Kulan ay yeelan lahaayeen Beelaha reer Bariga oo lagu amray inay kala dareeraan

October 27, 2012   //   Warar Somaali

Waxgarad iyo aqoon yahano shir ku lahaa Hotel Huruuse oo Boosaaso ku yaala ayaa waxaa is hortaagay Barasaabka Gobolka Bari Mudane Abdisamad Galan. 

Duqeyda intii aanu u bilooban shirkooda ayaa ciidamo uu watay gudoomiyaha Gobolka Bari ku amreen inay kala dareeraan, dowlada Puntlandina aysan ogolayn kulamada caynkan oo kale ah.

Beelaha ku shirsanaa Hotel Huruuse Boosaaso ayaa dhamaantood kasoo jeeda gobolka Bari, lamana yaqaan waxay kulankooda kaga doodi lahaayeen, iyadoo golaha wakiilada Puntland xilkooda uu ka harsan yahay 4 casho oo qura, sidaa daraadeed warar ayaa sheegaya in ajendaha kulankan ay arrintaasi qayb ka ahayd.

Mida kamida waxgaradkii kulankan ka qayb geli lahaa ayaa PN24 u sheegay in dib mar kale ugu balameen inay meel kale ku qabsadaan shirkooda.

Dowlada Puntland ayaa dhowr billood ka hor soo saartay amar sheegaya in aan la qaban karin kulamada shirarka iyo doodaha siyaasada ku taxaluqa, iyadoo amarkaas ay fuliyeen mulkiilayaasha iska leh hoteelada iyo goobaha kale ee lagu shiri jiray.

Maxamed A. Yassin [Koranto]

Puntland News-24

COMMENTS

RSSComments (25)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. abshir says:

    umada marka duloobayso leader xun ayaa hogaankeeda hela oo qabyaalad iyo waxyaabaa lahal maala ayaa umadaa gala markaas ayaa nasakhan dhacaa oo diin toodii kaleexdaan marka anigu waxaaan oran lahaa war farooloow war dadkani iyagaa shala kudoortay ee sidii laguu doortay ugadeg waa ficil rageede ama samay ficil gumeed oo puntland qayrkeed haku wiiiirsado ee dadka degana haduloobeen oo doorsoomeen

  2. Jalafsade says:

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk reer bari waa ku macdahay waxaan leeyahay isu dhiiba maxadax jebiska kana faa iideysta jaaniska oo xornimo qaata intaa maxaa madaxa idinka garaacaya wiil ka yimi mudug ama nugal ama karkaar islaamka isu dhiiba gunyahay guntu dhashay waxaa bilaaban doona dhaqdhaqaayo xaga buuraha marka muranku bilowdo oo waqtiga faroole dhamaado ka faaiideysta kacdoonka islaamka viva

  3. kakaka samatar cisman maxamud wey ka siyasad badanyihin sxb orod riyaha raac ari mal batahay xukunka waa lagu dhibtay si sharaf leh ku dhib habar afka jaqafka leh odayasha rer bariga ah lodiday ineey shiran bari ayey ku shirayaan xafada lanta hawada cid didi karoto na malahan galan ha imado car hadu nin rag yahay bari ayey balansanyihin odayasha weyna shirayaan samatar waxbo mesha kuma heysid ariga orod maal

  4. samatar says:

    cusman mohamudka markey kursi rabaan maxey rer bari oogu hoos dhuuntaan , is sharaxa ayaan oran lahaa hadaa rabtaan laakin rer bari lugta haku dubanina qaar ka mida rer bariga wali kuwa oogu dhulka weyn mar hore ayay ka baxeen puntlnad

  5. asc farole puntaland magac ayey wadataa wad ku ciyartay ee iskaga dag xilka af bali

  6. Waxaad moodaa in waqtigii faroole Isa soo gurayo oo waqtigiisii gabaabsi yahay, waxaan aad ula yaabanahay sababta keentay in waxgaradkii boosaaso looga hor istaagay in ay shiraan oo dadka iyo Dalka aayihiisa ka hadlaan , anigu waxaan aaminsanahay in ay odayaashu ka gaabiyeen kaalintoodii waxaan taas u leeyahay in ay marina a arintaas faroole iyo kuwa u adeega in ay kaqaataan ma aha sinaba shir iclaamiya si dhakhso ah u qabta. dangorayo shirkii lagu qabtay Wanaag baan u arkaa waa waxgaradkeenii oo shiray waxaana aaminsanahay meel walba oo waxgaradkeenu joogo in la taageero hadday tahay qardho , gaalkacayo Garoowe,sool iyo sanaag. Faroole waxaan kula talinayaa nafsadaada haysku haligin talada wadanka dadkaad ula simantahay way jirtaa oo lama dafiri karo inaad madaxwayne puntland u tahay balse dadku muddo bay kugu doorteen afar sano xaq baad u leedahay ninkii kaa horyimaada afartaas sano waa dambiile laakiin haddaad dadka damacdid in aad ku khasabtid Hal sano oo dheeraad waxay iila muuqataa fawdo billowgeed adaana sabab u noqon doona, waxaa iga waana dadka in loo turo haddee dhagaha laga furaysto wallee waxaa xigin adeeroow adeerkaa ma ahi madaxwayne enjoy

  7. Waxaad moodaa in waqtigii faroole Isa soo gurayo oo waqtigiisii gabaabsi yahay, waxaan aad ula yaabanahay sababta keentay in waxgaradkii boosaaso looga hor istaagay in ay shiraan oo dadka iyo Dalka aayihiisa ka hadlaan , anigu waxaan aaminsanahay in ay odayaashu ka gaabiyeen kaalintoodii waxaan taas u leeyahay in ay marina a arintaas faroole iyo kuwa u adeega in ay kaqaataan ma aha sinaba shir iclaamiya si dhakhso ah u qabta. dangorayo shirkii lagu qabtay Wanaag baan u arkaa waa waxgaradkeenii oo shiray waxaana aaminsanahay meel walba oo waxgaradkeenu joogo in la taageero hadday tahay qardho , gaalkacayo Garoowe,sool iyo sanaag. Faroole waxaan kula talinayaa nafsadaada haysku haligin talada wadanka dadkaad ula simantahay way jirtaa oo lama dafiri karo inaad madaxwayne puntland u tahay balse dadku muddo bay kugu doorteen afar sano xaq baad u leedahay ninkii kaa horyimaada afartaas sano waa dambiile laakiin haddaad dadka damacdid in aad ku khasabtid Hal sano oo dheeraad waxay iila muuqataa fawdo billowgeed adaana sabab u noqon doona, waxaa iga waana dadkii waa daaleen waxayna

  8. A,W,W
    Faroole waa tashaday taladiisuna waa caddahay, haddaba ama taladiisa ha lagu raaco oo ha layska samro ama talo kale ha la qaato oo loo dhanyahay laakiin reer puntland shalay baa dandarro laysugu laayey wiilal yar yar oo walaalo ah markaa doonimayno danina kuma jirto tii oo kale inay dhacdo markaa waa in caqligu sheqeeyaa xigmadna la isticmaalo wax hadhow laga qoomameeyana aan maanta lagu dhaqaaqin wa billaahi towfiiq.

  9. meeladeen says:

    ascww waxaa la yiri nin daad qaaaday xubo cuskay faroole iyo inta la socota waxaa qaadaya bad waynta hindiya waayo adddunka iyo gurigaaga xoog kuma xukumi kartid faroore iyo wiilashiisa waa soconayaan aduunkana iyo meesha ay ka yimaadeen waxaa uga horeya sumcad xumo dhaqaalihii shacabkana waa gurteen addunkana waa cadaab aakhirana warkeeda daaaa marka faroore waa ninkii shalay maarlamaanka garoowe waararaayey oo wiilasha laga laaayey maanta ma waxaa uu rabaa in uu xaag dadka ku haysto marka libaaxyadii qardhood ayaa kuu jiida waxba kuu soconmayaan ee sharaf uga deg kursiga

  10. SALAAMU C, SALAAN KADIB WAXAN LAYAA BANAHAY DAD MASUULIYEEN AH OO DANAHA WADANKOODA IYO DADKOODA KA TASHANAAYA OO LA LEEYAHAY MA SHIRIKATAN WAA WAX UU SAN CAQLIGA SALIIMKAHI QAADAN KARIN, MIDA KALE GOBOLKA BARI WAXA DEGAN DAD NABADA JECEL WAXA AYNA XEERINAAYA WAA NABADA EE CIDNA KAMA KARTI IYO AWOOD BADNA, WAXAN LEEYAHAY FAROOLE IYO WAX MA YAQANADA UU ADEEGSANAYO, PUNTLAND SAAS LAGUMA MAAMULI JIRIN, EE KALA DANBEYN IYO NIDAAM BA LAGU MAAMULI JIREY.

  11. buuhoodle kaalaya gogol majeerteen ayaan idiin dhigay naa oon cid idiin imaanayn @kkkkk

  12. cisman says:

    faroole wuxuu ku jiraa last 10 days of Hitlar

  13. xiriiro man says:

    hahahahee ! viva calisalebaan ayakaa kamasuul ah reer bari viva bosaso viva carmo %%% allow nabada noosiyadi amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

  14. Gacaliye. says:

    War waxarkii miyuu waashay? Waa yaab!

  15. Asha says says:

    Faroole maxuu ujoojin waayey shirkii dangorayo mawuunas ah shir qabiil

  16. will cumar cali says:

    war faroole halugu kaco sidii hogaamiyaashii carabta xaran cunka faroole daba dhilifyada sida gudoomiyaha iskusheeg gobolka bari iyo waxii la hal maala faroole 4 sano buu lahaa wuu na dhamaystay doorsha hala qabto hadii kale garowe ku ekow bowe

  17. Garoowe says:

    Kkk haa galanow usheeg odayaasha inay xagaa iyo Qardho aadan ..haday shir rabaan

  18. osman says:

    Sheekadu waa nin daad qaaday xumbo xuskay. Faroole maalmihiisu waa tirsanyihiin. Kuwa kabaqaadka u sii ahna waa ay daba raaci doonaan. Taariikhda laguma cibrad qaato. Sow afguduudba lama dirin. Faroole iyo gabanadiisuna waa socdaane, yaynaan is raacin dhalanteedka.

  19. King K ooshin says:

    Yaab Badanaa ,, Waar Faroole horta Adiga imisa sano ayaa ku Nooleed Autralia ? Miyaadan Muddada aad joogtay Australia soo baran waxa la dhaho DEMOCRACY ? Kuwa Kaala Yimid Australia miyeysan iyaguna garaneyn waxa La Yiraahdo DEMOCRACY ? Shacabka waa Shiri Karaan Cid Caburin Karta ma Jirto Adeer, waxa ba idinka khaldan

  20. libaax says:

    haa waan ku raacsanahay faroole ,laakiin bal aan eegno libaaxyadi qardhood inuu isku dayo horistaagooda loooooooooooooooooooooooool

  21. SANWEYNE says:

    Baga alleylehe- wadanka dowlad ayaa ka talisa ee qabiil kama taliyo, waana in loo hagaansanaadaa awaamiirta dowladda!!!

  22. Carmo_man says:

    looooolz
    Guudomiye Galan runti wa Geesi ku dayasho mudan si wanagsan ayu shaqadisa ugudanaya wa halyey tarikhda xuusi donto good job mudane wixi sidi falastin ki qaylinya iyagey utal

  23. shamso says:

    Faroole dimoqoraadiyad ayaan wadaa iyo dadku ma hadli karaan oo ma shirikaraan, hoteladii iyo shirkadihii shacbigana amar ayaan siinayaa oo sidaan doono ha u shaqeeyeen waa wax aan is gelayn. Laakiin waxan ba la yaabanahay odayaashan magaaladoodii la leeyahay kuma shiri kartaan oo danihiina kama hadli kartaan oo qaadanaya taasi waa gunimo.

  24. Asckum salan ka dib waxan dowlada puntland ugu baqi lahaa in aysan fara gashan shirarka beelaha waayo puntkand waa ku midobay beelaha walalaha ah e dagan puntland waxay u ekaneysa haday dowlada dhahdo lama shiri karo belaha puntland mid caburin ah o ay ka dhalan karta kacdon qabil o lagu wayi karo wax kasta o an hada hesano o ah amanka kala danbenynta nidamka dowladad ka joog farolow allow maku shegay

  25. Xareed says:

    Haa dawladu way horistaagaysaa qaswadyaasha

Leave a Reply