Koobka Qaramada Yurub oo meel xasaasiya maraya

June 20, 2012   //   Sports

Xulalka kubbadda cagta England iyo Farance ayaa u gudbay wareegga siddeedda koox ee tartanka qaramada qaaradda Yurub.

England ayaa 1-0 uga badiyay xulka Ukraine oo qeyb ahaan tartanka martigalinayay, waxana goolka ay ku badiyeen u daqiiqaddii 48-aad u dhaliyay Weyne Rooney, guushaasna waxay horseedday inay kaalinta ugu horreysa kaga soo baxaan qeybta D ee ay ku jireen.

Sweden ayaa 2-0 uga badisay xulka France, laakin waxba kama dhibin oo xulka Les Blues waxay ku soo gudbeen kaalinta labaad ee qeybta D.

Z. Ibrahimovic iyo S. Larsson ayaa labada gool u dhaliyay xulka Sweden.

Kooxaha soo gudbay waxay isugu aadeen, Czech Republic waxay ku aadday Portugal, Germany  Vs Greece, Spain vs France, England vs Italy, waxaana kulanka ugu horreeya uu habeen dambe dhex mari doonaan Czech Republic vs Portugal.

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply