Kalfadhigii 3aad ee Golaha degaanka Qardho oo furmay (Sawiro)
February 6, 2012 // Warar SomaaliWaxaa maantay si rasmi ah loo furay kalfadhigii saddexaad ee golaha degaanka degmadda Qardho, kaas oo ay goob joog ka ahaayeen in ka badan 20 xildhibaan oo ka tirsan golaha degaanka Qardho.
Kalfadhigaan oo socday mudo saddex cisho ah ayaa waxaa looga doodayey wax yaabaha u hirgalay dowladda Hoose mudooyinkii ugu dambeyay.
Arimaha sida aadka ah looga doodayo ayaa waxaa ka mid ah Arimaha miisaaniyadda dowladda Hoose,Caafimaadka,Waxbarshadda,Amniga,Hagaajinta wadooyinka magaaladda iyo weliba sidii loo hirgelin lahaa sarre u qaadista arimaha bulshadda ee degaanka.
Kalfadhigaan ayaa waxaa gudoominayey Gudoomiyaha golaha degaanka ahna duqa Magaaladda Qardho Maxamed Siciid Ciise (Hogaama la roor) iyadda oo la filayo in uu socon doono illa iyo dhowrka maalmood ee soo socda.
Golaha degaanka ayaa waxaa looga fadhiyaa wax ka qabshadda sidii wax looga qaban lahaa arimihii loo doortay oo ay ka mid ahaayeen hirgelinta mashaariicda arimaha bulshadda .
Xildhibaatadda oo qaarkood hadal ka jeediyey kalfadhiga golaha degaanka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin furitaanka kalfadhiga 3aad ee Golaha degaanka.
Waceys Caydaruus Guure xoghaynta Golaha degaanka iyo duqa magaaladda Qardho ayaa u sheegay Saxaafadda in ay dhawaan ay soo gudbin doonaan qodobadda looga doodayo kalfadhiga golaha leeyihiin.
Kalfadhigaan ayaa waxaa uu noqon doonaa kii saddexaad oo golaha degaanka Qardho kaas oo la filayo in ay ka soo baxaan waxqabad dhab ah.
Puntlandnews24
Qardho-Soomaaliya










golah degaanka qardho haday yihiin dad caqlii u saxiib ah waa inay xilka ka qadan gudomiyah iyo ku xigeenka iyo dhaman mamulka degmada qardho wayo wuxu ku guuldarastay horumarinta deganka iyo xasilinta magalada had qardho waxay gasha magalad uga amanka xun habinkii dadk ma ku cawyan karn aman daro awgeed walala sasdarted. dadka reer qardho waxa dani uga jirta isbedel mamulka qardho runtia wuu ku fashilmay horumarinta magalada