kulan aad u balaaran oo lagu taageeraayey Raysulwasaare Saacid oo ka dhacay Puntland

October 14, 2012   //   Warar Somaali

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa khadka Telefoonka khudbad uga jeediyey kulan lagu taageerayey oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug .

Kulankan oo ahaa mid aad u ballaaran ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Mudug ee Puntland,qeybaha Bulshada iyo mas’uuliyiin horeyey xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Puntland ayadoo kulankana lagu qabtay Hotelka Golden Palace ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Axmed Muuse Nuur Gudoomiye Kuxigeenka maamulka gobolka Mudug ee Puntland oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in dadka ku dhaqan gobolka Mudug ay si wadajir ah u taageerayaan Ra’isulwasaaraha Dalka islamarkaana ay la shaqeyn doonaan sida uu maamul goboleedka Puntland horey u ballan qaaday.

Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Puntland ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay sida ay xiligan umadda Soomaaliyeed u wada taageerayaan hogaanka cusub ee Dalka loona baahanyahay in si isku duubni ah looga faa’ideysto fursada ay Soomaaliya maanta heysato.

Ugu dambeyntii Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) oo kulanka khudbad khadka telefoonka uga jeediyey ayaa uga mahad celiyey dadka ku dhaqan gobolkaasi iyo guud ahaanba sida ay taageeradooda u muujiyeen waxaana uu ballan qaaday in dhammaanba howlaha loo igmaday uu si hufan u gudan doonno,dadka soomaaliyeedna waxa uu ka codsaday iney si wadajir ah ula shaqeeyaan.

Tan iyo intii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’isulwasaaraha Dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka dhacay xaflado iyo kulammo ay umadda Soomaaliyeed ku muujinayaan taageeradooda.

 

COMMENTS

RSSComments (3)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Somali Pure Man says:

    SSC. Laas Canood oo uu Siyad Barre ka Dhigay Degmo Miyaad mooday Kar Kaar. Kar Kaar waxa hoos Yimaada 8 Degmo, oo waaweyn. Laas Canood Hadii ay Magaalo Tahay, adiga iyo Adeeradaa Marna uma cararteen Hargeysa , Marka Punt Land, ee Laas Caano ayaad Tuuladaada Joogi Lahayd, waakan Adeerkaa Xaglo Toosiye La Siiyey Wasiirka Dejinta Reer Miyiga, waar Inta Aadan Nin Boqor ah Afka Ku taagin. Adiga Tasho

  2. SSC 4 ever says:

    Haaa an ku suale 18 gobol ee somalia karkar xage oga qorantahay karkaar wa tulo gobolka bari katirsan ba loska somalia ugu jirte gobolka karkar wamaxay mandhow umadu way inla yabtay tuloyinki ba gobol ka dhigateen 2 magalo ba qorax iyo bero laaan logu nolan waye tulo jaxiiimo kasidaran ya kunolankaro bisinka

  3. Karkaar says:

    Waa arin lagu farxo in lasoo dhaweeyo raysalwasaaraheena cusub ,arinka kaliya oo looga baahanyahay wa inuu jubbaland maamulkeeda wax kala dhisa ee uusan hagardaamo kunoqon ,waxaan kaloo usheegaya dhamaan Gobolada Puntland in siwadajir ah looga soo dhawaynayo ,Prof shirdoon uuna yahay masuul goboladaas kasoo jeeda dhaxalkii awoowgiisna magaciisa kumatalaya ,

Leave a Reply