“Ma Boosaasaad ka timid Ma bari hoosaad ka timid Ma soo badi baa is tiri Ma boorkey kugu rogeen”
February 6, 2012 // Sports, Warar SomaaliGobolka Bari ayaa guud ahaanba mac-salaameeyey koobkii gobolada Puntland, kadib markii maanta gobolka ay mataanaha yihiin, balse duruufuhu kala kexeeyeen ee Karkaar ay ku suul daartay Hal Gool iyo Eber.
Karkaar galabta waxay u baahneyd oo kaliya hal dhibic, hadii Hayland mar kale lagu celiyo draw, amase laga badsho laakiin waxay jeebka ku hubsatay 3 dhibcood, qaab ciyaareedkooduna wuxuu ku jaan go’onaa daafaca adkeeyso, hal goolna kugu filan.
Karkaar waxay horay uga soo badisay laacibiinta Hayland, balse waxaa dhagaha ku dhuftay iyagana Nugaal, oo sanadkan si weyn ugu dedaalaysa in Koobku uusan dhaafin jidadka waaweyn ee caaasimada, waana tan uu qof walba kuu sheegayo.
Xulka reer Karkaar waxay sidaas ku leeyihiin 6-dhibcood maadaama ay laba jeer ka badiyeen, Hayland iyo Bari, halka Nugaal ay leedahay iyana 6 dhibcood, balse ciyaarta isla maanta dhex mari doonta iyaga iyo Hayland hadii ay badiyaan 9 dhibcood ayey lahaan doonaan.
Waxaa xusid mudan in Hayland hadii ay xataa Nugaal kasoo badiso, aysan tartanka kusii jiri doonin, maadaama Karkaar ay soo badisay, lix dhibcoodna heysato Nugaalna lix kale heysato.
Waa guul daradii labaad oo ku dhacda Libaaxyadii gobolka Bari, oo sanadkan la tuhmayo in siyaasad ahaan loogu soo safay caruur yar yar oo aan khibrad lahayn, kadib markii mar qura la waayey laacibiintii gobolku lahaa oo aanba tartankaba ka qayb galin.
Gobolka Nugaal oo isagu ah gobolka ugu khatarsan sanadkan isalamarkaana aaminsan mukalaal minankeeda joogta, ayaa gobolka Bari guul daradii koowaad huwiyey, ciyaartii labaadna waxaa Bari ay bareejo la gashay gobolka Hayland, iyadoo maantana ciyaar ay ku khasbanayd inay badiso kusoo dhamaatay guul darro.
Xulka Gobolka Bari ee maanta Boorsadiisa ka qaatay tartankii lixaad ee ciyaaraha Puntland ayaa waxaa la isweydiin karaa maxaa soo dadajiyey inay dhakhso uga baxaan horyaalka.
Iyadoo la xasuusan yahay gobolka Bari inuu ahaa xulkii labaad ee ciyaaraha gobolada Somalia kaalinta labaad kagalay kadib markii Banaadir ay qaaday koobka.
Xulka Gobolka Bari wuxuu kaloo ahaa xul dhisan, khibrad, weeraryahano laga cabsado oo culus lahaa, waana tan keentay inay koobab badan qaadaan oo ay ugu dambeeysay koobkii ciyaaraha gobolada Puntland ee Garoowe lagu qabtay.
Sanadkan sheekadu sidaas maaheyn oo ciyaartoyda waa la iska soo aruuriyey, waxay ahaayeen muuqaal ahaan dad aad u yar yar, horayna aan loogu arki jirin fagaarayaal Spoorti, marka laga reebo dhowr ciyaartoy oo u dheela koox caan ka ah Boosaaso oo lagu magacaabo Horseed-media.
Markii uu yeray Firimbigii ugu dambeeyey ee galabta ciyaartii gobolka Bari looga saaray Koobka ciyaaraha Puntland, ayaa waxaa soo shaax baxay guux ahaa in tababaraha xulka Gobolka Bari iyo gudoomiyaha Spoortigaba G. Bari ay is casilaan, oo shaqada ka fariistaan.
Puntland News-24




Dhalinyarada waxaan kula talin lahaa intiinaan wax falin kafiirsada,oo ku dadaala CIYAARAHA,waayo maskaxda ayay dhisaan oo qofba intuu ka ciyaar badan yahay wuu ka maskax fayoow yahay,dadka kale ee aan cayaarin sportga.Waxbarashaduna waa muhiim inaad ku dadaashaan si aad u hiigsataan dhalinyarada adduunka ee hanatay dalalkoodii,waxaad helaysaan ilaa heer jaamacadeed oo dhulkiina idinkoo aad joogtaan,oo haddana gurigiinii aad u hoyanaysaan,waxaan filayaa waa nasiib uu Ilaahay idinsiiyay,waxaana suuroowda in ay qaarkiin is yiraahdaan amaad meel kale wax ka raadisaa oo uu wakhti badan kagalumo.
Marka hadalkaygu waa intiinaan wax falin ka fiirsada,difaaca dalkeennu waa dan.
nugaal sanadkaan way dhaarsanatahy lkn waan aqaan 90ga ayey isku fakhaakhaysaa oo koobka sanadkan ama waa qardho ama waa baran no more mudug and nugaal…. qardho ayaan ka yaabay laacibiin badanaa,,, gobolka sanaag wiil rer qardho aha ayaa wada wiilka bilaal la dhaho bosaaso reer qardhood ayaa wadey oo yasin robinho iyo daacad iyo qalbi markay ka soo tageen waa kuwaas wareeg kowaad ba ku haray.
Universal, BBC , VOA, waxay buunbuuniyeen Ciyaarihii ismaamulka Idoor ee Somaliland, markaa maxaa kuwa reer Puntland ay ula colloobeen, ma colaadda iyo Hostility ayey u qabaan, dadka shacabka reer Puntland iyo nabadda, horumarka iyo dowladnimada jecel , mise dadka reer puntland ayaa kaalintooda gabay, oo completion-kii ka hadhay.
Gacaliye, you are right in accusing these 2 Somali-news outlets’(VOA & BBC) “heads” being more moron spokesmen than objective Somali professionals, specially Yusuf Garad is a welknown AL-SHABAAB terrorist supporter.
Sadly enough, he is promoted and supported by those winners of Somalia’s destruction!
Kkkkkkk kkkkkkk reer bari hadan koobka qaadnona armaad dhahdaan nugaal baa maamulku siiyey koobka?kkkkkkkkkkkk,hada wax iska celiya intay goori goor tahay,kkkk wabillahi towfiiq
I mean, Mise waxaad raacdaan amar aad…….
Waxaa layaab leh Somali-VOA iyo BBC-somali inay iska indha tiraan ciyaaraha ka socda gobolka Puntand ee Somalia.
Sowda Hussein (J’berg, S-Africa), Abokor M.Abdi Boston (Cairo) Subriye (in Rome) maxaad uga indha’saabataan sportiga ka dhaca Puntland?
Mise waxaad raacdaan aad ka hesheen Yusuf Garad Cumar iyo C/raxman Yabarow?
kkk horta kii soo baxaba aniga ma kala jecli laakiin sida muuqata ama aan maqlay nugaal sanadka looma babac dhigi karo dee waana koox xoog badan oo xataa cayaarihii gobolada somaliya waxaa lagu reebay kaalinta labaad waliba rigoore lagu reebay waxaa reebtay banaadir waxayna noqdeen kooxdii ugu ciyaarta fiicnayd markaas ciyaar toygii ugu laacib sanaana iyaga ayuu u cayaarayey marka lama dhayalsan karo nugaal. lkn anigu waxaan taageerin mudug sanadka
Wiil nugaaleed that is soo funny I like your humor.
nin baa laga hayaa, waxaan la yaabanahay faanka Mudug, fajaca Nugaal, Faduusha Karkaar, iyo ficil la’aanta Sool.
kkkkkkkkk horta aniga waxaan garowsanahay in Qardho ay aad ugu hormarsan tahay dhinacyadda Cayaaraha iyo Waxbarashadda,laakiin kan maqaalkan sow qorow Sxb ogow in aan”la isku dherin karin Qarsho iyo Bosaso,sidii in aad koob qaaday ayaad u qortay maqaalka,ciyaaryahanadda aad aflagaadaynayso angaa keensanay,waxaad hoosta ka xariiqataa in,Siyaasadda,ciyaaraha,dhaqaalaha,bilcda iyo iyo iyo…..dhamaan in ay marti u yihiin Garowe.
Waa la bi,waayey, oo kaalay see wax u dhaceen. Karkaar baa bari ka badisay, boowe reer bari kaluun faro badan ayay soo cuneen.
Laakiin war baan idiin hayaa:Wiil sange sankiisu le,eg yahay ayaa sugaya karkaar, oo ceesaan ugub ah damarkii u hareeyey la soo siiyey!!!! oo sidii marwaxadii kubbada meel walba ka raadsanaya!!!