London: Shirka Dhaqaalaha iyo Ganacsiga [Sawiro]
April 17, 2012 // FaallooyinWaxaa magaalada London ee dalka Britain lagu qabtay kulan ku saabsan arrimaha ganacsatada iyo xirfadleyda Soomaliyeed,munaasabadan ayaa waxaa lagu martiqaaday ganacsato Soomaaliyeed shirkado ay ku jiraan kuwa xawaaladaha, aqoonyahano iyo shakhsiyaad kale, waxaana sidoo kale looga hadlayey xaalada dhaqaale iyo ganacsi ee Soomalia ay ku jirto xilligan qalafsan.
Waxaa kasoo qayb galay shirkadaha iyo ganacsatada Soomaliyeed ee fadhigoou yahay magaalada London, aqoonyahano iyo shakhsiyaad shisheeye ah oo daneeya inay maalgelin ku sameeyaan dalka Somalia mustaqbalka.
Shirkan Waxaa marti ku ahaa Prof. Hodan Siciid Ciise oo barre jaamaceed ka ah Buffalo University ee dalka Mareynkanka iyadoo dhigta maadada culuumta dhaqaalaha, Hodan sidoo kale waa Afada R/wasaaraha Somalia Mudane Prof. C/wali Maxamed Cali.
Ugu horeyn waxaa kulankan ka hadlay Xasan Musse Dude oo ka tirsan Somali Economic Forum isagoo xusay in ahmiyada ugu weyn ee shirkan loo qabtay ay tahay siddii ay u kulmi lahaayeen shirkadahada, ganacsatada iyo xirfedleyda Soomaliyeed. Xasan ayaa sheegay in Somali Economic Forum ay u fududeysay sidii ganacsatada iyo xirfadleyda oo iskaashanaya ay qayb uga noqon lahaayeen sidii Somalia oo dhaqaalaheedu bur-bursan yahay sare loogu qaadi lahaa, maadaama dalka Somalia ay dhibaato xad dhaaf ah oo socotay 21 sano ay soo daashatay.

Prof. Maxamed Samatar oo ah dhaqaale yaqaan wax ka dhiga jaamcada Puntland University ayaa khudbad dheer munaasabadan kaj eediyey Prof. Samatar wuxuu si weyn ugu dheeraaday xaalada dhaqaale iyo ganacsi oo is-kaabaya ee wakhtigan ka jira guud ahaan dalka Somalia.


Prof. Samatar ayaa sharaxaad ka bixiyey qiimaha GDP Somalia ay kaga jirto caalamka iyo sidoo kale wax soo saarka dalka Soomalia uu hodanka ku yahay, iyadoo uu aqoonyahanku uu si qoto dheer ugu dheeraaday qaabka looga gaashaman karo in dal uu ku dhaco dhaqaale bur-bur.
Prof. Hodan Siciid Ciise ayaa sidoo kale hadal ka jeedisay kulankan iyadoo ku amaantay Somali Economic Forum shaqada baaxada leh oo ay qabteen, Prof. Hodan waxay si qota dheer uga hadashay arrimaha dhaqaalaha Islaamka iyadoo sheegtay in ay wanaagsanaan lahayd in la sameeyo baaritaan ku saabsan Islamic Bank.

Sidoo kale waxaa kulankan ka hadlay Miss. Agnes Gitu oo ka socotay champer of Commerce Kenya. Agne ayaa xustay in dalkeeda uu dhiirigelinayo in si weyn maalgalin loogu sameeyso bariga Africa, waxayna ka codsatay SEF inay wada shaqayn yeeshaan.

Maamulaha Shirkada Anderson Pearce Axmed C/laahi ayaa isaguna markiisa kulankan ka hadlay isagoo sharaxaad iyo tusaalooyin ka bixiyey sida loo abuuro shirkado xilliyada adag, ee dhaqaaluhu adag yahay iyo qaabka ugu haboon oo looga hortagi karo in fashil uu ku dhaco ganacsiga.
Ugu dambayntii kulankan oo ah kii labaad oo la qabtay sanadkan gudihiisa ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiilo ka socday xawaaladaha shirkadaha gaar ahaan Amal iyo Dahabshiil, ganacsato,iyo dad ajnabi ah oo danynayey inay wax kala socdaan arrimaha dhaqaalaha dalka Somalia heerka uu marayo iyo sida ugu sahlan ee Somalia loogu samaysan karo maalgelin mustaqbalka.


