Maalinta xuquuqda aadanaha ee aduunka oo laga xusay Bosaso [Sawiro]
December 10, 2012 // Warar Somaali
Maalinta xuquuqul insaanka caalamka oo ku beegan 10-ka September ayaa maanta siweyn looga xusay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.
Munaasabadda xuska maalinta xuquuqda aadanaha ee ka dhacday magaalada Bosaso ayaa lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee magaalada Bosaso iyadoo ay kasoo qaybgaleen xildhibaano golaha deegaanka Bosaso katirsan, ururrada bulshada rayidka, waxaana soo qaban qaabiyay ururka xuquuqda aadanaha Puntland ee PHRA oo taageero ka helaya xafiiska siyaasadda QM Soomaaliya ee UNPOS.
Gudoomiyaha ururka xuquuqul insaanka Puntland C/xakiin Saciid Maxamed oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay ururkooda inuu ku dadaalo xuquuqda dadka dhibaataysan, shacabka ayuu ugu baaqay inay gacan ka siiyaan u adeegidda dadka dulman iyo soo gudbinta dhacdooyinka xuquuqda aadanaha ku saabsan.

Waxaa uu intaasi ku daray hadafka sanadkan inuu yahay kor u qaadida doorka haweenku bulshada iyo siyaasadda ku leeyihiin.

Xildhibaan C/nuur Galeer oo ka mid ah golaha deegaanka ee degmada Bosaso ayaa sheegay haweenku inay leeyihiin xuquuq badan oo ku cad dumarka,
Waxaa xildhibaanka uu xusay inay jirto dhibaatooyin badan oo haweenka xuquuqdooda lagu xaqiro taasoo ay ka mid tahay shaqooyinka ay qabtaan mararka qaar oo loo diido in la siiyo xuquuqdooda shaqo iyo arimo kale.
Xildhibaanka ayaa qiray inay jirto eedaymo xambaarsan arimaha xuquuqda aadanaha oo ay soo gudbiyeen hay’adaha qaar taasoo katimaada dhinaca hay’adaha amaanka.
Faadumo Maxamed Yuusuf oo ku hadashay afka haweenka kulanka kasoo qaybgalay ayaa sheegtay gabdhaha xuquuq inay ku leeyihiin diinta.

Waxaa raga ay ugu baaqday inaysan xaqirin xuquuqda haweenka oo ay ka qaybgaliyaan siyaasadda dalka iyo arimaha kale ee shacabka loogu adeegayo.
Ikraan Sheekh Xuseen oo ka mid ah dadka barakacayaasha ee magaalada Bosaso oo lagu tiriyo dadka ugu badan ee dhibaatooyinka la kulma ayaa codsatay in la caawiyo dadka barakacayaasha , iyadoona tilmaamantay dhibaatooyin ugu badan dhanka noloshooda xiliyada qaar inay soo foodsaarto.
Degaanada Puntland ayaa si weyn looga xusay maalinta xuquuqda Aadanaha oo la iclaamiyey sanadka marka uu ahaa 1948-di.
Puntland-News24






