Kulan isdhexgal Bulsho oo ka dhacay degmada Waaciye (Sawiro)
July 2, 2012 // Warar SomaaliKulanka ayaa ahaa mid ay ka soo qayb galeen gudoomiyaasha afar degmo oo kala ah Degmada Carmo ,Waaciye Ufayn iyo Degmada Dhahar.
Munaasabadan oo u jeedkeedu uu ahaa sidii loo mataanayn lahaa degmooyinkaas ayaa ka dhacaday Degmada Waaciye oo iyadu Marti galinaysay Kulankan.
Kulankan logu mataaneynayey degmooyinka afarta ah ee Puntland waxaa ka soo qaybglay masuuliyiin kasocotay Golaha Wasiirada Dawlada Puntland sida Wasiirkuxigeenka Wasaarada Aminga Dawalada Puntland Wasiir kuxigeenka Wasaarada arimaha Gudaha ee Dawlada Puntland Agaasimaha Guud ee wasaarada Haweenka Puntland Gudoomiyayaasha afrta Degmo ee midoobaysa iyo marti sharaf kale oo aad u mug iyo miisaanba badan.
Gudoomiyaha Degmada waaciye Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ugu horayn kulanka kahadlay ayaa sheegay in ujeedada kulankan uu yahay sidii loo midayn lahaa afrtaas degmo wuxuuuna sheegay in arinkan uu yahay mid kudaysho mudan si loo mideeyo degmooyinka Puntland.
Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Amniga Dawlada Puntland Cabdirisaaq Xareed ismaaciil oo kulanka kahadlay ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid wax weyn ka qaadan kara adkaynta amaanka Deegaanada Puntland Hadii lahelo degmooyin sidan oo kale u midaysan.
Gen Cabdi Yaasiin Xirsi Wasiir Kuxigeenka wasaarada arimaha Gudaha Dawladaha Hoose iyo Horu marinta reer Miyiga ayaa isna sheegay in degmooyinka kale ee Puntland sidaasi oo kale looga baahan yahay in ay usamayestaan Mataanayn si waxyaalo badan laysaga kaashado.
Munaasabadu intii ay socotay waxaa laqabtay ciyaar Saaxiibtimo oo ka turjumaysa is dhexgalka Bulshada waxaan wada ciyaaray Degmooyinka Ufeyn iyo Carmo oo kawada tirsan Gobolka Bari.
Kulankan ayaa Noqonay Kulankii Saddexaad oo ku aadan midaynta Degmooyinka Carmo ,Ufayn,Waaciye iyo Degmada Dhahar oo iminka ku soo biirtay.



hambalyo ayan leenahay , inta midnimda puntland neceb ee cadaa qatayaasha ahana dullooba ayanu leennahay , dadka meesha ka hadlaya inta hadaladoodu aanay miisaanayna hadalka toosiya ayan leenahay sida garowe wiilka kusoo gala ee caammada ah
subxaanalaah war isku xishooda oo dadka aa wax ka sheegaysaan hal qof haduu doona aan ahayn in aad uqbataan umad dhan ama qoomiyad dhan waa ceeb wana jahilnimo wll wax iskula fala dadka muslimiinta ah dhamaan waa walaalo teeda kale dadka komentiga bixiya qaarkood qabiil ayaa madaxa ka jiraa ilaah ka baqa weliba hal inan oo meeshan komentigeeda u badan intaa qabiil ayuu ka hadlaa wll ilaah ka baqaa oo dad muslimiina aya tihiin oo deegan wada daga oo muslimiina ha u qaban hal qof qoomiyad dhan ama qabiil dhan
@garoowe beenaale qardhow wixi edeb daran in la dilo wa waajib waadna mutaysteen, mar walbana cadow waxad u aragtaa wlalka iyo xabiibka, bal maxa keenay qabiilka ileyn maamul, amni, wada shaqayn iyo horumar ayaa laga hadlayaaye xasad.com haddaba fidnada kala dhex bax puntland otherwise dhegtaa lagaa qaban dadka walalahaana ha isku dirin hana is necbaysiine dantaada ku foof
@Mohamoud boowe mahadsanid dadkuna waa wada walaalo intaasay jaajida kale garanwaayeen laakiin waxaan layaabanahay @ biciidyahan ali wuxuu yiri osmaan aan dilay kkk waxay masai ,Kenya ee cawaanta iyo ali saleeban isaga mid yihiin Masai ninkaan libaax dilin raganimo maleh gabarna mahaweysto ,ali saleebana ninkaan osmaan Mohamud dilin waa sidasoo kale ,taarikhdooda dhana waa Madaxweyne Abdirashiid anagaa dilay boqora horaan soo dilay kkkkk car tariikh kale hakuu sheegto kk caqiibada beela war soow walaalihiin maaha oo muslima oo derisa Tan garoowe aniga Rabaable oo garoowe dhawr iyo toban kilo mitir u jirtaanbaan ku dhashey hadaad qabiilkeyga rabtana isoo weydiiya waan idiin sheegine
kkkkkkkkkkkkk .waxa leehayahay wiilka ku qaraabanaya caasumada puntland magaceeda ADEER WAXA KU JIIFA MILIL MASKAXDADUNA WAXA AY DAACAYSAA DAACO QURMUUN,. waxa kuu sheegayaa reer puntland way is yaaqanin lkn marabo in aan ku la hadlo qaabka aad u hadlaysid lkn waxa kuu sheegayaa dadka aad magacayada ukala bixinayso waa dad waalo ah .
marka waxa ku leeyahay daba kanaax waa layaqaan qaabka loo la dhqamo . waana laku raadinayaa lkn ogo dhulka hoostiisa ayaa ku nasanaysaa. waa na ku aqaan .
MAAsha alaah waan ku faraxsanahy is dhexgalka bulshada iyo wax qabadka waxaan dhihii karaa waxaa hawshaas dhameeyay markii dhalinta xilka loo dhiibay sida dr abdisalaan iyo gudoomiyaha carmo waaan kui faraxsanahy tan labaad wiil garoowe garoowe magaceeda iska dhig waa caasimadii puntland , tan labaad cismaan iyo dubays ama dashiishe waxba makala ah waa dad walalo ah oo hooyo iyo aabe wada dhalay magaratay waan ku farahsanahay nawshaa xagaas ka ssii wada , wiil garowe iga raali noqo si wanaaagsan u fakar
Hambalyo Hambalyo ayan lenahay shacabka walalaha ah ee meshas ku midobay hala si waado harumarka iyo wanaaga
wana ku mahad san yahay gudomiyeha waciye sida wanagsan u u marti geliyey ciyarta sxbtinimo
wiilka yarka ah ee garowe so qatay kkk ader
inad magalada asal kaso jeedo so qadato mala baqday kkk daadku wa isyaqan raagi agoonta ka dhigay miya meesha ka muqda oo ad arkeysa ban filaya intad noshahayna forget raagi kulaha ba kuyelanaya thanks
Boowe maxaan kuu sheegay sow runtay maaha hadii roob u di’i waayo waxay dhahayaan aboowe osmaan baa kadamaye war boqorada afka haku taaginina ee ka xishooda waa dadkii idin lahaan jiraye yatiinyahey cuqdadu ka buuxdaa kk
qad qad ari cali yare iyo dishiishle gar tay adeer cali ayeey ka baqayaan dubeys madoobe xuu rabaa bal adba
garawe maad magacaga ku qarabto saxda ah oo ad udigto dhadka magacoda aad sidatid misa hadalka ka xiran maxmaud saleybana ma ma matshid wax ku hadaqayana wan aqana wadadka adiga ad kasojedo cisman mxamud bey ushirayaan cuqadad ba ka yersisey ayan oran kara hadalka iyo xasid aad ka qabto dadka wala laha ah ee ka shiraya danahoda iyo sidi ey u hor marin lahyeen dalkoda iyo dadkoda marka adeer waliaga calosha ka jiranoow adigey kudibi dadka ad magacoda sidtidna mesha ey kajogan puntland waad taqana oo tafasil uma bahna in an kabixiyo badan ee afka jabqada igaley weyeen maxan shega ka amus saxafada
@garoowe (qardhow) kaaga reer garoowe isku qarinayow dulli baad tahay oo xasad baa asagaa kaa reebay mar walba waxaad cadow u aragtaa walaalahaa thats why aad wax u noqon la’dahay oo lagu qowracay madaxdaadii iyo boqoradaadii waxba ha isku dhererin kaa fiican ciise iyo cumar waad ureysaaye,fiiri yaa daciif waxan soo xasuustay markii ay shisheeyaha arkaan reer marsi xumooyin markii ay sokeeyaha arkaana waa is muturiyaan
Kkkkk dishiishe,Cali saleban,Cali jibrahil iyo dubays isu tegay waan garan karaa waxa Kaliyah ooy kumidoobi karaan waa naceyb osmaan Mohamud .lakiin waa majo sagaro isu tagay Mohamud salebaan waynaa kor kafiirsanaya ee mesha kukala tega intanan guutoyin idiin soo dirin
waxa soo dhawaynayaa dhaamaan madaxda afarta deg ee midaysan
Guddoomiyaha degmada WAACIYA waa muwaadin dhaba oo la hubo, sidaas oo kale ayaana loo baahan yahay!!! Noolow.
WAACIYE..CARMO…UFEYN…DHAHAR intaba wan ku faraxsanahey is dhaxgalkoda iyo midnimada ay mujiyeen runtii is badel weyn aa dhacey tan iyo inti lo dortey carmo iyo waciye gudomiyal age yar ahna dhalin aqoon leh kuwaso ka sarey bulashada shakigi ama warxumatashilki lokala shegi jirey hadana ad modo in ey aad isugu so dhawadeen bulashada degmoyinka oo ah dad wadashey oo ood wadag ah kalana marmin hanbalyo an leyhey markale