Kenya oo sheegtay rag katirsan Al-Shabab inay ku dishay duqeyntii Gedo

February 2, 2013   //   Warar Somaali

Dowladda Kenya ayaa sheegatay khasaaro inay ku gaarsiisay xubno katirsan Al-Shabab kadib duqayn diyaaradeed oo ay ciidankeedu ka fuliyeen gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya Colonel Cyrus Oguna,oo ka hadlay duqeynta diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geysteen Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Koonfureed,ayaa wuxuu shaaciyay in Duqeynta khasaaro ay ku gaarsiiyeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo sidoo kale inay ku burburiyeen Gawaari dagaal oo hub u saarnaa Al-Shabaab.

Sidoo kale Afhayeenka ciidamada Kenya Colonel Cyrus Oguna,ayaa dhanka kale sheegay in Sarkaal lagu magacaabo Sheikh Nuur Dheere oo shabaab ka tirsanaa dagaalka ay ku dileen,isagoona tilmaamay in duqeynta inteeda badan ay ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Garbahaareey.

Wuxuu sheegay Cyrus Oguna in duqeynta ay ku qaadeen deegaanada Gedo ay ku damacsanaayeen inay la bartilmaameedsadaan goobo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab,wuxuuna hoosta ka xariiqay in u jeedkii laga lahaa laga gaaray.

Afhayeenka ciidamada Kenya ayaa hadalkiisa intaasi wuxuu raaciyay in xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab duqeynta ay ku geeriyoodeen kuwo kalena ay ku dhaawacmen.

Kenya ayay marar badan sheegatay guullo noocan oo kale ah, hase ahaatee majirto cid madaxbanaan oo xaqiijinaysa guulaha ciidamada Kenya ay sheeganayaan.

Puntland-News24

 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply