Ma oran karnaa Muqudisho waa magaalo matali karta caasimadii Qaranka Soomaaliyeed??

July 9, 2012   //   Opinion

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah subxaanalaahu watacaalaa oo fursadan I siiyay in aan qoraalkaan soo gudbiyo, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay, kadibna dhammaan bulsho weynta Soomaaliyeed meel walboo aad joogtaan waxaan idiin leeyahay asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaat.

Dunidan aynu ku noolnahay meel walboo aad ka tagto iyo waddan walboo aad booqato waxa aad ku arkeysaa magaalo u ah caasimada ama halkii looga talinayey waddankaas. Magaalo madax walbaa waxaa ay leedahay shuruuc u gaar ah oo lagu dhaqo iyadoo lagu maamulo xeerar u gaar ah oo ay u siman yihiin dhammaan shucuubta waddankaas ku abtirsada. Caasimada waa in ay noqotaa had iyo jeer magaalo loo siman yahay fursadaha ka jirana si isku mid ah loo wada qeybsado haddii ay noqoto fursadda shaqada, ganacsiga, waxbarashada iyo waliba in qof walbaa meel walbuu ka yimaado uu xaq u leeyahay in uu maalgashan karo, hanti ku yeelan karo iyo waliba dhulkeedana oo uusan cidina marti uga aheyn. Iska daa muwadiniinta waddankaas waliba waxaa fursadahaas mid la mid ah la siiyaa ajnaaniibta kale ee waddankaas ku nool ee sharciyada ku leh.

Magaalada Muqudisho bur burkii ka hor waxa ay aheyd magaalo ay ummadda Soomaaliyeed ay wada degan yihiin oo Soomaali hanti wixii ay laheyd la galiyey, waxaa si gaar ah loogu xasuustaa hantidii aadka u balllareyd ee ay ku lahaayeen Labadii maalqabeen Allaha u xariistee Jirde Xuseen oo asal ahaan kasoo jeeday deegaanada Somaliland iyo Ibraahim Uunlaaye oo isagana kasoo jeeday deegaanada Puntland ahaana muwaadin ku dhashay Kismaayo, hantidii ay galiyeen caasimadii waddanka. Waxaa marag madoonto aheyd guryihii ugu quruxda badnaa uguna waaweynaa ay ku lahaayeen wadnihii waddanka: – { Sabboyo Centre, kafee nasunaale, daartii Kulmis, Daartii Jirde Xuseen, Guryo baddan ay safaaradaha deganaayeen} hantidaas maanta waa meelo lama degaan ah ama ay dad aan laheyn degan yihiin bilaa shuruud. Waxaa intaas dheeraa in hantida la galiyey magaaladii Xamar ay boqolkiiba 80 dadkii lahaa ay maanta ka qaxeen ama xoog looga heysto. Dadkaasi wey jirtaa in afka laga yiraahdo hantidiin soo doonta ama la leeyahay waa leydiin hayaa xoolihiina, laakiin ayan aheyn arin camali ah.

Muqudisho maanta waxaa ka ah Mayor ama duqa magaalada nin muwaadin Soomaaliyeed ah oo waliba waayo arag ah kana yimid qurbaha Mudane Maxamuud Tarsan. Haddaba Tarsan wuu la socdaa qaabka iyo nidaamka looga nool yahay adduunka wuuse soo arkay sida umadaha fursadaha loogu siman yahay. Tarsan hoos ma u eegtay golahaaga deegaanka iyo waliba gudoomiyayaasha magaalada Xamar, hoos ma u eegtay shaqaalaha ka howlgala hay’adaha dowladda iyo deegaanada ay kasoo jeedaan, hoos ma u eegtay fursadaha deeqaha waxbarasho ee ardeydeena lagu siiyo magaca qaranka iyo inta qeybsata, hoos ma u eegtay fursadaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku kala nool gobolada dalka iyo xaquuqda kaga maqan caasimadii. Tarsanoow markaad intaas dib u eegto ma isweydiisay halkee ayeey ku maqan yihiin ummaddii Soomaaliyeed. Caasimadii Soomaaliya wey ka weyn tahay meel ay  beel qura siday doonto ka yeesho. Sidoo kale madaxweyne Shariif ma isweydiiyay xuquudii umadaha kale.

Muqdisho waa magaalo deegaan ahaan aad u qurux baddan Soomaali oo dhan ku filan caasimad ahaan, leh xeeb qurux baddan, leh hawo wanaagsan, lehna tansiilaadkii loo baahnaa oo dhan. Laakiin waxaa isweydiin leh Muqudisho muwaadiniintii Soomaaliyeed ma u siman yihiin fursdaha ka jira. Caasimada maaha in aan ku imaado dalxiis ee waa in ay tahay meel aan xaq u leeyahay in aan dego ama aan hanti gashan karo. Waxaa kaloo iyadana xusid mudan in maanta ay magaalooyin fara baddan aad u horamareen oo qaadi kara magacii iyo sharaftii caasimadeed oo aan cidna cid ka xigin haddii la siiyo fursadaas caasimadeed sida Hargeysa, Boosaaso, Garoowe, Burco, Baydhabo, Gaalkacayo, Baladweyne, Jowhar  iyo waliba Ceerigaabo.

Haddaba waxaan hadlkeyga ku soo afjari lahaa Muqudisho haddii la doonayo in ay sii ahaato caasimadii dalka waa in fursdaha ka jiraa loogu qeybiyaa Beelaha Soomaaliyeed minqiyaaskii ay ku qoratay dastuurkeeda ee ahaa (4.5) Afar dhibic Shan. Runtii minqiyaaskaas waa wax dulmi ah oo ka muwaadin ahaan ma ictiraafsani laakiin waxaa la yiri waa xal xilligan la joogo. Haddaba fursdaha Xamar ka jiraa waa in mastaradaas la saaraa oo golaheeda deegaanka loo qeybsadaa 4.5, gudoomiyayaasha degmooyinka loo qeybiyaa 4.5, fursdaha shaqooyinka ee hay’adaha loo qeybiyaa 4.5, Ciidamad 4.5, wax walboo ummadda ka dhaxeeya oo ku taxaluqay waa in looqeybiyaa minqiyaaskaas, haddii kale la siiyo magaalooyinka diyaarka u ah in ay Soomaali wax u qeybiyaan kana run sheegaya. Arintaas haddii laga run sheego waxaan qabaa in horumar wanaagsan la gaarayo, laakiin afka baarkiisa wax la ogolaan karaa ma jiraan. Waa in loo sameeyaa gudii ka kooban Soomaali oo dhan oo ku yimaada nidaamka 4.5ka oo ka taliya xuquuqda iyo fursdaha caasimada. Haddii kale waa shimbiryahoow heesa, cid ogolaan kartaana ma jirto.

Hadalkeygu maaha fidno kicin ee waa in Soomaali ay isku laab xaarnaato oo si isku mid ah wax loo qeybsdaaa. Waxaa dhacda dad isweydiiya magaalo heblaba looma sinnee ee maxaa Muqudisho kaliya looga hadlaa, Soomaalidu waxa ay tiraahdaa nin durbaan qaatay cilaaq dalbay, Muqudisho iyadaa tiri Soomaali ayaan u dhaxeynayaa oo caasimad baan u noqnayaa marka waa in fursad isku mid ah ay u helaan muwaadiniinta ku nool min Raas Caseyr illaa iyo raas kambiyooni. Haddii kale hala raadiyo magaalo kale oo arintaas diyaar u ah wax walboo loogu taliyo.

Sidoo kale caasimad la yiri waa lama taabtaan ma jirto adduunka, xilli walbaa iyo marxalado walbaa haddii loo baahdo waa laga guuri karaa oo meel la isku raacay ayaa laga dhigi karaa. Tusaale waxaa kugu filan India waxaa caasimad u ahaan jirtay Bombay maantana waxaa u ah New Delhi, Nayjeeriya oo ay u aheyd Laagoos maantan Abuuja, Pakistaan oo ay u ahaan jirtay Karachi maantana Islamabad iyo kuwoo kaloo la mid ah. Soomaaliyeey haddii xal la rabo waa in loo xisaabtamaa si daacadnimo ah ee in dad si gaar ah loo qanciyo oo ummad kale  xuquuqdeeda lagu tunto wax wanaagsan maaha. Caasimadu waa caasimadeenii Muqudisho waa halkii aan ku dhalanay, wax ku soo baranaya oo Allaah waxaan ka baryayaa in muqdisho ay noqoto mid loo wada siman yahay oo aan cid gaar ah lagu dulmin. Muqudisho waa in ay noqotaa muraayada ay cid walbaa iska arki karto.

Wabilaahi Toowfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser – Leicester UK

COMMENTS

RSSComments (5)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. garyaqaan says:

    sorry waxaan aad ugu xumahay in aad ku tilmaanto muqdisho waa magaalo aan caasimad u qalmin adigoo sabab ugu dhigaayo waa magaalo qabaa il isku koobay
    muqdisho waa magala madaxda somaliya ku qanac mise haku qancin raga dhisayna waa raga hada ku damash leenaya waana mudane xaashi wehliye iyo garanaal maxamed shiikh maykaal hadaad wax dhisi jirtay maad magaaloyinkaas yar yar ee baya la,aantu ka jirto ceelal u qodid tan kale
    waxaa wanaagsan in cuqdada raagtay iska saartaan waxaan leeyahay shacabka rer puntland haday muqdisho magaalo qabiil tahay bal goroowe ama bosaaso kawarama maloo siman yahay kkkkk k tan kale iska ilaawa in aad muqdisho aad jago ka hesho waayo magaalada rerki daganaa ayaa xaq uleh tan kale nin waliba dhulkiisa ha deeqo maalgashina garoowe iyo bosaaso maal gasho muqdishana dadkii daganaa ayaa maal gashanaya tan kale iska ilaawa waxuu idiin baray kaligii taliyahii siyaad bare ahaa waxuu idiin baray hada wadanka waxaa gacanta ku hayo dadka daacada ahaa oo somalinimada u tagnaa waqtigiina iskana daaya hadalada somali kala foeynayo

    noqo mid ku qanca qoraalkan wabirahi towfiiq

  2. imran says:

    Yay casumad utahay? Rer konfuredka iyo alshababka is dhalay wa lodhisay maxa ka danbeyay wa loga tagay marka invesment danbe noguma harin wan ku dhashay runti ano yarna walaga qaxay hadana nin walba degan bu leyahay ban aminsanahay haku ekaado rerahasna wa kuwan naqan, nin naftisa nacay unba u socda oo an damir lahayn waba puntland ado haysta meesha caruraha iyo dumarka lagu cono u hanqal taag, kkk what a joke

  3. umu yususf says:

    haa waa noqon kartaa balse dadka degan waa inay og yihiin in somali oo dhan ay leedahay magaladaan oo ay sidii hore u dhacday .anay mar danbe dhicin waayo qof muqdisho ku dhashay in la yiraahdo adigu ma lihid ee meshaad ka timid aad waa wax aan suurto gal ahyn waxaanse u sheegi yaan la aminin mogadhisho oo qof walba federalka ha lagu kala joogo waa run puntuland waa dhul qalalan balse qeyraad kale leh iska imaansada please.

  4. ahmed----------- says:

    waa maya sababtoo ah xamar waqtigaan ma’u'eka caasimad soomaaliyeed wali waxaa taagan mallaysiyaad hubaysan iyo ayadoo aysan kammuuqan dhexdhaxaadnimadii dhammaan shacabka soomaaliyeed aay iska dhex arkaan caasimaddoodii hore ee muqdisha taas oo wali waaya aragnimadii aay u bislaanlahaayeen laga’la’yahay dadka hadda sheeganaya caasimadda inay iyagu leeyihiin si gaara ama qabiil gaara oo aay wali kasheeganaayaan dadkii aay kaqaxsheen guryahoodoo dukaamadoodii iyo dhammaan hantidii aay ku’lahaayeen muqdisho 1991 taasoo waliba lagu xalaalaystay dhiigoodii walina hantidii dadka aay haystaan ,dhul kufadhiya malaayiin doolarna dhulka lala simay oo dadka xamar isku koobay inay iyagu kiligood leeyihiin hantidaasoo dhan aay maanta haystaan iyo dhiigoodii ,haddaba waxaa kaloo kaddaran haddii dagaal ahliya soonoqdo waa meel qofka kasoojee wax kabadan 500 kiilo mitir aay adagtahay inuu badbaado helo haddaba gabagabadii muqdisho maahan mgaalo dhxdhexaada oo ah sidii 1980 waxii kahoreeyay. midda kale waxaan digniin u jeedinayaa dadkii xamar kaqaxay 1991 oo u badnaa daaroodka oo maanta isyiraahda 21 sano kaddib bal gurigaagii ka wardoon in dhagta dhiiga loodarayo oo inta shabaab la’isaga dhigo madaxa laga jarayo kaddibna mididii oo dhiigaysan isagoo mayda oo madax go’an shafka loosaarayo,haddaba waxaan dhihi lahaa inta caddaalad rismiya soomaali helayso isjira oo naftu yeesan ku dambeen meel xanuun badan …sc

  5. Axmad yare says:

    Mayeey, maya

Leave a Reply