Jaaliyadda reer Puntland ee Uganda oo ka digtay Kororsi xukumadda Faroole

December 8, 2012   //   Warar Somaali

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha jaaliyadda Puntland ee Uganda ayaa lagu shaaciyey in baaq nabad loo dirayo Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Faroole kaasi oo ku dhawaaqay in uu mudada xafiiska uu joogayo kororsi ku darsaday.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Uganda Dr.Cabdiraxman Xuseen ayaa ugu baaqay xukumadda Puntland in ay ilaaliso amniga dalka isla markaana ay ka hortagto wax walba oo amniga khal khal gelin kara, iyagga oo dhowraya wakhtiga doorshadda ee 8-Jan-2013.

Madaxweynaha ayaa loogu baaqay in uu ogaado in haatan aysan Puntland u baahneyn iska horimaad ee ay rabto in uu tixgeliyo nidaamkii lagu heshiiyey oo ahaa in uu xilka hayo mudo 4 sanno ah isla markaana looga baahan yahay in uu qabto doorshooyin wakhtigooda dhaca.

Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa loogu baaqay Isimadda iyo shacabka Puntland in ay meel uga soo wada jeestaan sidii loo ilaalin lahaa jiritaanka Puntland, isla markaana looga fogaan lahaa wax walba oo amni xumo keeni kara.

Kooxaha Mucaaradka ah ee ku sugan gudaha iyo dibadda ee Puntland u dhashay ayaa iyaggana waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in ay xaq u leeyihiin in ay dhowraan amniga dalka illa inta laga gaarayo wakhtiga Madaxweynaha iyo xukumadiisa ugu eg tahay ee Jan 2013.

Dhanka kale waxaa loogu baaqay xildhibaanadda wakhtiga ka dhammaaday in ay xoojiyaan sidii ay u cadeyn lahaayeen in beelaha ay soo xushaan dadkii u matali lahaa xildhibaanadda golaha wakiiladda ee Puntland.

Jaaliyadda Puntland ee Uganda ayaa sidoo kale muujisay in ay soo dhaweynayaan Musharaxiinta Kala ah Gen. Cabdilaahi Siciid Samtar iyo Prof. Cabdiraxman Sheikh Xasan Gablax geesinimadda ay muujiyeen oo ah in ay gaareen gudaha Puntland, iyagga oo ka codsaday in ay xoojiyaan Amniga magaalooyinka Bosaso iyo Galkacyo oo ah laba meel ee ugu muhiimsan dalka.

Dr. Cabdiraxman Xuseen Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Uganda ayaa isaga waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Puntland xilligan aysan diyaar u noqon Karin in ay u gudubto xilligan Doorshooyin axsaabta iyadda oo la og yahay in uu weli dalka ka jiro dhowrid la’aan sharciga oo Madaxweynahii dalka uu ku tumanayo sharcigii Puntland wada dhigtay.

Madaxweynaha ayaa loogu baaqay in uusan meel cidla ah oo madow uusan ku socon oo kooxo yar oo danno leh aysan meel khatar ah hadhow kaga tagin ee uu maqlo taladda dadka leh asaaska Puntland iyo weliba sharafta reer Puntland

 Puntlandnews24

pdfuganda@gmail.com

COMMENTS

RSSComments (4)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Siyaad says:

    Asc dhamaan akhyaarta halka ka dhiibtay fikirkooda runtii anu waxaan qabaa ragaan hada faroole la tartamaya inuu isagu dhaamo haday wax tar noqoto in kastoo aaan jeclaan lahaa in rag dhaama faroole isa soo sharaxaan lkn ma aysan dhicin marka intaan democrayada loo gudbiyo halooga samro halkaa sano wax wayn maahane

  2. laasqoray boy says:

    kkkkkkkkkk oday faroole dee waa iskaga darsanayaa hadda cid iska hor istaagi karta ma jirto sool puntland kama taliso markaa doorashada puntlandba lagama hadal hayo sanaag dadka waa mucaarid laakiin faroole u joojin maayo reer nugaal waa tolka oo xumaan iyo wanaagba waa ku raaceen fardhiiqle reer barina waa iska maslaxay oo mashaariic buu u balanqaaday markaa oday faroole waa ku darsanayaa cid ka celin kartana ma jirto doorashada natiijadeedana waxaay noqnaysaa waaba hadii doorasho dhacdo eh xisbiga hantiwadaaga faroole oo ku guulaaystay cod aqlabiyad leh 100kiiba boqol kkkkkkkkkkkkkk

  3. scw dadka hadalka Aan macnaha lahayn wada waxan leeyahay hays daalinina

  4. said says:

    waxan u sheegayaa dadkan wakhtiga iska lumiyaay faroole waa ku darsanyaa one year cidna wax laga waydiin mayo

Leave a Reply