Nugaal-2 Karkaar-2 Ciyaarta finalka Koobka Gobolada Puntland {Ciyaartii oo dhamaatay} Rigoorayaal

February 12, 2012   //   Sports, Warar Somaali

Nugaal 2-Karkaar-2

Nugaal oo Gool Dhalisay daqiiqadii 3-aad ee ciyaarta finalka, waxaana u dhaliyey laacibka najiib yare, dhamaadka qaybtii horena nugaal kii labaad ayey dhashatay.

Karkaar waxay iyaduna ka daba keentay laba gool oo deg deg ah, daqiiqadii lasoo noqday ee 48aad, shan daqiiqo kadibna, kii bareejada  ayey keensatay Karkaar

 

Karkaar iyo Nugaal oo Goor dhow Ciyaar Final ah Fooda is dari doona iyo Amaanka oo aad Loo adkeeyey

Taageerayaal faro badan ayaa kusii qul qulaya caasimada Puntland ee Garoowe, iyagoo doonaya inay markhaati ka noqdaan bal waxa ay kala mudan doonaan xulalka u kala ciyaari doona Nugaal oo marti loo yahay iyo Karkaar.

Kolonyo gaadiid oo qaarkood lagu xardhay boorar Divoose loogu yahay xulka Karkaar ayaa kasoo kicitimay ilaa Boosaaso, Sheerbi Qardho, si ay ciyaartoyda iyo koobkaba ugu gelbiyaan magaalada Qardho.

Dadka qaarkiis ayaa kuu sheegaya in hadii uu garoonku ka buuxsamo ay dibadiisa xarakaadka Garoonka kala soconon doonaan iyagoo jecel inay ku dhowaadaan ugu yaraan halka ay wax ka socdaan.

Garoonka Mire Awaare waxaa lasoo sheegayaa in maanta uu noqon doono maalin si weyn loo soo camiro iyadoo ciyaartan ay u daawasho tagi doonaan madax sare oo ka socota Puntland iyo wali dadweyne kor u dhafaya 3-kun oo qof.

Labada gobol ee maanta wada ciyaari doona wuxuu mid walbaba helayey maalmihii lasoo dhaafay kool-koolin faro badan iyo Respect loogu saadaalinayo inay iyagu yihiin halyeeyo, koobkana cid ka hor istaagi karta jirin.

Amaanka aya aad loo adkeeyey dhamaan wadooyinka iyo hareeraha garoonka, waxaana meel walba la dhigay askar si looga hartago in halkaasi rabshado ka dhacaan, maadaama taageerayaal faro badan madax iyo ganacsato ay garoonka u daawasho tagi doonaan.

Puntland News-24

Garoowe

COMMENTS

RSSComments (2)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. geele says:

    NUGAAL SOCOTAYE KOOBKIINA QAADAYE KARKARKAAREY MA NABAD BAA MA BAROORO DIIQBAA LOL

  2. Garoonka Mire awaare says:

    Taagerayaal aad u fara badan oo reer karkaar baa manta soo garay garonka mire awaare, Qeylada iyo sawaxanka ka yeeraya ma maleeyn kareeysid hada ciyarta waxaa ka dhiman 15 daqiqo wax ka yar.

    garoonka mire aware 1 saac ka hor waa la xiray markuu buuxsamay. hada banaanka garoonka waxaa hoagnaaya tagerayaal iyo gawaari aad u fara badan.

Leave a Reply