Jaaliyadda Puntland ee Cumaan oo dhaqaalle ugu deeqay dhismaha maxkamadda Carmo
September 1, 2012 // Warar SomaaliJaaliyadda Puntland ee dagan wadanka Cumaan ayaa deeq lacageed soo gaarsiiyay maamulka degmada Carmo ee gobolka Bari.
Lacagta oo cadadeedu gaaraysay $4100 (Afar kun iyo hal boqol) oo doolar ayaa lasoo gaarsiiyay gudoomiyaha degmada Carmo ee gobolka Bari Eng. Ibraahim Shirre Maxamed.
Waxaa uu sheegay gudoomiyaha lacagtan inay ka qaybqaadan doonto dhismaha maxkamad la doonayo in laga hirgaliyo degmada Carmo ee gobolka Bari.
Isagoo intaasi raaciyay dhismaha maxkamadda inay bilaaban doonto dhowaan, mar aanu gudoomiyaha waydiinay lacagtan oo cadad ahaan aad uga yar marka loo fiiriyo dhismaha maxkamadda cusub ee la hirgalinaayo inay ku guulaysan karaan hirgalinta maxkamadda ayuu ku jawaabay lacagtu inay ku qabanayaan inta ay gaarsiiso dhismaha maxkamadda, isagoo xusay inay rajaynayaan jaaliyadaha kalle ee dibadda inay ka qaybqaadan doonaan dhankooda horumarinta deegaanka.
Maamulka degmada Carmo ee deeqda lacageed lasoo gaarsiiyay ayaa dhowaan daabacay buug ku saabsan baahiyaha deegmada Carmo ka jirta iyo qorshiha uu ka damacsanyahay daboolidda baahiyaha deegaanka ka jirta.
Buugga oo ka koobnaa 10-qodob ayaa waxaa ugu muhiimsanaa wax ka qabashada baahiyaha caafimaad ee deegaanka, amaanka iyo korontada magaalada.
Eng. Ibraahim Shire Maxamed Gudoomiyaha degmada Carmo ayaa xusay iyagoo kaashanaya dadka deegaanka inay rajaynayaan inay ku guulaystaan wax ka qabashada baahiyaha deegaanka ka jirta.
Waxaa uu ugu baaqay jaaliyadaha deegaanka iyo dadka wadanka gudihiisa jooga inay ka qayqaabtaan horumarinta deegaanka.
Eng. Ibraahim Shire Maxkamad ayaa dhinaca kalle codsi u jeediyay dowladda Puntland, taasi oo la xiriirta in dib loo furo maxkamadii degmada oo dowladda Puntland ay urartay magaalada Bosaaso.
Waxaa uu sheegay maxkamadda Carmo oo shaqaysa inay qayb wayn ka qaadan doonto cadaaladda iyo horumarinta amaanka degmada, dadkuna ay siwayn usoo dhoweynayaan.
Puntland-News24
Xafiiska Boosaso.


