Kooxo boob ku haya duur joogta gobolka Bari
January 29, 2013 // Warar SomaaliDeegaano ka mid ah gobolka Bari ayaa waxaa si aad ah ugu badanaya kooxo si sharci darro u daabulaya ugaadhha qaar ee kunool gobolka.
Ugaadha ayaa ah sharci darro in laga ganacsado caalamka oo idil, waxaana Puntland oo ka mid ahayd meelada ay ku badantahay ugaadha waayadii ugu dambeeyey laga dareemayay inaad uga yaraadeen sidii markii hore looga heli jiray.
Gudoomiy
aha degmada Carmo Ibraahim Shire Maxamed oo warbaahinta gudaha ah ee Puntland la hadlay ayaa sheegay inay tuulooyin badan oo u dhow degmada Carmo in si xowli ah looga dareemayo daabulka lagu hayo ugaadhha.
Waxaa sidoo kale uu sheegay maamulka degmada Carmo inuu ku guulaystay soo qabashada qaar ka mid ah kooxaha ka ganacsada ugaadha, qaarkoodna xiligaan ay ugudbinayaan maamulka gobolka Bari si tlaabo uu uga qaado.
Gudoomiyaha ayaa intaasi raaciyay ugaadha nooca loo yaqaano sagaarada in aad loo dabto, kadibna dalka dibadiis loo dhoofiyo silooga iibiyo maal qabeeno carbeed.
Wasraadda deegaanka, duurhjoogta iyo ilaalinta dalxiiska ee Puntland ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin dhibaatooyinka lagu hayo duurjoogta Puntland.
Puntland-News24.



Kkkkk pl dadkiibaa ladha meeyay waxaa labilaabay ugadhii maxaa ku xiga