Ka Tanaasulid Xubinimadii Golaha Wakiilada Puntland 2009 – 2012

November 29, 2012   //   Announcement, Warar Somaali

                                                                          DAWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA

Bismillaahi Raxmaani Raxiim                            28/11/2012

 

Ku; Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dawladda Puntland…………………..Garoowe

Ku; Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada DPL………………Garoowe

Ku; Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada DPL………………Garoowe

Ku; Dhammaan Xubnaha Golaha Wakiilada DPL……………………………..Garoowe

Og;  Suldaan Cabdirashiid Muuse Shire…………………………………………Fadhigiisa.

Og; Saxaafadda Madaxa Bannaan Guddaha iyo Dibeddaba……………………Fadhigooda

Ujeeddo; Ka Tanaasulid Xubinimadii Golaha Wakiilada Dawladda Puntland.

Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Murwooyin,

Waxaan marka hore idin ku salaamayaa Salaanta Islaamka Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu, Bacda salaam waxaa mahad dhammaanteed u sugnaatay Allaha weyn ee inagu manaystay nimcooyinka badan ee aan la soo koobi karin.

Mudanayaal, waxaan halkaan idiinku soo gudbinayaa qoraalkan faahfaahsan ee aan ku soo gudbinayo aragtidayda la xiriirta ka tanaasulidda xubinimada Golaha Wakiilada, anigoo ah Cabdiweli Muuse Shire, taas oo ah saddex qaybood oo isku xiran;

Qaybta 1aad

Xeerarka Dastuurka ku Qoran ee aan weli la dhammaystirin, oo ay ka mid yihiin.

QODOBKA 5aad

DADKA

5.2 Xeer u gaar ah ayaa qeexi doona Puntlandernimada, xaqa deganaanshaha iyo kasbashada meeqaanka Puntlandernimada.

QODOBKA 6aad

TIROKOOBTA

2. Xeer gaar ah ayaa tilmaami doona waqtiga iyo habraaca tirokoobta.

QODOBKA 12aad

SINNAANTA DADKA

3. Dastuurka ayaa damaanad qaadaya xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.

QODOBKA 16aad

XORIYADDA DHAQDHAQAAQA

2. Sharci iyo xeer-hoosaadyo u gaara ayaa caddayn doona xadaynta xaqa dhaqdhaqaaqa.

QODOBKA 32aad

WAXBARASHADA

32.12  Xeer gaar ah ayaa nidaaminaya waxbarashada gaarka ah.

QODOBKA 34aad

AGOOMAHA, CURYAAMADA, GARAAD-DHIMANKA IYO DADKA GABOOBAY

34.3 Xeer gaar ah ayaa qeexaya dadka loo aqoonsanayo in aanay is daryeeli karin.

QODOBKA 54aad

KHAYRAADKA DABIICIGA AH

54.5 Qaabka saami-qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa qeexaya xeer gaar ah oo uu Golaha Xukuumaddu u gudbinayo Golaha Wakiilada si uu u ansixiyo.

QODOBKA 55aad

ILAALINTA DEEGAANKA

55.7 Xeer gaar ah ayaa nidaamin doona ilaalinta deegaanka.

QODOBKA 86aad

CIIDAMADA NABADGELYADA

86.2 Xeer gaar ah ayaa nidaaminaya dhismaha iyo waajibaadka ciidan kasta.

QODOBKA 88aad

GUDDIGA CULIMADA DIINTA

88.d. Xeer gaar ah ayaa hagaya hawlaha xubnaha guddiga culimada.

QODOBKA 94aad

MAXKAMADDA DASTUURIGA AH

94.10 Xukuumadda ayaa diyaarinaysa xeer gaar ah oo lagu qeexayo dhismaha, habka iyo awoodaha Maxkamadda Dastuuriga ah, waxaana ansininaya Golaha Wakiilada dhismaheeda ka hor.

QODOBKA 95aad

AWOODAHA IYO XILALKA MAXADDA DASTUURIGA AH

95.6 Xeer gaar ah ayaa qeexaya sida Maxkamadda Dastuuriga ah ay u gudanayso xilkeeda.

QODOBKA 111aad

BANGIGA DHEXE

111.4 Qaab-dhismeedka iyo nidaamka uu ku hawlgalayo Bangiga Dhexe, waxaa qeexaya xeer gaar ah oo Golaha Wakiiladu ansixiyo.

QODOBKA 117aad

MAGACAABIDDA DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA

QODOBKA 120aad

BAAHINTA MAAMULKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA

120.5 Kala xadaynta awoodaha maamul iyo canshuureed ee Dawladda Dhexe, Gobollada iyo Degmooyinka waxaa lagu qeexayaa xeer gaar ah.

QODOBKA 128aad

SHAQAALAHA RAYIDKA AH EE DAWLADDA

128.4 Sharciga ayaa caddaynaya shaqaalaha aan Xisbiyada Siyaasadda ka qaban karin mansabyo hogaamineed.

Qaybta 2aad

Nidaamka Xisbiyada Badan.

Waxaan is leeyahay ka maagista Nidaamka Xisbiyada badan ay shacabka Reer Puntland ka maageen waxaa u sabab ah Qodobo Dastuurka ka mid ah oo mugdi ku jiro, waxaana ka mid ah.

QODOBKA 46aad

XISBIYADA SIYAASADEED

46.1 Dawladda Puntland waxaa lagaga dhaqmayaa nidaamka Xisbiyada badan.

QODOBKA 56aad

HANNAANKA DAWLADDA

Hannaanka Dawladda Puntland waa baarlamaani, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenkana waxaa dooranaya Golaha Wakiilada.

QODOBKA 64aad

AWOODDA GOLAHA WAKIILADA

64.8 Goluhu waxa uu dooranayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, oo lagu dooranayo, si shakhsi, sinnaan, toos ama qarsoodi. Marka 1aad iyo marka 2aad waa saddex meelood laba 2/3 tirada guud ee Xubnaha Golaha Wakiilada, marka 3aadna waa hal dheeri.

QODOBKA 78aad

SHURUUDAHA DOORASHADA MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA

78.2  Musharixiinta jagada Madaxweynaha ama Madaxweyne ku-xigeenku waxay ka imaan karaan Golaha Wakiilada iyo Dadweynahaba.

Mudanayaal iyo Murwooyin, waxaan shaki ku jirin in dhammaan Xeerarka iyo qodobada kor ku xusan ay yihiin kuwii aynu Shacabka Reer Puntland wakiilka uga ahayn, kuna huwaneyn magacyada kala ah

-         Golaha Xeer Dejinta Puntland ama

-         Golaha Wakiilada Shacabka Puntland

Waxay su’aashu tahay yaa lala sugayaa, mase garawsanahay in muddadii aynu joognay aan hirgelin karnay dhammaantood ama qayb ka mid ah. Magaceenna iyo hawlkarnimadeenu ma isu dheelitirmaan.

Ma doonayo in aan jawaabta keligay bixiyo, waa mid inoo wada taal.

Qaybta 3aad                                                                                

Waxa igu kalifay ka Tanaasulidda Xubinimada Golaha Wakiilada.

-         Dhammaan Guddoonka iyo Xubnaha Golaha Wakiiladu waa saaxiibaday aan muddo soo wada shaqaynaynay.

-         Waxaan ku kala ragti duwan nahay fikirka, taas oo ah Dastuuri sida ku cad

 QODOBKA 14aad

XORIYADDA FIKIRKA

14.2 Qofku waxa uu fikirkiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan.

- Maadaama saaxiibaday badan ay dhibsadeen fikirkayga, ay waxna ka dhagaysteen saxaafadda waxna ka dheehdeen Webabka.

- Maadaama ay talooyin badan oo ay iisoo jeediyeen aan ku kala aragti duwanaanay.

- Waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo Xubinimada Golaha Wakiilada DPL, Dhammaan Golahana waxaan ka codsanayaa in ay iga aqbalaan, sida ku xusan

QODOBKA 62aad

Sababaha lagu lumin karo Xubinimada Golaha Wakiilada

62.1.J Xubintu ay istiqaalad keento, Goluhuna ka aqbalo.

Qore; Cabdiweli Muuse Shire

 

COMMENTS

RSSComments (13)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Ina QOORYAROW says:

    Waqtigan kulul ee ay kujirto Puntland, waxay u baahan tahat Xildhibaano badan oo diida Xaqdarada dadka iyo dalkana u hiiliya.

    Shaqo katagida Dhamuuke waxay kamar qaati tahay in damiirkiisu siin waayey ,inuu kamid noqdo waxa waqtigan kasocda Puntland isagoo xasuusan dhaartii uu maray iyo xilkii uu uqaaday shacabka reer Puntland ,Waxaan kutilmaami karaa tilaabo kudayasho Mudan, waayo wuxuu u hiiliyey Dalka iyo Dadka. wuxuu diidey Musuqmaasuq iyo Mudo Kororsi.

    Dhamuukana waxaan kuleeyahay waad ku banaantahay ALLE ha u Naxariistee Suldaan shire faray , Good Lucky Sir.

  2. Abdiaziz Mohamed Afrah(Afraxyare) says:

    Qof damiir leh xil kama qaban karin Maamulka hadda jira, waayo waa maamul musuqmaasuq iyo ku tagri falasho awood ku dhisan.

    umana adeegayo danaha shacabka Puntlanders-ka ah iyo kuwa ku hoos nool.

    Anigu si fiican ayaan ula socdaa waxa ka jira Maamulka gudihiisa,waan la soo shaqeeyey, sida walaalkay Dhamuuke oo kale ayaan is kaga casiley jagadii aan ka hayey Wasaaradda Waxbarashada ka dib markii aan in badan ku celceliyey iyaguna igu dibsadeen Madaxdii iga sarreysay ee uu Wasiirku ku jiro in aanan wasaaradda u iman nafac doon ama jago raadis ee aan u imid in aan wax u qabto Dadka Baahiyada Gaarka ah Qaba ee walaalkay Dhamuuke ku soo qaatay Qodobka 34aad ee Dadka Liita.

    Sidaas ayaana laga rabaa Mudaawin kasta oo damiir leh oo Puntlander ah.

  3. garyaqaan says:

    walaal dhamuuke runtii waxaan odhan karaa markiisii horeba waxa uu ka mid ahaa tirada yar ee xildhibaanada ah een meesha u tagin jagodoon ama nacfidoon ee u tagay matalaadda beesha maskabkan aw maanta iska casiley u igmatay runtii waa tallaabo ku dayasho u baahan mahad ballaadhana waan u soo jeedinayaa…

  4. LIBAAX MUDUG says:

    Alaylehe waa LIBAAX LIBAAX DHAY haduu yiri dhamuuke aniga iyo ninka afka dhurwaaga leh is fiirsan mayno saas ayaa laga raaba kuwa kale

  5. Damiir kii noolaa wali gama quusan says:

    Waa kugu soo dhawynaynaa garshadaada iyo feejignaata aad u leedahay ilaalinta dastuurka jiray iyo dareenkaaga aad la wadaagayso shacbka waayay himilidoodii…ka daali mayno in hoyga qardho aan ku boorino inay tahay hooyada dareenka ummada.
    waa halbowlah dimoquraadiyada puntlaand waa wehelka shacbka marka laga eego xaga dareenka.
    Puntlaand waxay u baahan tahay maanta hogaan ka hufan qabyaalad oo leh higsasho iyo hogaamin balaaran .waxaan ku boorinayaa inay ifiyaan reer qardhood oo maaanta eegaan waxii ka lumay puntlaand, qasaarihii hogaamiyayaashi horena ka feejignaadaan ..qolo waliba dhaliil bay leedahay ,haynagu soo basbasynina Samatar inta Faroole diidaan.

  6. samantar says:

    kaa kow dheh wax damiir leh oo kale ma hareen mise caada-qaatayaal baa loo batay. waxan la yaabay show dastuurba innooma qorna ooo afarta boqol iyo xaaxaabkii laysugu yeeray garowe maxay ansixiyeen. war annaga belo aragnay!

  7. Waxad sameysay dhamuke manta waa taarikh aad u qurux badan tarikhda puntland ayaa ku xusi doonta kuwa kale e dhimana kalsonida haku so ceshan beelihi hore u so magacday ama tarikh xun uga taga dadka rer puntland oo kala doorta farole iyo dadka rer puntland ay ku jiran qabiladi idinso dortay iyo goboladi codka u raadsan lahayden

  8. Waa Shaqsi jecel Puntland oo baaba eeda neceb aad ban kuugu hambalyeynenaa MUDANE cilkaagi siwanaagsan baad ugudatay ninkay kuhartay howlihaysaa!

    Waxan xil dhibaanada kale kasugayna in ay sharciga dhowraan iyo qawaaninta udagsan Puntland hadii kale waxay lamid noqonayaan kuwa wanted ka ah ee looyaqaano AARAN JAAN iyo Faroole iyo wiilashiisa.

  9. Dangarad says:

    AAD AYUU U MAHADSANSAN YAHAY MUDANANUHU,WAXAANA ORAN KARAA WAA XILDHIBAANKII UGU HORAYEY OO AAN ARKAO ISAGOO WAX DHALIILAAYA.
    LKN MUDAHANAHA WAXAA MODAA ARINKAN IN UU LA ASOO DAAHAY OO AYSAN AHAYN WAQTIGII KU HABOONAA HADII UU WADANI DHAB AH YAHAY WAXUU KA HADLI LAHAA 4SANO OO UU MEESHA JOOGALAY LKN HADDA WAXAAN U FAHMAYNAA MID SIYAASADI KA DANBAYSO OO GADAAL LAGA RIIXAAYO.
    WAAN KU MAQALNAY DHALIISHADA LKN WAA LA SOO DAAHDAY.

  10. hambalyo xildhibaan inkastoo markii golaha wakiilada qabaa’ilka qaarkood (puntland parlimdnt) wakhtigii ku ekaa 31.11.2012 aad is-casishay waxaanse leeyahay: dugi kama dartee waa lagu durkaa.

  11. DHILIN DHILI says:

    Duf alle kubad dhamuuke, awalba caaqibo maadan lahayn oo markii reerku kuu soo direen Parlaman Puntland ayay khaldanaayeen!!

  12. binuyusuf says:

    sidaas oo kale baa laga rabaa dhamaan waliilada.

  13. axmed says:

    Hambalyo Xildhibaane waad ku mahadsantay
    fikirkaaga xaq baadna uleedahay in aad iscasisho waana dhaqmada dadka wanaagsan ama
    wadamadda siyaasadoodu horumartay lagaga dhaqmo siyaasigu uu iscasilo markuu arko in lagu dhaqmaayo wax uusan sax u arkin meeshay ay siyaasiyiintu ka fekeraan maxaad cuntaa.

Leave a Reply