London: Dood ku saabsan horumarinta warbaahinta ka howlgasha qurbaha [sawiro]
June 25, 2012 // Warar SomaaliWaxaa todobaadkan lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska kulan loogu magac daray caqabadaha ku hor gudban warbaahinta Africa ee qurbaha ka howlagasha iyo sidii loo horu marin lahaa.
Sidoo kale ayeysan meesha ka marneyn in laga hadlo ama la tilmaamo kobaca saxaafada Afrika iyo sidii ay saxaafadda dunida horumartay ay ula
tar tami lahaayeen.
Waxaa kulankan soo qaabeeyey soona diyaariyey machadka lagu magacaabo Royal Africa Society.
Dalka Somalia waxaa kulankan uga qayb galay, kana hadlay Hasan Musse oo ah aqoon yahan xaga dhaqaalaha ku xeel dheer.
Sidoo kale waxaa kulankan ka qayb galay saxafiyiin Afrikaan ah oo qaarkood ay ka shaqeeyaan jaraa’idyada ugu caansan dalka Britain sida joornaalka Guardian, independent, iyo idaacado isugu jira maqal iyo muuqaal sida idaacada guunka ah ee BBC Focus on Africa.
Dadkii shirkan ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa madaxa BBC Africa Solomon Mugera, Hassan M. Dudde (Somali Economic Forum), Agness Gitau
(East African Chamber of Commerce ) ninka isagu aasaasay Mo, Ibrahim oo ah nin taajir ah, kana soo shaqeeyey sanado badan bankiga Aduunka.
Solomon ayaa ka hadlay sida loogu baahanyahay in saxaafiyiinta Afrikanka ay ku dadaalaan sidii ay uga taxadari lahaayeen waxyaabaha laga baahiyo qaaarada Africa. Sida warbaahinta caalamka aysan u faafin waxyaabaha yididiilada leh ee Africa ka dhacay, balse intaas laga hadlo dagaalo iyo gaajo.
Hasan Musse oo Somalia kulankan uga qayb galay kuna hadlayey magaca Somali Economic Forum ayaa warbaahinta reer galbeedka ku eedeeyey inay xooga saaraan oo kaliya tebinta warbixino u badan dhanka xumaan sheega.
Sida inay baahiyaan dagaalo, colaado, macluul iyo sidoo kale arrimo ku saabsan Jabhadaha, argagixisada iyo Burcad badeedka. Waxa uuna
taas kudaray in loo bahan yahay in aduun weynaha la ogeysiiyo in
Soomaalia ay leedahay rajo fiican dhaqaalaheeduna uu kor u kacayo.
iyo inay jiraan fursado badan oo maalgashi.
Ka qayb galayaashii kulankan ayaa xiisaynayey inay wax ka ogaadaan arrimaha Somalia sida dhaqaalah, maal gashiga iyo amniga.
Hasan Musse oo ka qayb galayaashii kulankan weydiiyeen su,aalo dhowr ah ayaa u cadeeyey marti sharaftii meesha fadhiday inaysan u qaadan in Somalia ay u dhamaatay, oo ay noqotay meel bahalo galeen ah. Wuxuu tusaale wanaagsan ka siiyey in Somalia Africa ugu horeyso dhanka Isgaarsinta casriga, Xawaaladaha, iyo khayraad faro badan oo dinida loo iib geeyo sida Kaluunka, Beeyada, Xoolaha, dhowaana la filayo inay soo dhamaato sahminta shidaal markii u horeeysay laga qodayo Somalia gaar ahaan Puntland.
Mr. Hassan ayaa sidoo kale ku booriyey inay warbaahinta ay isku taxaluujiyaan sidii arrimo badan oo waxtar ah dunida loogu tebin lahaa oo ku saabsan Africa ama Somalia.
Saxafiyiintii kulanka ka qayb galay ayaa si weyn u daneynayey inay wax ka ogaadaan sababta dalka Turkiga ay ugu heelan yihiin sidii dalka Somalia gacan beni-aadamnimo iyo mid horumarineed loogu fidin lahaa, Hassan Musse oo arrimahaas ka jawaabaya ayaa yiri ”Turkiga waa dalka kaliya ee Somalia dunida tusay, kuna soo hogaamiyey, wax aysan 20 sanno qaban dalalka reer galbeedka ayey muddo yar ku qabteen, walina way wadaan, Soomalidu marnaba ma ilaawi doonaan walaalaha Turkiga ayu sii raaciyey.
Ugu dambayntii shirkan dadkii kasoo qayb galay ayaa diirada lagu saaray sidii warbaahinta iyo qurbajoogta oo iskaashanaya ay ahmiyad weyn u siin lahaayeen guulaha iyo wanaaga ka dhaca Africa, intii diirada mar walba lagu heyn lahaa warbixino niyad jabin ah. Dabcan meesha lagama saarin danaha ay reer galbeedka ka leeyihin faafinta iyo u nuglaanta in African laga soo qaado meel aan dimoqraadiyad ka jirin oo aan wax horumar ah ka dhici karin.
Sawirada waxaa nasoo gaarsiiye AFrica R S.
Puntland-News-24


