Juuriloow ka Joog Jagadaas Nooma Qalantee [Maqaal]
August 24, 2012 // Announcement, Opinion, Warar SomaaliWaxaa beryahan isoo gaartay akhbaar si weyn u saameysay niyadeyda qof ahaaneed, waxay igu noqotay lama filaan markii Prof. Abdiraaq Juurile aan maqlay inuu damac iyo hunguri kahayo qabashada afhayeenka Baarlamaanka dowlada cusub ee dhalan doonta todobaadyada nagu soo fool leh.
Inkastoo Prof. Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Xasan (Juurille) yahay muwaadin dhab ah wax badan ka qabtay arrimaha Somalia iyo Puntland waxaan kaga hanweynaan lahaa inuu isku tijaabiiyo xilka madaxtinimada Soomaliweyn oo aan laga xigin, halka uu ka damcay Gudoomiye Baarlamaan oo reer Puntland abidkood aysan calman.
Aragtidayda waxaan ku doorsan lahaa in xilkaas Prof. Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Xasan (Juurille) ku soo baxo, iyadoo aysan reer Puntland wax xil ah haba yaraatee ka qaban 4-ta sano ee soo socota oo ay banaanka ka joogaan, Soomalina ugu faataxeeyaan bal sidii ay wax u maamulan karaan sheedana laga eegto, eed la,aan.
Nin kamid noqday xildhibaanada cusub oo aan Muqdisho kala hadlay ayaan weydiiyey sababta Prof. Juurile isugu caleema saaray afhayeenimada Baarlamanka, mudanahaas ayaa iisheegay inuusan sababta garan karin xilli Dr. C/wali Gaas quud dareynayo madaxtinimada Somalia, laakiin wuxuu iisheegay in Prof. Juurile fikirkan kala soo hayaamay Puntland halkaas oo uu ka arrimiyo saaxiibiisa weyn Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
Qof ahaan baaritaan dheer oo aan sameeyey waxaan ku ogaaday in Madaxweynaha Puntland qorshaha iyo fikirka is-sharaxaada Prof. Juurile wax ka ogyahay, hadaanuba ahayn kan ka dambeeya.
Waxaa baaritaankaas aan ku ogaaday in Madaxweynaha Puntland uu taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba la garab joogsanayo Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Xasan (Juurille)
Anigu ma garan karo hiraalka iyo fikirka uu maanka ku hayo Madaxweynaha Puntland, marka uu afhayeen baarlamaan la doon-doonayo Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Xasan (Juurille) hase yeeshee waxaan u qaatay ama ayba u badan tahay in Faroole uusan marnaba raali ka ahayn qof aan isaga ahayn oo ka soo jeeda Puntland in uu madaxweyne dalka ka noqdo.
Afartii sano ee uu C/raxmaan Faroole daadihinayey mamulka Puntland waxaan ka baranay ayaa waxaa kamida inuu yahay siyaasi aad u faan jecel, wax kastana isaga isku hibeeya, waxaa kaloo taas ka daran ma ahan nin jecel inuu arko qof kasoo jeeda Puntland oo siyaasada kula loolami kara.
Ugu dambayntii waxaan Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Xasan (Juurille) talo ahaan ugu soo jeedin lahaa dhowr arrimood inuu ila qaato isagoo maanka ku haya mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo sumcadiisa qofnimo.
1- Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Xasan (Juurille) adigoo xushmeynaya, qiima sarena u yeelaya waa inaad sida ugu dhakhsaha badan uga tanaasushaa kursigan afhayeenka baarlamaanka maxaa yeelay nooma cuntamo, xaqna uma lihin.
2- Gudida 5ta xubnood ee uu Dr. Gaas u xilsaaray inay kula hadlaan, kaana dhaadhiciyaan inaad taageero iyo wadashaqayn u muujiso musharax Dr. Gaas ama musharxiinta kale ee reer Puntland sida Al-Xaaji Maxamed Yaasin inaad taladooda qadariso.
3- Waxaan kugula talin lahaa mudane inaad ka fiirsato go,aanka aad qaadatay adigoo tixgelinaya siyaasiyiinta kale ee mudada dheer isu soo diyaarinayey inay hantaan talada dalka.
4- Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Xasan (Juurille) waxaan kuu sheegi lahaa inaad hadii aad ku guuleysato kursigan ama weydo inaad siyaasiyiinta reer Puntland ee sharaxan aad ka hiilisay, ulana mid tahay kuwa ay rival- ka yihiin, sidaa daraadeed isku day inaad si miyir-qab leh uga fekerto kama dambaysta Go,aankaaga.
ALLAA MAHAD LEH
Abdirashid Kh. Cilmi



Wad salamantihin dhaman dhalinta reer puntland koley nin walbo jago puntland ka qabato dowlada cusub wa mid hil iyo ho an la garab taganahay nin xun waligis puntland kama dhalan mana sugeno wana quruxda somaliya hoganka puntland tariikh dherna ku leh wadanka somaliya iney wax xukumana ku can bexe waxan ka sugna wa dowlada cusub ki xukumi laha kuna so celin laha nabad iyo kala danben dadka mesha ka hadlayo o iska dhigayo dhalinta puntland la soco aniga u doqon san puntland saas ayu rayigega yahay sxb wa la idin xukumi awowge hadu awowga xukumi jire abehena abaha xukumi jire maxa ku dide inan adi ku xukumo doqon yohow somali puntland wax laga weydina lagana weydin jire sxb good by ilove puntland
kooshin ha danbaabin qof adaan aqoonin danbi ha ka qalin hana isku masquulinin nin aad hawada magaciisa ka maqashay adiga cadeyn in uu juurile ka danbeyey arintaas taariiqde baan aqriya
somaali maryooley iyo nacnacdee ayaan taas u arka fadlan la imoow cadeymoo aan ahey la yiri la yiri waxaan u maleyna in aad tahay shaqsi sumaysan uma da nabi maxamed kala bax farha taada meel saar horta
waxa aan aad u tageersanahay go aanka prof : juurile waxa sabab u ah markii lawaayey xaqa beelaha darood ee dowladadihii la dhisaayey .
oo darood uu noqday maxamuud saleeban oo keliya ,taas waxa markhaati ka goaankii ay dowlada puntland kaqaadatay markii raysalwasaare laga dhigay FARMAAJO .
taas ayaa cadaynaysa in maxamuud saleeban ay darood kala gonayaan .
juurole waxa leeyahay GUUL ,GUUL ,GUUL
waana ku tageersanahay hadanunay reer bari .
walaalo waxa aad uga xumahay in darood uu ku mashquulo jafooyinka yaryarka ah ee aan u qalmin samacada bulshada reer puntland
waxa ugu baaqaynaa belaaha axmed harti iyo siciid harti in ay katanaasulaahan cadka quureed .
waxa maqaal nagu soo kaarayn in ay ku xumaynayaa jifi katirsan majeerteen .
waxa leeyahay xumaanta jifida iyo xumaanta daarood tee baa wayn walaalo .
asc dhamantin qofkaste ha isku dayo asagon cid iyo qabil midna wax xun unasbayn inuu afkaartisa si hufan u dhiibto intaas kadib @prof jurile / waa nin matala p/and ana ku kalsoonahay waana ninka runta marka laga hadlo somali maantay ugu siyaasada fog maahan nin meel dhow wax ka arka faroolaha aad shegeysan asagaa caqli iyo indho u ah faroole jurile iyo ilkajiir la aantod tilaabo ma qaado waad aragtan safar kaste iyo meelkaste oo uu aado waa la socdan marka meesha film aad u dheer baa la ciyaarayaaye daawada aamuskana u badiya jurile waa ka han weyn yahay g.barlaman lakin meesha macnuhu maahan saad mooden ee cagta u dhiga intaas adan uga gudbo @halyey mudug . Sxb cidaad tahay sheego faroole pl asagaa xukuma marka anaa rer mudug ah oo waliba glkio ah waxan farooole yerina laga akhriyimaayo sxb runti gaas waa nin jilicsan xaniiyaha farooluna intaa ku joogay marka asagaan ahayn nin adag waayo haduu nin adag yahay shaqadisa ma lagu fara galiyen pl gaas wax uma qaban hadad isledahay gaas baa garoowe 2 iyo 1: sabab u ahaa maahan macnuhu saas ee waiilk codkisa nina siin dr; faroole lakin faroole balaayo waxuu ku dhigay tooshkisa koonfur un buu kujeeda kaiya lakin hada hha u jeediyo dhanka sediyadi oo aa
Marka hore waxan salamaya shaqalah p.news24 runti waxan oran kara wa wax la sugayay dhibkana waxaa kenay dad an garanayn walalnimada, wax wada qabsiga iyo in reerba reerka kale wax ku yahay lkn walaalaheen m. Saleeban aqligoodi wuxu noqda aniga aniga aniga lkn manta taas wa dhamata jurilena waxan leyah hadi ad dhanta faroole iyo dhanta reerkisa wado wad ceebawde lkn hadi ad sida galayr ad faroole mucarad ku tahay iyo danta m. Saleeban adi iyo galayr wad isimantihine allah ha ku guleyo ki somali weyn dan u ah magaca darood, magaca harti iyo kan mj waxa hoos u dhigay dadka aqligoodi noqday aniga aniga aniga reer walba iyo qofkasta hashaqatago xata waxan lashaqaynayna galmudug puntlandnews24 plz comentigayga qadariya i prd of u
Shaxdan meesha ka socota puntland ba ciyaartay waana mid looga hortagayo cadowga puntland waana taageersanhy juurile hadaanu nahay pun.pple ninka qoraaga ah waxan leeyahay siyaasada fahan wrya.
Prf. Jurile waa siyasi xaq buna u leyahay in u isa sharaxo. Kumuna ceebaysna. Lkn godobta faroole galay o ah in u ina cali gaas dhabarka ka qanino. Sharif sakina u campayngareyo. Waa mahadho. Iyo tarikh qorantay. Wa xaajo uguba. In eeley manta farole iyo saldanada ciise maxamud. Uga hiiliyen. Ina cali gaas. Lkn adhi lalaayo adhi lalaayu leyahay. Waa in ina cali gaas iyo beshisu ku dhaqaaqan tilaboyinkan . 1. In ay xulufo la samaystan cid kasto o cadow ku ah afkarta guracan farole. Sida in ay u ololeyan prf. Cali khalif galayr. In u guulaysto 2..in ay tageran. Sharif. Ahmed. Si ugu gulaysto.3. In farole laga so horjensado in 4ta bilod markay u dhatmato. U malin ku darsado lana tagero musharax kasto u tagan arintas. Sida. Gen.samatar hadu isku dayo in kudarsadana. Kacdon loga turo xata haday ku baxdo wax kasto qali ah. Dhigba ha noqote. 4. In khaatumo la sodhaysto. Laguna tagero siday malayshiyada farole uga saran lahayen tukaraq. Lona fidiyo tagero maliyaded mid siyasaded. Madaxdodana lo fasaxo in ay airpotka galkio adegsadan. Farole wa cadowga qudha e umada rer puntland mana urabo nin an asaga ahayn in umadaxa kor uqado. Magalo an garowe ahayna nabad horumar garto.
laba mid ayaan ukala qaadayaa 1-ninka qoraalka cadifada yaree qabiilka salka kuhaysa soo qoray iyo 2- dadka comantiga kabixiyay mid taageersan iyo mid kasoo horjeeda hordhac waxaan uga dhigayaa Qiso bosaso kadhacday ceelka biya kulule layiraahdo 1961 dawladii aadan cade madaxweynaha ka,ahaa ayaa wasaarada hidaha iyo dhaqanka somaliya waxay baabuur landrover lasoosiiyay fanaanada caasha cabdoo maliika oo markaa lugaha xanuunka romatisanka kaga dhacay si,ceelka biya kulule loogu daweeyo rag iyo dumar shaqaale ahna wey lasocdeen gabar aad u,hilboon oo cayilana wey ahayd oon fadhiga ka kici karin markii ceelkii biya kulule lakeenay oo baabuurkii gadaal laga furay oo lasoo dajinaya ayaa oday shire bacaad la oran jiray ala hawnaxariistee oo nin kaftan badan ahaa ceelkana masuul ka,ahaa dadkana kusoo dhoweyn jiray ayaa kamid ahaa ragii wax kasoo dajinay fanaanada markaasuu halkaa bawda soo qatay ninkale ayaa isna lasoo qabtay isagoo leh odayga caawi markaasuu inta sii daayay ayuu il iyo birteedba qaaday dhabanaano aad.uxoogbadan ninkii ku dhuftay ninkii baa inta naxay anfariiray kuyiri adeer adilee kucaawinaayay maxaad iidilee nooh oday shire malaha waaba qaracan wuxuu ugu jawaabay (habarta intaa leeg bowdadaas baa igagasoo aaday nacas yohow habarta meel ka qabso) isagoo ula jeedkiisu ahaa islaantu inaguwada filan abdirashiid sh.cilmi ina adeer dawlad nimadu inagau wada filan inakana badan isbedelkuna waa horumarka qayb kamida jurile dabayli dhankiisa kaaga imaan mayso maxaa kaliita sadex r/wasaare oo niman darooda 3sano gudahood lagu bedelo oo lagu bahdilo aniga aragtidayda G/barlamaan waa meesha kaliya aynu ku badbaadi karno arimaheena ka fushan karno dalkana aynu ku,maamuli karno raali halayga ahaado hadalka waan kudheeraaday dadka comantiga waan idinsoo dhoweynayaa dhamaantiin caqliga halaga koro wixii maslaxada puntland waa inaynu taageernaa mansab sharciyan haday noqotana golaha sharcidejinta ayaa ugu sareeya waana baarlamaanka
qofku muwadinka ee somaliga xaq bu uleyhey in uu isa so sharaxao fikerka an laybey ba waxa uu yahey juurilow utanasul alxaji maxamad yasin iyo gaas wax laga xishodo aa jira alxaji maxmad yasin qabil cisman mamaxamuda ayu ka so jeda jurile wa nin dishishe ah se ugu tanasula marka ma idinka uhaya dishishe talada tasi wa caqli xumo bahsan oo eysan ka fekerin marki ey waxan mesha so dhob shobayeen tan kale gaas marki jurile rasiul wasaraha lo wadey shiikhshariif ayu dabada ka rixayey oolaha aniga iaga dhig jurile ha ka dhigan kana hos qadey se hada ugu tanasula gaas markaba isaga ayu ka dhaba shaqeynayey kkkkkkk waa arin fajaca dhadka mesha wax kuso qorey iyo waxa ey k wadan dhanka ka kale baroortigu orgiga ka weyn juurile isaga iyo madaxweyne faroole waa isku qadiyada qadiyada guud ey watana wa in mesha usan imaan galeyr lkn waay galeyr ba wa isa so sharaxey qolidinan webkan qora aad uga hadli weydeen galeyr waayo galeyr iyo jurile wa 2nin oo idiin siman so ma ahan markad maqashan dishishe ba wax noqonaya in ey idin noqoto waa idiin bareyey war waxas iska ilawa shekada walagbaxey alxaji maxad yasin kena ama alfatuud kena masoconayan waxasi wadna arki dontan tan somliyan farole iyo juurile ba isbaro idin diganaya tan puntland na mar hore ba isbaro leydin ka dhigtey magaicina ey ba cuneykkkkkkkkk
cuqdada iyo xasadka hala daayo , maxamud saleebaan jagooyinka daarood malahan hadiise ay dadka mansabkooda ayagu ku talax tageen ayagana hala duudsiiyo siyaasadooda caadifadeed,
juurile iyo galayr iyo dadka kaleba waxan leeyahay nin waliba cesaantii ceel geeye idina meeshii idiin banaan wadaanta ka darsada , maahan in lagu calaacalo anaga ayaa rabna madaxweyne ama raisal wasaree hanalo daayo , kkkkkkkkkkkkkkkk GIIROOY DABADAY GIGLE AYAA MUQATA
Anigu wqxan leeyahay daarood hankiisu waa kor ama madaxweyne anigoon kala saarayn lakn maahan in nin daarood ah uu cad quureed raadsado waliba si cuqdadi ku dheehantahay ama cid shisheeye daba dhilif u ah ,
hadii juurile ama galayr helo puntland way tashan labada nina ma matalaan puntland kamana tirsana waa beelaha shanaad ee laga tirada badanyahay
Prof Juurile, Waxaan lee yahay Guuleyso sida Gash, sheegey weeye meeshan waa in la keenaa nin Culus oo aan la qarin, Ragii meesha inoo yimid marka laga reebo Cumar Cabdirishiid, waxa la gashtay Jeebka. Cumar Cabdirishiid,ayaa laga helay 9,Qodob ee Puntland maanta ku faanta, Juurile ragii arinkaas ka shaqeeyay buu ahaa,marka eynu taageerno Juurile, Hadii kale Galydh baa imanaya lol Gaas waxaan lee yahay Mahadsanid balse kama soo bixi kartid Shaqadan, waayo Mogadishu bahalnimo ayaa taal iyo Libaaxyo, marka waxaan meesha u direynaa Libaax Juurile.Punt24 fadlan fasaxa Qoraalkan oo noqda warbaahinta baahisa codka shacabka. Thanks
Prof Juurile waa ku saxan yahay inuu is-sharaxo, waxaana u sabab ah Ali Khaliif oo sharaxan iyo Abdiwali Gaas, oo aan oran karo waxa uu noqon waayay Raisal-Wasaare Adag, maanta waan aragnaa Koonfur waxa ka socda waxa ey ila tahay Juurile inuu yahay Shakhsi ku haboon aadna u yaqaan reer Koonfur. Dadka Juurile diidan caadifada joojiya meesha xisaab baa socota ninkii xisaabta ka bixi kara ee yaqaan shaxdeeda ayaa ku haboon. Pun24 Koley fasixi meysaan qoraalkeyga balse waxaan lee yahay Viva Juurile.
Fadlan ha la iga gaarsiiyo in haddii uu ku guulaysan waayo jagada barlamaanka inuu isu soo taago madaxweynaha Puntland!!, waayo waxaa xaq uleh markaan dishiishle, cali saleebaan, ugaar saleebaan, imaaciil saleebaan iyo dadka faraha badan ee deegaanka deggan, warsangeli iyo dhulbahante ogaadana sidaas ayaa caddaaladdu ku jirtaa maxamuud saleebaan ha isku xishoodeen.
NINKA MAQAALKA QORAY, waa nin siyaasada Somalia fahamsaneyn, oo wax badan ay u dhimantahay
Ama waa nin cudur qabiil qaba, oo isleh Cabdiweli Gaas amuu waayo xukun.
Waxaan kuu sheegayaa cadwoga 1aad ee Puntland maanta Cali Khalif Galeyr, Garaad Jamaac Binti iyo kuwa fadhiya Xamar ee ku caasiyey Puntland
Si looga hortaga xaasidka Cali Khaliif waa in laga horkeeno nin jagadaas isu sharxa, oo tartankiisa ciriir geliya amaba kaga adkaado
Madaxweyne Faroole iyo dowladaa Puntland waa ka saxantahay in ay taageerto Prof. Cabdirisaaq Jurile si looga hortago cadowga Puntland. Ujeedadu waa in Cali Khaliif uusan booskaas helin, si loo badbaadiyo Puntland.
Marka Puntland waa in ay qaado talaabo kasta oo ay uga hortegi karto Cali Khaliif,wax kasta ha qaadato. Sida ugu fiican ee loo joojin karo in la keeno musharax kale sida Jurile iyo Xasan Abshir, si xildhibaanadiisa loo kala firdhiyo, oo uu cod yar u helo
Laakiin ma sheekada maanta “nooma qalmo” booskaas, taas waa laga soo gudbay ee faham siyaasada ninka qoray maqaalka, ama iska dhaaf waxaad qoreyso
Waar Galeyr sow maaáhaa Kii La Baxsaday Lacagtii Warshada Mareereey ? Juriile Sow Maaáhan Kii La shaqeysanayay Ali Mahdi (Abgaal) ee Lagu Eedeeyey Dowladiisa in ay SUN KU SHUBEEN SOMALIA. Masaakiin aa tihiin dhamaantiin Somali Hurudoow Ma Na Xisaabtantaan.
Badankiin waxaad Joogtaan Europe, ama USA, sida ay Siyaasiyiinta Reer Galbeed-ka aad la joogtaan u ilaaliyaan Dalkooda iyo Sumcadooda maad ka barataan ? Bal ka waran hadii uu Madaxweyne reer Galbeed ah sun ku aaso dalkiisa, markaas Xabsi ayaa la dhigi lahaa, Sharaxaad uu isku soo taago Madaxweyne Daaye. Ama Madaxweyne Europe ah hadii uu la baxsado Lacag Hantida Dalka ah, Xabsi ayaa la dhigi Lahaa, Taariikhdiisa ayaa la soo fagi lahaa, oo shacabka loo soo bandhigi lahaa. WAAR ORDA OO XISAABTAMA, QABIILKA AA NINKA KU TAAGEEREEYSAN ISKA DAAYA, OO QOFKA SOO AKHRIYA TAARIIKHDIISA
La yaab ma laha,in dadka badankiis,oo ra’yigoodo noqdo mid,qabyaalad salka ku haysa,oo weliba meel xun maraysa.Dugsi ma leh qabyaalade waxay dumiso mooyaane,,waxay ka mid ahayd tix aan ka soo qaatay gabayaagii wadaniga ahaa,tima cade.
Mudane Cabdirisaaq Cusman Xassan,Juriile,un baa xaq u leh,in uu iso taago,jagada af hahaynka baarlamanka la soo magacaabo.
waxay ilatahay,qoraaga faaladatan,iyo kuwo badan,ay rabaan in ay hor istaagaan,xaqa qof waliba u leeyahay in uu isa soo sharaxo.
nidaamka qabyaalada ku dhisan ee siyaasada dalka lago maamulayo,waxa uu majaxaabinayaa,wax walba uu ku dhisan,sharci iyo cadaalad iyo sinaan,waxa uu horseedayaa,kala sooc iyo qabiil isgo faan,iyo in kuwo aaminsan,mabda qabyaalada ay dadka u horseedaan,baaba’ iyo horumar la’aan.shaki kuma jiro,in nidaamkii aasaas looga dhigo,hab beeleed usan,guulaysanayn.
ugo danbayn,bal aano dhowro,wixii ka soo baxa,tartanka musharixiinta,walow cid kasta oo ku guulaysata,ay horyaalaan,dal baaba’ay iyo shacab qabyaalado u tahay,waxa kaliya oo ay fahmikaraan.
aniga waxan dhihi lahaa jurile waa ku sax sanyahay go.aanka uu qaatay majeerteen oo markasta leh cadow kucunaya ama ku ciideeyay waa in siyaasada lala bartaa sanadkan maaha sanidkii majeerteen ee waa sanadkii siyaasada majeerteen fashilantay
ilaahow caqliga ayaan kula magan galay hada dadka hadlaya waa niman waaweyn oo iyagu mansab doon ah war soomaaliya dan ay leedahay iyana ma rabto cidkalena u wadi mayso ee maxaa juurile laga rabaa hadii uu raysul barlamaan qaato nin waliba waxa uu arkaa xoolo xisaab la aana oo layska boobaayo oojawaano lagu cabaysanayo maragna waxaa ka ah waxa ay sharaaftu samaynayso bal yaa arkay oo looga sheekeeyey qofkii 100000 oo doolar baan ku gadanaynaa yaa leh lacagtaas hade waa tan qaramada midoobay sheeg sheegto marka juurile iyo raga kaleba waa saxan yihiin hadayan kaasna nadhaafin saanu hadaanu daarood nahay lacagtii wax kama boobine waxaana u arkaa inay yihiin halyeeyo reerkaan u kacay xiligaan waana mahadsan yihiin kuwa qaylinayana soo barta siyaasada oo lagu qiyaaso salaadba waqtigeeda ayaa latukadaa
Dabcan Eng Juurile waxa uu aad uga niyad jabay markii la iska hortaagay ina uu noqdo Raysal wasaare matalaya booska daarood.
sidaas darteed waa ina uu isku xisaabiyaa taladiisa iyo ololihiisa shakhsiyadeed cidna uusan u tanaasulin maadaama horay loo ciilay!!
dabcan juurile waa dadka laga tirada badanyahay sidaas darteed waxba kama xirna abgaal iyo majeerteen oo tartamaya
Waar Juriilow han yaridaa,siday kaa noqotay
1-Madaxweynha -Daarood
2-Ra,iisulwasaaraha -Digil iyo Mirifle
3-Ra,iisul Paarlamaan – Beesha 5-aad ama
fashilka siyaasdeed maxamud saleebaan baa ka masuul ah hadii lawaayo madaxweyne iygaan meel walba islarba anaga waxaan wadnaa eng axmad salaax oo ah nin haysta malaayiin doolar oo aan cidna baryeeyn mana hanyarin sida dhuloz ama dishiishe ooraba gudoomiye barlamaan hadaanahay cali saleebaan hankayagu waa mandeeq hanashdeeda ama anweno ama anhelno
War darood oodhan ha ka baxan dowlada iyo howlaheeda ama madaxweyne iyo r/w . r/p yaaney inta midna isu soo sharixin . sow wixii adeerkiin sameeyey oo kale idunkuna sameenmaysaan.Haweyana ha kaboxo.Dirrtuna ha kabaxaan. mesha ha loo daayo somalida aa dhehdeen Others or Alien what ever you call them.because intina kale waa is cunaysan again.
hadaano nahay boqortoyada daarood waxaano wadanaa dr gaas mana ogalnayno in dad aano biyaha kaga gudbi jirnay iyo dad askar noo ahaa in ay xilalkayga farha la soo galaan waano iska qabnaynaa inta aan qaban karno
Adeer kursiga madaxwenaha xaq besha hawiya uleh iyakana helayo isha llaah raisulwasarah. Wa darood. Marexaan or. Majerteen marka kan barlamankana digal iyo mirifle leh marka jagoyinka. Dalka sase u qebsantahay lasocdaa hadi kan barlamanka nin darood ah kugulesto raisul wasaraha waxa noqonayo nin digil iyo mirif ah taas ogadaaaa dadoo kansarka wada qaba alaha in cafiyo cudur hawiya inku dhacee kansarka iskaso daweyaa
haa wey jirta wana dhab in mudane farooleyahey garabka kaliya ama balka kaliya ee uu ku dhulayo juurile lkn suasha is weydinta mudan waxa weyeen wa maxey? cali khalif galeyr aya waxa wata hawiye oo dhon iyo dir qeybtood oo dhon waxana lo wata in mesha uu ka noqdho gudoimye barlamanka sa dartedna nin darooda isu so sharaxin madaxweynaha somaliaya marka hadi galeyr kuso baxo kursiga parlamanka oo la og yahey naceybka uu uqabao mudane faroole iyo paralamnka shiikhsharif oo lamid ahna noqdo madaxweyne maxa iman dhona so ma noqon dhonto ka dhar oo dhibga dhal dhad managab ah ba tihiin jurile kursi qabtey ba idinka madafac idinku habsadey idin ka dharan lkn waxa ka dhanbeya oo ad ogtihiin waad iska indho qarineysan masha laha guul MUDANE FAROOLE VIV JUURILE nolada an leyhey yan lojojin dhadka naceybku dilodey mel ey saxad puntland iyo somaiya kaga jirana eysan jiran hada