Kampala oo si weyn looga Ciiday (Sawiro)

August 20, 2012   //   Warar Somaali

Soomaalida iyo dadka islaamka ah eek u nool Dalka Uganda, gaar ahaan Kampala ayaa si weyn maantay ugu dabaal daga maalinta weyn ee Ciidul Fidriga.

Goobaha salaada laga oogay ayaa ka mid ah Jaamacadaha iyo weliba goobaha kale ii Muslimiinta dalkan, iyadda oo halkaas laga soo jeediyey hadalo qiime leh.

 Siciid Maxamed Barre oo ka tirsan Dhalinyaradda Soomaalida ee dalkan wax ka barta ayaa ka mid ahaa Culuma’udiinka hadalka ka jeediyey gudaha Masjidka weyn ee Jaamacadda Kampala ee KIU. Waxa uu si weyn uga hadlay qiimaha uu leeyahay uu maalinta Ciida iyo weliba sida loogu baahan yahay in Umadda Islaamka ay u xusaan, isaga oo halkaas ka jeediyey qurbad dardaaran ah oo ku aadan in la weyneyo maalmaha sharafta iyo tixgelinta weyn ee Ciidadaha Islaamka.

 Waxaa goobaha kale ee Salaadda laga oogay ka mid ah Masjidka weyn ee Qadaafi kaas oo in ka badan dhowr kun oo qof ay isugu yimaadeen, waxaana saakay mar keliya wadooyinka isugu soo baxay dad aad u fara badan oo labisa qurux badan xiran. Waxa ay sidoo kale dadka isku salaamayeen hadalo ay ka mid yihiin (Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarka) waxaana caruurta lagu arkayey iyagga oo ku ciyaara wadooyinka Caasimadda.

 

 

Xafiiska Puntlandnews24 Kampala, Uganda

 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply