“Laasqoray mashruuc khayraadka loogala baxayo ayaa ka socda”Garaad C/laahi Cali Ciid
October 2, 2012 // Warar SomaaliOdayaal iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka Sanaag ayaa soo gabagabeeyay kulamo uga soconoyay deegaanka Mindigale ee gobolka Sanaag, shirka ayaa waxaa looga arinsanayay nabadgalyada gobolka, midnimda beelaha, dowladda cusub iyo dekedda la sheegay in laga qodayo degmada Laasqoray.
Afhayeenka Issimada Puntland Garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo shirka markii uu soo gabagaboobay saxaafadda la hadlay ayaa waxaa uu sheegay waxgaradkii kulanka ka qaybgalay ay isla garteen in si wada jir ah looga hortago khayraad uu sheegay in laga qodanayo magaalada xeebta ah ee Laasqoray.
Garaadka waxaa uu beeniyay Laasqoray in laga wado mashruuc deked cusub lagu dhisayo, waxaana uu tilmaamay wararka sheegaya in deked laga dhisayo Laasqoray inay yihiin been abuur, shirkado ajnbi ah ayuu sheegay in la keenay dekedda Laasqoray si khayraadka deegaanka si sharci darro ah ugala baxaan.
” Shacabka si cad ayuu u diiday waxaa la wadaa deked ma’ ahan , wax la yaqaano ma ahan, niman shaqsiyaal oo baayac mushtariyaal ah oo watta gariig iyo maraakiib ayaa yimid deked baan samaynaa yiri oo daraasadii dekedda lagu sameyn lahaa iyagoo hayn” ayuu yiri Garaad Ciid.
Waxaa uu sheegay inuu jiro heshiis ah in khayraadka deegaanka la gurto kadibna qarashka laga helo dekedda lagu dhiso waxaana uu ku tilmaamay garaadka arintaasi inay sharci daro iyo dhac ku tahay dadka gobolka u dhashay.
Garaad C/laahi Cali Ciid afhayeenka issimada Puntland ayaa tilmaamay dowladda Puntland gaar ahaan wasiirkeeda dekedaha uu horay u qiray wasaaradiisa inaysan shaqo ku lahayn dhismaha dekedda la sheegay in Laasqoray laga samaynayo.
Puntland-News24
Badhan.



C/laahi damiir baanu lahayne haduu waxaa u samaynayo boos baa lay siin waayey wax badan buu isagu suu doono ka yeelayey boosas Wrsngli oo aanu ehelba u ahayn qaybintooda maanta waxaasoo qayla ahi waxay u dhacayso maanta keliyaan wax waayey, ogow hadaba intaad adigu heleysey oo dhan dadka kale oo dhami inaanay waxba hayn laakiin sharaf sidaa ku lahaayeen adigu maalin aad wax weydo baad mafiiq xaar leh ummada iyo magacaba wada marinaysaaye. Isimna ha sheegan adigoo dhaqankaaguba sidaa yahay tolkaad u sheeganayso baad doonaysaa inaad magocooda dhooqayso eh acuuudu bilaaah wax waxan waalan yaa umada ka qabta
War kani garaadna maaha anigaa ka imi midigale lagama aqoonsano wuxuu baryaa Puntland dhulkiisa ha iska xaabo
wWar kani garaadna maaha anigaa ka imi midigale lagama aqoonsano wuxuu baryaa Puntland dhulkiisa ha iska xaabo
War kan yaa Garaad ka dhigtay Garaadnimadu ma abtirsiinyo xaga hooyada ka yimaadaa waanu garananaynaa meeshuu Garaadnimada kaga sasay waxaa ayeeyo u ah gabadh uu Garaad maxamuud Cali shire dhalay oo uu guursaday Sayid maxamed Cabdule Xassan……
waa Garaado Ciilkood….. Muxuuse u qabtay Gobolka sanaag waatuu Faroole Hoos fadhiyijiraye….kkkkkk
Habar kasta Garaad ayay iska sheeganaya Abdullahi yusuf ayaa Garad ka dhigay oo dan ku
watay lakiin asago reer salaax ah wax uu ka yahay warsangale baaba jir ayagoo dhan baabur
maq qaado nimak wax ka sugaya ayaa igu daran
nimanka nin ina adeerkood ah biyo siin waayey
cida wax ka sugeysa ayaa igu daran. awalba
jajus afweyne ayuu ahaa oo waxuu xirxiri jiray
warsangali puntiland sharaf ayuu ku yeeshay.
Warsangeli Dantooda waa yaqaan cidna uma dabo fadhiistaan, dad gaar ah baana lagala xidhiidhaa oo wax laga waydiiyaa e ma aha xaajo daah furan sida tan majeerteen iyo dhulbahante oo kale.. markaa duqani wuxuu lafikiryahay dadka aan fahansanayn ama aqoon ulahayn siyaasada Warsangeli.
Laasqoray warsangeli baa leh, warsangeli baa dhisanaya, cidna marti loogama aha,
C/laahina ciidna markii uu faroole kusoo hungoobay ma aysan ahayn inuu midigale oo aan kursaan lagu fadhiisto oolin oo qol daar ahina ka dhisnayn inuu kasoo qayliyo’e inuu aamuso ama iska dhuunto ayaa ufurnayd.
maka waxaan rabaa in aan wax yar iftiimiyo odeyga cabdilaahi cali ciid in aanu ahayn garaad ee yaan garaad nimada wax loo dhimin ninkan waxaa sameyey cabdilaahi yuusuf oo ka faaii deysanayey hadalka aan laga xishoon hadana odegu meel kasta waa ka soo xidhan tay tuulo yar oo aan cidna joogin buu shir ku qabtay waxana sawirkii ka muuqday in ardadii iskoolka uu shirka ku camirey markuu dadkii wayey laasqorey mashruuca ka socdaa waa mid lagu wado deked ninkii neceb iyo kii jecelba dacaayada odeygu kaga wado dhulkiisa iyo dadkiisa waa lagu yaqaan berigii majiyahan waa la,ogaa siduu tolkii uga soo horjeeday oo loo isticmalyey waa caado lagu yaqaan yuu lacag kaga rabaa beenta
waaaaaaaaaaaaw waa in la tageera graadka cabdulaahi cali ciid waayo waa nin aqoon yahan ah, garan karana mesha dhibaato ka imanayso markaa waanu tageerayna biciid casar waxanu leenahay meshiina kasii wada tuugadana ladaggalama warsangeligii xalasha ahaa idinka ayaa ahe laaluush qatayashana iska xakameeya
Marka hore Cabdulaahi Cali Ciid Garaad maaha oo isaga ayaa is magacaabay, cid uu garaad u yahayna ma jirto, tan kale arrinta shirka uu uqabtay waxay ahayd isaga oo doonaaya shir warsangeli inuu qabto, odayga waxaa loo sheegay in warsangeli aaney ku imaaneyn shir uu asagu isugu wacay, maxaa yeelay garaadkii qabiilka maaha. taas ayaa keentay inuu midigale oo tuulo yar ah aado oo cidiisu degantahay, odaygu wuxuu aad uga soo xanaaqay xamar oo ay isku arkeen Sheekh Shariif, wuxuuna sheekh shariif ka dhaadhiciyey inuu yahay Garaad, oo uu doonaayo in shiikh Shariif is hor taago xubnihii baarlamaanka G.Sanaag ee Suldaan Siciid Suldaan C/salaan uu gudbiyey, intaa ka dib Sheekh Shariif ayaa wuxuu isku dayey inuu la kulmo Suldaanka oo arrinta baarlamaanka beesha la fara geliyo halkaan uu Sheekh Shariif ka helo xooga cod uu ka sameysto asaga taageera, sida odayaasha Dhulbahante, Nasiib wanaag Suldaan Siciid wuxuu ku adkeystay in aanu marnaba la kulmayn sheekh Shariif oo aan laga wada hadlayn arrimaha baarlamaanka gobolka, suldaanku si cad ayuu Sheekh Shariif ugu sheegay in aanu dan ka lahayn aragtidiisa iyo la hadalkiisa, arrintaas waxa aad ugu bogay Faroole iyo madax kale oo fara badan, halkaas ayaa Cabdulaahi Cali Ciid ka cadhooday ka dibna isku dayey inuu qabto shir warsangeli oo Puntland iyo Faroole lagu cambaareynayo, shirkaasna odayga waa laga diiday,,,,, Marka waxan leeyahy war ninkii cadhoodaba sidii Cali Khaliif ha u dhaqmo oo danta iyo dalka oo dhanba ha dumiyo,,,, Adeerayaal ama ha xanaaqo ama shir beeshiisa ah ha qabsado meesha uu joogo ayuu qof walbi joogayaa……
Waa inaad iska qabataan shaqsiyaadka la shaqaynaya tuugada sharciga adduunkana lala tiigsado Warsangeli ogaada nacasyo idinkama dhalan ee ilaashada khayraadkiina.
scww.
marka hore Cabdulahi cali ciid ma aha Isim warsangeli ,waxaanse filayaa inuu yahay isin Maxamuud Saleebaan.
horumarka deegaanka Maakhir cid is hortaagi karta ma jirto, waxaa socda shirar warsangeligu leeyihiin , kuwaas oo ay aayahooda uga tashanayaan kuna taageerayaan dawladalda cusub. iyo doorashooyinka deegaanka ee puntland.
iska hubsada waxaad qoraysaan.
WAA RUNTIIS GARAADKU RUN AYUU SHEEGAY TAASI WEY ISKA CADAYD GARAADKU RUNTA AYUU KASHEEGAY MARKII UU ARKAY IN LAMARIN HABAABIYAY MASIRKII BESHA WAA SAX SANTAHAY GARAAD WAXAN SOO DHOWAYNAYNA TALAABADA AY QAATEEN LABADA BEELOD EE WARSAN GALI EE AH AADAN SICID IYO RER SALAX OO KALANOQDAY KALSOONIDII MAAMULKA MAJEERTEENIA EE FADHIIDKA KUNOQDAY GAROOWE WE ARE WELCOMEING IN HARGAISA SOMALILAND AND DIMUQRAADIAH SOMALILAND TAASINA WAAARIN WANAAG SAN OO HORE LOO QAADAY HADAANU LAASQORAY CALANKII GAMHUURIDA SOMALILAND KATAAGAYNA