Jamciyadda Khayriga ee Al-Ixsaan oo magaalada Bosaso ku qabatay kulan Ciidda lagu waynaynayo

October 30, 2012   //   Warar Somaali


Jimciyadda Khayriga ah ee Al-Ixsaan oo ka shaqeeysa u gargaaridda bulshada dhibaataysan ayaa ku qabatay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari munaasabad balaaran oo lagu waynaynayo ciidda barakaysan ee Ciidul Al-Adxaa.

Munaasabadda oo lagu qabtay hotelka Jubba ee magaalada Bosaso ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta jimciyadda, culimaa’udiin iyo maamulka gobolka iyo degmada Bosaso.

Intii ay socotay munaasbadda ciidda lagu waynaynayay ayaa waxaa hadalo jeediyey masuuliyiintii ka qaybgashay kulanka oo dhamaantood ku dheeraaday ka hadalka faa’iidada ay ciidaha muslimiintu leeyihiin iyo waajibaadka dadka islaamka ka saaran inay isku kaalmeeyaan khayrka iyo farxadda ciidda.

Sheekh Cabdixaafid Cali Yuusuf oo ka mid ah mashaa’qida waawayn ee Puntland ahna madaxa jimciyadda Al-Ixsaan oo ka hadlay xafladda ayaa ugu horayntii u hambalyeeyay dadka muslimiinta meelkasta oo ay ku suganyihiin.

Waxaa uu sidoo kalle soo qaaday sida bulshada loogu baahanyahay inay iskaalmaystaan oo ay ciid waliba ka shaqeeyaan in lacago loo aruuriyo carruurta danyarta si shacabka oo dhan ay uga wada qaybqaataan farxadda Ciida baraysan ee Ciidul Adxa.

Jimciyadda Al-Ixasaan ayaa ka mid ahayd hay’adihii wax ku oolka ahaa ee sida wayn uga qaybqaatay abaarihii sanadkii 2011 ku dhufatay gobolada Puntland iyo koonfurta dalka Soomaaliya.

Puntland-News24
Bosaso.

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply