loo kala dhashaaye markiiba waxay bilawday inay ka fakarto sidii ay xal ugu keeni lahayd, waayo waa lataliye wanaagsan laguna aaminay talada, waxayse talo ku bixisay inuu rasuulku u bilaabo Xiirashada gawracona dabxigiisa (neefkaagana qasho), taladeedii ayuu qaatay kolkaas ayuu ku dhaqaaqay inuu fuliyo taladii hooyadeen Umu salama. Kolkay arkeen rasuulkii Alle oo xiiranaya gawraciisiina sa maynaya kolkaas ayay iyaguna bileebeen xiirasho iyo inay wax gawracaan.
Gabdhaha cilmiga leh islaamka miyaa ku horeeyay mise 8da marso?.
Aynu sooqaadano hal qiso oo kamid ah gabdhihii aabe yaashood cilmaga bareen kuna xeel dheeraaday qaybaha kala duwan ee cilmiga. Sida Fiqhiga, Tafsiirka, Xadiiska iyo Adabka oo gabayadu lasocdaan. Haddaba waxaa kamid ahayd gabdhahaasi Faaduma Bintu Sheekh Calaa’idiin Alsamarqandi, Faaduma waxay ku barbaarrtay guri uu ka qodan yahay ceel cilmi ah, qofkii ka cabbaana harraad danbe looga baqayn. Faaduma waxay noqotay qof harraadan oo harraad boggay, waxaa dhacay in cilmiga laga qaato oo loo soo xerraysi tago.(6) Waqti gaas waxaa laga joogaa Boqolaal sano 8da marso ma ay jirrin.
Waxaynu kusoo gunaanadaynaa Qormadaan Tix gabay ah oo uu tiriyay Cismaan Yuusuf (7)Keenadiid. Waqtiga uu tirriyay na ay ahayd waqti markii ay dumarku bilaabeen inay guryaha kasoo baxaan oo ay ka qayb qaataan shaqooyinkii raga. Leegadiina kamid noqdaan, tixda laba dummar ah oo isu halqabsanaya ayuu ka dhigay. Laakiin inagau waxay soo qaadanay middi iyadu Dhaqankii iyo Diintii qoonsanin.
Xirgi midaan lahayn baatay xaliimooye
Xijaab li’ida kaa muuqataad kaxadi yaysaaye
Xornimada waxaad mooday waa xil iyo ceebaale
Xaaraani waa’inaad ajnabi u xaragootaaye
Xadiiskiyo Qar’aanka inafary inaan xishoonaaye
Malaha xaal gadaal kood dhashay yaad xaq u taqaaniine
Xaashida muraad laguwato iyo xeeladaa jira’e
Xikma Dawladeed iyo Cilmiga maxajinaysaane
Xiskuna ma ogolaan karo inaad xaakin noqotaane
Xanaanadan gurigaan u ahay xero islaameede
Xaasnimo madiidani hadaad igu xifaalayne
Xarin aan toshaa iigaroon niman xafiiskoode
Xaraar kuma gashaan iyo colaad ama xadaafiire
Xarbi waydaanba u helayn xoog iyo itaale
Xirfa aan tiin ahayn waa waxaad laxurma beesheene
Raga waxaa xaraarada ku kicin xabadka naaska’e
Xubin weeye barakaysan oo xiiso looqabo’e
Hadaan laga xafidin waa niyadu inay xumaataaye
Saad uxad gudbaysaan waa nagu xanuunwayne
Xeerkaan lahayn iyo sharciga hayska xoorina’e
Hadiikale xaqiiqsada inaan xaniyaraanaynin.
waxaynu kasoo xiganay kutubta hoos kuqoran, tirada qoraalka ku dhexjiraana waxay tilmaami doonaan qaybta hoose ee qoraalka inaad karaadiso xigashada.
Geedka dhamasa hoostiisa
Jaabir Huseen Gacayte. Email, Yaaribi-janah@hotmail.com , Fb, Jaber Gaeyte
———————-
1- Sura Alcimraan ( Tafsiirka Qur’aanka waxaan kasoo qaatay websida Tanzil.com)
2- Sura Altaxriim
3- Sura Alcimraan
4- ??????: ?????? ???????
5- ?????? ???? – ??????: ??? ??? ????????? – ??????: ??????? – ?????? ?? ?????: 4/459
6-Muxaadaro lagu magcaabo (Haweenta Dhowrsan Sh Maxamed Idiris) youtube.com
7-http://www.voanews.com/somali/news/Dhaqanka-iyo-HiddahaAragtida-Guusha-Haweenkii-Gobanimo-Doonka–Q-99aad-
W/Q: jaberti Gacayte




masha allah jabar walal waxan aad oola dhacay qoraalkan waxana layabnaa ama is waydiinaye yaa umaqan diintena iyo dumarkena galada hoganka uheeso lakin wali rag diinta difacayo ama xaqa utaagan inay jogaanaan aad iyo aad ugu farxay allaxmdullah!sax saa sheegtay islamka melay oga jirto quraan ama xadiis majirto 8mars taas waa dhaqnkii iyo diinti oo laga tagay aa keentay islamka dumarka waay kusharftay lakin dumarkii ismaay sharfin su allah ba usharafay maantay hadii lagu dayan lahaa gabdhahii allah quraanka kushegay way libani lahayen dumarkena waxase saqaad u ahaan lahayen gabdhaha hada sokacyo lakin talo fara way kabxday gabdhihina hoyooyinkii firsanayan gabar kastan waxay hoyaded samesay ay samene maxa yelay waxay somali kumahmahday gabdhii hoyadeed badarka tumi jirtay ayadan haadintay taqan waxan ola jedaa hadaysan dumarka 8mars katobad keenin ama ay jaan goonin kuwa sokacayo ay samenyaan allah kacbsada oo dintina kudhagnada aduun iyo aaqiro waa libanesan allah1! waxay iga xumaday yesanigaiga xumaan waxan kagubtay 8mars aan dhaqan iyo sal ulahen ama diin aheen cafis walalyaal asc
Mash alaah Jazakalaahu khayran jabarti huseyn akhuunal xabiib waa maqaaal aad u qurux badan runtii…. maalin waxaan aqriyey naag qoraa ah oo reer usa ….haweentaa qoraaga ah waxey aragtey naskaan oo nabigu yiri scw… “Yuusan Ninka Muslimka Ahi Wax Caro Ama Naceyb Ah U Qaadin Haweyneyda Muslimka Ah, Waayo Wax Haduu Qoonsado ” Naco Ama Dhibsado” Waxa Laga Yabaa Wax Kaloo Wanaagsan Inuu Ka Helo” haweentaa reer usa oo galadi ahi waxey ad u ladhacdey naskaan…. waayo waxey diin ka cadaalad badan ma arag tan islaamka waayo waxey dhahdey gabadhi marna yaan la dhayalsan….. waayo diimaha kale gabadha waxey ku xuntahay waa ay qeexan laakin dinta islaamka waxey dhahdey gabadhu hadey meel ku xuntahay meelka kale oo ay kaa qancin baad jirto… dhinacey doonto ha ahaado……. marka hablihi westernka u dhashey oo gaaled baa taa aminsan, hablaheena akhriska waa laga horeeya malaha… rabi hano xifdiyeeh
Ugu horayn waxaan aad & aad ugu mahadcelinayaa qoraha maqaalkan Jaabir Xuseen Gaacayte oo runtii wax badan iftiimiyey waxaana ku boorinayaa inuusan faraha kala bixin qoraalka uu had & jeer u soo badhigayo umadiisa uguna faa’iidaynayo anigoo ogsoon wakhtiga & maskaxda uu ku bixiyo.
Hadaan ku so noqdo mawduuca laga hadlay ee 8 March runtii waa wax aad looga xumaado aana meelna ka soo gelin diinteena & dhaqankeena suuban waxaana ugu baaqayaa hooyooyinka soomaaliyeed ee islaamka ah in aysan raacin jid ay jeexeen gaalo ayna ku ekaadaan Diinteena Islaamku xuquuqda ay u jideysay oo aan waxba ka maqneen.
Mahadsanidiin.
Salaan. maasha allaah walaale runtii waa loo baahnaa maqaalkan oo kale dumarka waa inay akhristaan xaqana raacaan jizaakalaah walaale
War orod oo isku mashquuli inaad baratit xirfad aad isku masruutit, waa iga talo,!!