Kooxda Chelsea oo markii ugu horeeysay abid noqotay Horyaalka Yurub

May 20, 2012   //   Sports, Warar Somaali

Naadiga Chelsea ayaa habeenimadii xalay ahaa ku guuleysatay horyaalka naadiyada Yurub markii ugu horreysay taariikhda naadiga.

Chelsea waxay rigooreyaal 4-3 kaga badisay kooxda Bayern Munich kaddib ismari-waa 120 daqiiqo ah.

Ciyaartan oo la wada sugayey ayaa waxaa ka soo qeybgaley dadweyne ka badan 75 kun oo qof, iyadoo garoonka lagu ciyaarayey uu ahaa kan kooxda Bayern Munich.

Ciyaartan oo ku bilaabantey qeybtii hore xamaasad la’aanu muuqatayna in la kala baqayo siiba kooxda Chelsea oo difaac iskugu biya shubatey halka ay bayren ka faa’iideysan weydey.

Haddaba waxay wax kastaa is badeleen ciyaarta qeybteedii dambe oo labda kooxoodba la soo galeen garoonka dar-dar cusub oo ay ku dheehantahay farsamo iyo weerer badan oo ay isku qaadayeen waxaana odhan karaa waxay ka dhisnaayeen xag difaac,iyo dhexda waayo goolasha oo raagey.

Daqiiqaddii 85-aad waxaa Bayren Munich waxaa u suurtooyey iney dhashadaan gool aad u qurux badan waxaana madaxa ku hubsadey shabaqa MILLER,waxaase daqiiqadii 88-aad u jawaabey xidiga reer Ivory Coast DROGBA oo isna madaxa ku hubsdey shabaqa ciyaartuna waxay ku dhamaatey 90-kii daqiiqo ee loogu talagaley 1-1.

Sida ay caadadu ahayd waxaa loogu darey 30-daqiiqo,nasiib darow Bayren waxay heleen rigoore waxaana cuney Robben ciyaartuna 30-kii daqiiqo ee loogu tala galey waxay ku dhamaatey -0-0-Rigoorayaashii loo dhigeyna waxaa 4-3- ku guuleystey kooxda Chelsea.

Chelsea oo noqotay horyaal Yurub waxay koobkan ka rajo qabeen inuu gacantoodo soo galo in ka badan 9 sano oo xiriir ah oo ay heer wanaagsan soo gaarayeen.

Waa markii u horeeysay abid ay Chelsea qaado koobka Championka Yurub, waana markii u horeeysay oo koobkan laga soo dejin doono caasimada Britain ee London.

Kooxda Chelsea waxay laba todobaad horteed garoonka qaranka England ee Wembley ku qaaday Koobka FA-Cup, kadib markii ay ka adkaatay kooxda laacibiinta Liverpool.

Debaaldegyo iyo isu soo bax balaaran ayaa London ka dhici doona, gaar ahaan westiga magaalada London, si ciyaartoyda reer Chelsea ay u gacan qaadaan kumaan kun oo taageerayaal ah oo doonaya inay arkaan koobabka ay Chelsea soo qaaday. Basas kor ka furan ayaa kooxda ay ka salaami doonaan taageerayaashooda iyagoo u muujin doona xushmad.

Axmed Shiino

London, UK 

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

Leave a Reply