Kalluumaystada degmada Eyl oo tababaro loo furay
August 17, 2012 // Warar SomaaliDegmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa waxaa ka soconayo mashaariic lagu horumarinayo kalluumaysiga deegaanka, kaasi oo ay maalgalinayso dowladda Holland, uuna fulinayo NGO-ga Kaallo.
Madaxa NGO-ga Kaallo oo mashaariicdan fulinaya Eng Maxamed Diiriye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay tababarka in looga goleeyahay in kor loogu qaado xirfadda shaqo ee kalluumaysatada deegaanka.
Waxaa uu tilmaamay inay xiligaan socdaan tababarada kor loogu qaadayo xirfadda kalluumaysiga iyo ilaalinta kalluunka marka banaanka loo soo saaro, si aanay isbadal caafimaad aysan ugu dhicin.
Sidoo kalle waxaa uu intaasi ku daray tababarkan marka uu soo dhamaado inay qalab kalluumaysi ay siin doonaan kalluumaysatada tababarkan uu usocdo oo tiradoodu ka badantahay 100-dhalinyaro.
Arinkan ayaa qayb ka noqonaya dadaalada shaqooyinka loogu abuurayo dhalinta Soomaliyeed ee saamaynta ku yeelatay falalka burcadbadeeda, kalluumasiga ayaa kaalin muhiim ah ugu jira dhaqaalaha dadka reer Puntland, waxaana loo iib geeyaa dalal badan oo carabaha ah iyo qaaradda ASIA.
Puntland-News24
Garoowe



Qolooyinka tababarka wada waxaan ku kordhinayaa wiilasha yaryar ee kalluumaysatada ahaan jirey ee xabsiyada adduunka lagu kala haysto kasoo furta una dacwooda.